Close Menu
    What's Hot

    DEG DEG Madaxweyne Hassan Sheikh oo la yimid Qorshe Cusub oo ku saabsan Shirka Muqdisho

    February 16, 2026

    Madaxweynaha Soomaaliya wuu soo laabtay maanta sida aan wararkeenna hore ku baahinay

    February 16, 2026

    DEG DEG Soomaaliya iyo Tanzaaniya oo kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan

    February 16, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Madaxweyne Hassan Sheikh oo la yimid Qorshe Cusub oo ku saabsan Shirka Muqdisho

      February 16, 2026

      Madaxweynaha Soomaaliya wuu soo laabtay maanta sida aan wararkeenna hore ku baahinay

      February 16, 2026

      DEG DEG Soomaaliya iyo Tanzaaniya oo kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan

      February 16, 2026

      WAR DEG DEG AH Hasan xirsi muxumad Ayaa Hadda Lagu Dilay kala Beeyr ee Gobalka Hiiran

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      DEG DEG Madaxweyne Hassan Sheikh oo la yimid Qorshe Cusub oo ku saabsan Shirka Muqdisho

      February 16, 2026

      Madaxweynaha Soomaaliya wuu soo laabtay maanta sida aan wararkeenna hore ku baahinay

      February 16, 2026

      DEG DEG Soomaaliya iyo Tanzaaniya oo kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan

      February 16, 2026

      WAR DEG DEG AH Hasan xirsi muxumad Ayaa Hadda Lagu Dilay kala Beeyr ee Gobalka Hiiran

      February 16, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Wiilkiisa ayuu usoo iibiyey cabitaan wax yar kahor inta aan geeridiisa la ii sheegin’ Xaaska dhaqtarkii la dilay

    Wiilkiisa ayuu usoo iibiyey cabitaan wax yar kahor inta aan geeridiisa la ii sheegin’ Xaaska dhaqtarkii la dilay

    By radiohalgan.comJanuary 26, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dhaqtar ayaa ku dhintay isku dhac la sheegay in uu dhexmaray dadka deegaanka Yamaarugley ee Dawlad Deegaanla Soomaalida, iyo ciidamo ka tirsan ismaamulka Soomaalida.

    Nasteex Maxamed jaamac, oo ahaa dhaqtar ka howlgali jiray xarun caafimaad oo ku taal deegaanka Yamaarugley oo hoostagta degamada Gallaadi ee gobolka Doollo, ayaa la sheegay in rasaas ooda laga qaaday dad uu kamid ahaa waxay uga dhacday madaxa iyo neefmareenka, sida uu noo sheegay, Axmed Gooni, oo ah adeerkiis goobjoogana ka ahaa dhacdada.

    “Qaybta sare ee jirkiisa gaar ahaan madaxa ay ka haleeshay raasaastu, wuuna u geeriyooday…runtii waxaan ku tilmaami karaa dhacdo xanuun leh oo fool xun” ayuu BBC da u sheegay Axmed Gooni.

    Waxaa kale oo goobta ku dhaawacmay laba qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka, kuwaas oo xaalkooda caafimaad wali lala tacaalayo. Mid kamid ah ayaa naloo sheegay in xalkiisu aad u daran yahay.

    Sida uu BBC da u sheegay aabaha dhalay dhaqtar Nasteex, wuxuu kamid ahaa dadka fara-ku-tiriska ah ee aqoonta leh ee ku sugnaa magaalada yar ee Yamaarugley.

    “Wuxuu ahaa ilma saddexaad ee an dhalay. Wuxuu la dhashay shan gabdhood. Xaaskayga wayn ayaa dhashay, wuxuu ii ahaa garab i caawiya dhanka dhaqaalaha, sida uu ku baxayna waxay ahayd dhacdo fool xun” ayuu BBC da u sheegay aabe Maxamed oo dib u goconaya sida wiilkiisa garab ugu ahaa.

    Waxa uu aabuhu sheegay in uu ahaa wiilka kaliya ee ay hooyadiis rag ka dhashay.

    Sida uu noo sheegay Axmed oo goobjooge ka ahaa dhacadada, dhaqtarka dhintay ayaa kamid ahaa dad ka koobanaa waxgarad iyo culimo oo ku baxay inay kala dhexgalaan dad shacaba iyo ciidan ka tirsan dawlad deegaanka Soomaalida oo isku dhac dhexmarayay, balse uu u geeriyooday rasaas goobta ka dhacday.

