Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga faca-weyn ee ka dhaxeeya labada dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda UK uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo is garab taagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed iyo shacab ee Soomaaliya.
Labada masuul ayaa si gaar ah uga wada hadlay xiisada cusub ee u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya, xiisadaas oo ka dhalatay heshiis xad-gudub ah oo Itoobiya la gashay maamulka Somaliland.
Dowladda UK ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya sida weyn u taageera, waxa ayna UK dhawwaan kamid aheyd dowladihii sida weyn ugu taageeray Soomaaliya midnimada dhuleed, kana hor-yimid heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.