Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo dib-loogu doortay xilka Madaxweynaha Puntland ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan qado sharaf ah Kula qaatay madax hore oo soo maray maamulka Puntland.
Siciid Deni ayaa si weyn Qasriga Madaxtooyada ugu soo dhaweeyay madaxweyneyaashii hore ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa kala hadlay madaxdii hore ee Puntland iyo dowladda Federaalka soo maray natiijada doorashadii ka dhacday Puntland iyo sidii ay wadajir uga shaqeyn lahaayeen amniga iyo midnimada reer Puntland.
Doorashadii 8-dii bishan ka dhacday magaalada Garawe ayaa waxaa ku guuleestay markale dib loo doortay Siciid Cabdullaahi Deni oo afarta sanno ee soo socota sii hoggaamin doona maamulka Puntland