Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Xilli ciyaareedka La Liga ayaa ahaa mid xiiso leh xilli ciyaareedkan iyada oo ay ka soo bexeen kulamo aad u fiican. Kooxo badan ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu bilowday tartanka xilli ciyaareedkan. Xiddigaha ayaa is muujiyay ilaa haatan iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah ilaa haata xilli ciyaareedkan. Kadib markii la galay fasaxa xulalka waxa fursad loo helay in la qiimeeyo xilli ciyaareedka Horyaalka La Liga. Shabakada Whoscored ayaa soo saartay shaxda ugu fiican ee ilaa haatan horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan. Kooxaha Barcelona, Granada, Atletico Madrid iyo Barcelona ayaa shaxda…
Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh. Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan. Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga. Darwin Nunez, Dominik Szoboszlai iyo Ryan Gravenberch ayaa ka mid ah xiddigaha Liverpool ee ka cadhooday ka tagistii Jurgen Klopp ee kooxda iyaga oo aaminsan in la marin habaabiyay markii ay u saxiixeen Reds (FootballTransfers). Saraakiisha Manchester United ayaa todobaadyadii la soo dhaafay sare u qaadayay…
Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters 35 Budhcad badeed Soomaali ah oo iyagoo markab afduubtay ay qabteen ciidamada badda ee dalka Hindiya ayaa lagu maxkamadayn doonaa dalkaas. Sida uu sheegay sargaal ka tirsan ciidamada badda ee Hindiya. Budhcadda la qabtay ayaa sabtida soo socota la gayn doonaa dalka India iyaga oo lagu wareejinaayo hay’addaha garsoorka ee dalka India. Sargaalka oo la hadlay wakaaladda Reuters ayaa diiday in magaciisa la xuso, isaga oo sheegay in uusan ogolaansho u haysan in uu lahadlo warbaahinta. Dacwadaha rasmiga ah ee lagusoo oogi doono budhcada ayaan si degdeg ah loo cadaynin ayuu sheegay. Markakabkaan…
Dable Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo) oo loo soo xiray dil bareer ah oo u geystay marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan Labo ayaa waxaa maanta xukun adag laga soo saaray kiiska dilkaan. Tookiyo ayaa laba iyo tobankii bishii August 2022-ka ku dilay Cabdijabaar maqaayad lagu shaaho ee kutaal isgooska Tarabuunka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Muran salka ku haayay siyaasad oo soo kala dhex-galay marxuumka iyo Cabdiraxmaan Tookiyo ayaa gaartay gacan ka hadal uu midi kaga dhuftay wadnaha iyo daanka. Eedeysanaha oo baxsad ka ahaa gacmaha sharciga ayaa soo gacan galay siddeed iyo labaatankii bishii January ee sanadkaan 2024-ka Baaris…
Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa lagu wadaa in dhawaan loo magacaabo Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda Soomaaliya. Magacaabista Mr Sanbaloolshe ayaa loo sababeeyay aqoonta iyo qibradda Sirdoon ee uu leeyahay. Taliyaha hadda haaya xilka Nabad sugidda Mahad Salaad ayaa dhowr jeer lagu eedeeyay in xilkaasi uu ku fashilmay loona baahanyahay in la badbaadiyo Hay’adda NISA taas oo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ku dhalisay in uu magacaabo Sanbaloolshe dhawaan. Waxii warar ah oo ku soo kordho kala soco marwalba Isha wararka Radiohalgan.com
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hey’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay (UNHCR) Xafiiskeeda Soomaaliya Mr. Charles Mballa. Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxa Hey’adda Qaxootiga UNHCR ee Soomaaliya, ayaa ka wada hadlay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool gudaha dalka iyo sidii howlaha gargaarka ee ay ka wadaan Soomaaliya loogu beddeli lahaa mashaariic horumarineed, si xal waara loogu helo dhibaatooyinka sababa barakaca. Xamsa Cabdi Barre, Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in howlaha ay hey’addu ka fuliso dalka lagu saleeyo arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda, isaga oo intaas raaciyey in…
Kulankan wadajirka ah oo ahaa kii 27-aad ayaa waxaa guddoomiyey Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo wehliyaan ku-xigeennada labada Aqal ee Baarlamaanka. Xildhibaannada ayaa maanta u gudbay ka doodista madaxa 3-aad oo ka hadlaya xisbiyada siyasadeed iyo madaxa 4-aad oo ku saabsan maamulka dorashooyinka dalka. Doodda maanta oo ahayd mid xasaasi ah ayaa waxaa isku diiwaan geliyay illaa 33 Mudane oo isugu jira labada Aqal, waxaana lagu wadaa in berri la soo gebagebeeyo. Sheekh Aadan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kulanka berri ay Xildhibaannada soo xaadiraan, si loo dhameystiro cutubka 4-aad ee wax ka beddelka Dastuurka KMG ka…
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa habeen ka hor tegay maqaayad ay isku balansadaan dad u badan saraakiil amni oo rag iyo dumar isugu jira, kuwaas oo halkaas ku sameeya waxyaabo ka basan anshaxa suuban Soomaaliyeed iyo diinta. Yuusuf Madaale ayaa gudaha u galay maqaayadaas oo ku taalla agagaarka hotelka Afrik ee isgoyska KM4 ayaa la sheegay inuu uleeyey raggii iyo dumarkii joogay maqaayadda. Xubno ka tirsan xafiiska Guddoomiye Madaale ayaa Caasimada Online u sheegay in maqaayadaas ay aheyd mid leyrarku u densan yihiin oo lagu isticmaalayey nooc kasta oo daroogo ah. Dadka joogay waxay u badnaayeen…
Diyaaradaha dagaalka ee taageera dowladda Soomaaliya ayaa xalay duqeymo culus ka geystay tuulada Baqdaad oo u dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas waxaa lagu laayey dad shacab ah. 21 qof oo shacab oo carruur ay ku jirto ayaa meydadkooda la keenay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, dadkaan ayaa u badan hal qoys, waxaana laayey diyaaradaha dagaalka. Dowladda Soomaaliya oo saakay war ka soo saartay duqeyntaas waxay sheegtay in lagu laayey Al-Shabaab, isla markaana laga dilay ku dhawaad 40 dagaalame, balse waxaa soo baxday xogta rasmiga ah oo ka duwan sida ay dowladdu sheegtay. Maanta waxaa warbaahinta la hadlay…
Kaliya 24 ciyaartoy ayaa nasiib u yeeshay in ay tartanka champions League kula guulaystaan kooxo badan waxana ka mid ah xiddigo badan oo waaweyn. Inaad ku guulaysato tartanka hal mar waxay noqonaysaa meesha ugu saraysa ee inta badan xirfada kubbada cagta, laakiin in aad ku guulaysato marar badan waa wax ay sameeyeen xiddigo aad u kooban. Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 10-ka xiddig ee ugu waaweyn ee tartanka kula guulaystay kooxo kala duwan. 1.Toni Kroos – Bayern Munich (2013), Real Madrid (2016, 2017, 2018, 2022) Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa door muhiim ah ka ciyaaray seddexleydii…