    Qoyska dhaqtarka ayaa aaminsan in rasaasta ku dhacday wiilkooda ay rideen ciidamada dawladda. Balse inagu si madax banaan uma xaqiijin karno. Waxay sheegeen in ay ka rajeynayaan dawladda in ay kala hadasho dhimashada wiilkooda.

    “Ma jirto cid ka tirsan maamulka heer deegaan, gobol iyo dowlad degaan oo nala soo xiriiray ama noo tacsiyeeyey,” ayuu BBC-da u sheegay aabe Maxamed.

    BBC da ayaa isku dayday in ay la xiriirtu maamulka dawlad deegaanka Soomaalida si ay arrintaan wax uga waydiiso, balse nooma aysan suuragalin inaan helno.

    dhaqtarka la dilay
    Qoraalka sawirka,Aabaha dhalay Dr.Nasteex, Maxamed Jaamac Xaashi

    “Wiilkiisa ayuu cabitaan u soo gaday ka hor geeridiisa”

    Samsam Xuseen Jaamac waa xaaska dhaqtar Nasteex, waxay wali xasuusataa adeegii uu usoo iibiyay wiilkooda yar ka hor inta uusan aadan magaalada oo aan loo sheegin geeridiisa.

    “Wuxuu wiilkiisa u soo gaday cabitaan ama sharaab intii aanu ka bixin guriga. Markii uu baxayey waan waydiiyey halka uu u socdo, wuxuu ii shegay inuu aadayo xarunta caafimaadka balse barqadii ayaa la ii soo sheegay geeridiisa. Waxay ahayd naxdin, wuxuu ahaa aabe wanaagsan oo dabeecad leh ” ayey BBC da u sheegtay Samsam oo cod hooseeya ku qeexaysa wixii ugu dambeeyay ee dhexmaray odeygeedii ay jeclayd.

    Waxay sheegtay in tahay umul oo ilmahooda ugu yaraa uusan gaarin bil. Waxay xustay in ay rajaynayso in cadaalada la horgeeyo kuwii dilkiisa sababta u ahaa.

    Dhaqtar Nasteex ayaa lagu aasay deegaanka Yamaarugley oo ahayd goobtii uu mudda ka ahaa dhaqtarka.

    Kumuu ahaa dhaqtar Nasteex Maxamed Jaamac?

    geeida dhaqtarka
    Qoraalka sawirka,Dr.Nasteex Maxamed Jaamac

    Dhaqtar Nasteex Maxamed Jaamac waxa uu ku dhashay tuulada Uur-madag oo ka tirsan degmada Gallaadi ee gobolka Doole ee dowlada deegaanka Soomalida

    Waxbarashadiisa hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay deegano hoostaga degamada Gallaadi. Sida uu aabihiis noo sheegay wuxuu ahaa nin ku wanaagsan waxbarashada.

    Heerkiisa jaamacadeed wuxuu ku qaatay culuumta caafimaadka isagaoo ka baxay jaamacada Qabri- Dahar, isaga oo ka mid noqday shaqaalaha caafimaad ee ka howlgalayey xarunta caafimaad ee ku taalay deegaanka Yamaarugley.

    Dhaqtar Nasteex Maxamed wuxuu ifka ugu tagay hal xaas iyo saddex caruur ah.

    Eheladiisu waxay ku tilmaameen inuu ahaa shaqsi dadaal badan muddadii uu ka shaqaynayey howlaha caafimaaadka.

    Waxaa kale oo ehelku ay ku tilmaameen marxuunka inuu ahaa shaqsi ka shaqeeya nabada iyo horumarinta deegaanka

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Madaxweyne Hassan Sheikh oo la yimid Qorshe Cusub oo ku saabsan Shirka Muqdisho

    February 16, 2026

    Madaxweynaha Soomaaliya wuu soo laabtay maanta sida aan wararkeenna hore ku baahinay

    February 16, 2026

    DEG DEG Soomaaliya iyo Tanzaaniya oo kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan

    February 16, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG DEG Madaxweyne Hassan Sheikh oo la yimid Qorshe Cusub oo ku saabsan Shirka Muqdisho

    February 16, 2026

    Madaxweynaha Soomaaliya wuu soo laabtay maanta sida aan wararkeenna hore ku baahinay

    February 16, 2026

    DEG DEG Soomaaliya iyo Tanzaaniya oo kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan

    February 16, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.