Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufuroow) ayaa gaaray deegaanno dhaca xuduudka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo Labo beel oo walaalaha ah dagaal ku dhaxmaray.
Guddoomiyaha gobolka oo fulinaya amarka Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Saqdii dhexe ee xalay safar dhanka dhulka ah uga amba baxay magaalada Beledweyne waxuuna goordhow gaaray deegaanada Soohdinta Labada gobol dhaca ee beelaha ku dagaalameen welina xiisad dagaal ka jirto.
Dagaal beeleedka ka soo cusboonaaday Soohdinta labada gobolka ayaa caqabad ku ah Howlgalka AS looga saarayo deegaanada Hirshabelle, si beelaha dagaalamay Heshiis loo kala dhaxdhigo howglgalkane u sii socdo,Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ku amray Labada guddoomiye gobolka ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe in aay gaaraan deegaanada dagaalka ka dhacay aayna miiska wada hadalka ku isugu keenaan beelaha dagaalamay si Heshiis nabadeed loo gaaro.