Xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ee Xorta ah ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka ay sheegeen in xukuumadda waqtigeedu dhammaaday ay ku joojisay duulimaadyadii bulshada u kala gooshi jirtay gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne.
Xildhibaannadu waxay tixraaceen Qodobka 21-aad ee Dastuurka Soomaaliya, kaas oo dammaanad qaadaya xorriyadda isu-socodka iyo degitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Waxay sheegeen in joojinta duulimaadyadu ay si gaar ah u saameynayso dadka caafimaadka u safraya, ardayda, dadka tabaalaysan iyo bulshada booqanaysa eheladooda, iyagoo ku tilmaamay arrintaasi mid aan loo adeegsan karin dano siyaasadeed ama ciqaab wadareed.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in magaalada Doolow muddo dheer loo xiray arrimo la xiriira duulimaadyada, iyadoo hadda ay xaalad la mid ah ka taagan tahay Beledweyne.
Xildhibaannadu waxay sheegeen in maamulka hawada Soomaaliya aan loo adeegsan karin khilaafaad siyaasadeed, takoor ama cadaadis lagu saaro bulsho dhan.
Ugu dambeyn, Baarlamaanka Xorta ah ayaa sheegay inay cabasho rasmi ah u gudbiyeen Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Rayidka (ICAO), iyagoo ka dalbaday in arrinta la tixgeliyo.
Radio Halgan – Codka Shacabka Soomaaliyeed
#RadioHalgan #Beledweyne #Hiiraan #ICAO #Duulimaadyada


