Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay mustaqbalka kabtanka kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk.
Van Dijk ayaa shaki galiyay mustaqbalkiisa kooxda Liverpool kadib markii uu Klopp xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Virgil van Dijk oo waraysi bixiyay kana hadlay goβaankii uu Klopp uga tagay kooxda ayuu shaki ku galiyay mustaqbalkiisa fog ee kooxda.
βWaxaan ku talin lahaa qof walba inuu is dejiyoβayuu Klopp yidhi isaga oo ka hadlaya mustaqbalka Van Dijk.
βMa ahan in uu qofna wal-walo, 100% waan hubaaβ.
βWaxa jira wakhti ku filan oo wax walba looga hadli doono, xiddigaha waxa aan hubaa in ay jecelyihiin in ay joogaan halkanβayuu sii raaciyay.

