Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025

    Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

    May 13, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

      May 13, 2025

      Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

      May 13, 2025

      DEG DEG Guddiga Doorashooyinka Somaliya Oo Shaaciyay in Khuburo Reer Somaliland ah ka Caawinayaan

      May 13, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Dood ka taagan diyaarad weyn oo hadiyad ahaan loo siinayo Trump

      May 13, 2025

      DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

      May 10, 2025

      Akhriso:- Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

      May 10, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

      May 13, 2025

      Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

      May 13, 2025

      DEG DEG Guddiga Doorashooyinka Somaliya Oo Shaaciyay in Khuburo Reer Somaliland ah ka Caawinayaan

      May 13, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Wiilkiisa ayuu usoo iibiyey cabitaan wax yar kahor inta aan geeridiisa la ii sheegin’ Xaaska dhaqtarkii la dilay

    Wiilkiisa ayuu usoo iibiyey cabitaan wax yar kahor inta aan geeridiisa la ii sheegin’ Xaaska dhaqtarkii la dilay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 26, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dhaqtar ayaa ku dhintay isku dhac la sheegay in uu dhexmaray dadka deegaanka Yamaarugley ee Dawlad Deegaanla Soomaalida, iyo ciidamo ka tirsan ismaamulka Soomaalida.

    Nasteex Maxamed jaamac, oo ahaa dhaqtar ka howlgali jiray xarun caafimaad oo ku taal deegaanka Yamaarugley oo hoostagta degamada Gallaadi ee gobolka Doollo, ayaa la sheegay in rasaas ooda laga qaaday dad uu kamid ahaa waxay uga dhacday madaxa iyo neefmareenka, sida uu noo sheegay, Axmed Gooni, oo ah adeerkiis goobjoogana ka ahaa dhacdada.

    “Qaybta sare ee jirkiisa gaar ahaan madaxa ay ka haleeshay raasaastu, wuuna u geeriyooday…runtii waxaan ku tilmaami karaa dhacdo xanuun leh oo fool xun” ayuu BBC da u sheegay Axmed Gooni.

    Waxaa kale oo goobta ku dhaawacmay laba qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka, kuwaas oo xaalkooda caafimaad wali lala tacaalayo. Mid kamid ah ayaa naloo sheegay in xalkiisu aad u daran yahay.

    Sida uu BBC da u sheegay aabaha dhalay dhaqtar Nasteex, wuxuu kamid ahaa dadka fara-ku-tiriska ah ee aqoonta leh ee ku sugnaa magaalada yar ee Yamaarugley.

    “Wuxuu ahaa ilma saddexaad ee an dhalay. Wuxuu la dhashay shan gabdhood. Xaaskayga wayn ayaa dhashay, wuxuu ii ahaa garab i caawiya dhanka dhaqaalaha, sida uu ku baxayna waxay ahayd dhacdo fool xun” ayuu BBC da u sheegay aabe Maxamed oo dib u goconaya sida wiilkiisa garab ugu ahaa.

    Waxa uu aabuhu sheegay in uu ahaa wiilka kaliya ee ay hooyadiis rag ka dhashay.

    Sida uu noo sheegay Axmed oo goobjooge ka ahaa dhacadada, dhaqtarka dhintay ayaa kamid ahaa dad ka koobanaa waxgarad iyo culimo oo ku baxay inay kala dhexgalaan dad shacaba iyo ciidan ka tirsan dawlad deegaanka Soomaalida oo isku dhac dhexmarayay, balse uu u geeriyooday rasaas goobta ka dhacday.

    Qoyska dhaqtarka ayaa aaminsan in rasaasta ku dhacday wiilkooda ay rideen ciidamada dawladda. Balse inagu si madax banaan uma xaqiijin karno. Waxay sheegeen in ay ka rajeynayaan dawladda in ay kala hadasho dhimashada wiilkooda.

    “Ma jirto cid ka tirsan maamulka heer deegaan, gobol iyo dowlad degaan oo nala soo xiriiray ama noo tacsiyeeyey,” ayuu BBC-da u sheegay aabe Maxamed.

    BBC da ayaa isku dayday in ay la xiriirtu maamulka dawlad deegaanka Soomaalida si ay arrintaan wax uga waydiiso, balse nooma aysan suuragalin inaan helno.

    dhaqtarka la dilay
    Qoraalka sawirka,Aabaha dhalay Dr.Nasteex, Maxamed Jaamac Xaashi

    “Wiilkiisa ayuu cabitaan u soo gaday ka hor geeridiisa”

    Samsam Xuseen Jaamac waa xaaska dhaqtar Nasteex, waxay wali xasuusataa adeegii uu usoo iibiyay wiilkooda yar ka hor inta uusan aadan magaalada oo aan loo sheegin geeridiisa.

    “Wuxuu wiilkiisa u soo gaday cabitaan ama sharaab intii aanu ka bixin guriga. Markii uu baxayey waan waydiiyey halka uu u socdo, wuxuu ii shegay inuu aadayo xarunta caafimaadka balse barqadii ayaa la ii soo sheegay geeridiisa. Waxay ahayd naxdin, wuxuu ahaa aabe wanaagsan oo dabeecad leh ” ayey BBC da u sheegtay Samsam oo cod hooseeya ku qeexaysa wixii ugu dambeeyay ee dhexmaray odeygeedii ay jeclayd.

    Waxay sheegtay in tahay umul oo ilmahooda ugu yaraa uusan gaarin bil. Waxay xustay in ay rajaynayso in cadaalada la horgeeyo kuwii dilkiisa sababta u ahaa.

    Dhaqtar Nasteex ayaa lagu aasay deegaanka Yamaarugley oo ahayd goobtii uu mudda ka ahaa dhaqtarka.

    Kumuu ahaa dhaqtar Nasteex Maxamed Jaamac?

    geeida dhaqtarka
    Qoraalka sawirka,Dr.Nasteex Maxamed Jaamac

    Dhaqtar Nasteex Maxamed Jaamac waxa uu ku dhashay tuulada Uur-madag oo ka tirsan degmada Gallaadi ee gobolka Doole ee dowlada deegaanka Soomalida

    Waxbarashadiisa hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay deegano hoostaga degamada Gallaadi. Sida uu aabihiis noo sheegay wuxuu ahaa nin ku wanaagsan waxbarashada.

    Heerkiisa jaamacadeed wuxuu ku qaatay culuumta caafimaadka isagaoo ka baxay jaamacada Qabri- Dahar, isaga oo ka mid noqday shaqaalaha caafimaad ee ka howlgalayey xarunta caafimaad ee ku taalay deegaanka Yamaarugley.

    Dhaqtar Nasteex Maxamed wuxuu ifka ugu tagay hal xaas iyo saddex caruur ah.

    Eheladiisu waxay ku tilmaameen inuu ahaa shaqsi dadaal badan muddadii uu ka shaqaynayey howlaha caafimaaadka.

    Waxaa kale oo ehelku ay ku tilmaameen marxuunka inuu ahaa shaqsi ka shaqeeya nabada iyo horumarinta deegaanka

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025

    Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

    May 13, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025

    Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

    May 13, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.