Ugu yaraan 5 qof ayaa lagu dilay, tobannaan kalena waa lagu dhaawacay weerarro ay ciidamada Ruushku ka fuliyeen qeybo ka mid ah Ukraine, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxalliga ah.
Weerarada ayaa sidoo kale sababay koronto la’aan ka dhacday shan gobol, kuwaas oo kala ah Dnipropetrovsk, Donetsk, Zaporizhia, Odesa iyo Kharkiv.
Wasaaradda Tamarta Ukraine ayaa sheegtay in xaaladdu si gaar ah uga adag tahay Zaporizhia iyo Dnipropetrovsk, halkaas oo weerarradu waxyeello u geysteen xarumo muhiim u ah bixinta korontada.
Sidoo kale, Warshadda Nukliyeerka Zaporizhzhia ayaa lumisay korontadii dibadda, waxaana lagu qasbay in loo adeegsado matoorro naafto ah si loo sii wado shaqada muhiimka ah.
Dhanka kale, Ruushka, weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo lagu eedeeyay Ukraine ayaa lagu soo warramay inuu hal qof ku dilay gobolka Samara, halka sidoo kale ay jiraan koronto la’aan ka dhalatay weerarka.
Radio Halgan – Codka Shacabka Soomaaliyeed
#Ukraine #Russia #War #RadioHalgan

