Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka qaybgalay shirka loogu magac daray ‘Magaalooyinka & Caasimadaha Carabta’ oo ka furmay Magaalada Baqdaad ee Dalka Ciraaq.
Yuusuf Madaale ayaa shirkaan ku metalaya Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda Muqdisho waxaana uu kamid noqday Madaxda waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ee madasha xaadirtay si ay uga hadlaan ajandaha miiska saaran.
Shirkaan waxaa diiradda lagu saarayaa qorshaha horumarinta ee caasimadaha, isbaddelka ay sameeyeen & ansixinta shirka soo socda si ay mas’uuliyiintaan isugu raacaan cinwaanka ama hal ku dhiggga kulanka kan xiga.
Mas’uuliyiinta metalaya Caasimadaha Dalalkaan ku bahoobay Carabta ayaa mid weliba waxa uu soo bandhigay waxyaabaha la taaban karo uu ka qabtay magaalada uu wakiilka ka yahay si uu xubnaha kale ee madasha ku sugan u ogaadaan macluumaadka ka dahaaran.