DEG DEG: Haweya Ismail Ahmed oo ka mid noqotay Golaha Wasiirrada cusub ee Dowladda Galmudug
Haweya Ismail Ahmed ayaa maanta si rasmi ah uga mid noqotay Golaha Wasiirrada cusub ee Dowladda Galmudug, kaddib markii la ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub.
Haweya ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qoyska, Dhallaanka iyo Xuquuqul Aadanaha, iyadoo ka mid ahayd xubnihii sida weyn u soo dhaweeyay una muujiyay taageerada Hoggaamiyaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, intii uu ku jiray ololihii doorashada.
Magacaabistan ayaa ka dhigan inay Haweya qayb ka noqon doonto hoggaaminta iyo howlaha Wasaaradda Qoyska, Dhallaanka iyo Xuquuqul Aadanaha ee Dowladda Galmudug.

