Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

      May 14, 2025

      DEGDEG:- Beledweyne jug aad u xoogan ayaa m lagga maqlayaa

      May 14, 2025

      Gudoomiyaha Gobalka hiiraan mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa shir gudoomiyey kulan aan caadi aheeyn oo aay isugu yimaaden xubnaha maamulka gobolka heer degmo iyo heer gobal

      May 14, 2025

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

      May 14, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

      May 14, 2025

      DEGDEG:- Beledweyne jug aad u xoogan ayaa m lagga maqlayaa

      May 14, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » CCW oo sheegay in Itoobiya ay ku xadgudubtay curfiga diblomaasiga ah iyo heshiiskii Midwoga Afrika

    CCW oo sheegay in Itoobiya ay ku xadgudubtay curfiga diblomaasiga ah iyo heshiiskii Midwoga Afrika

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 18, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay falkii shalay lagula kacay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

    Qoraal dheer uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Warsame ku cambaareeyay falkii ay sameeyeen ciidamada Itoobiya isaga oo ku billaabay, “Waxaan canbaareynayaa falka gurracan ee curfiga diblomaasiga ka baxsan ee uu maamulka Abiy Axmed kula dhaqmay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa. “

    Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Itoobiya ay ku xadgudubtay curfiga diblomaasiga, “Dawladda Itoobiya waxay ku xadgudubtay curfiga diblomaasiga ah iyo heshiiskii Midwoga Afrika ee martigelinta xarunta Midowga ee dhigaya in ay dhowrto habmaamuuska iyo xasaanadda madaxda dawladaha Midowga iyo wufuuddooda.”

    “Inkastoo aysan ila qumanayn in Madaxweynuhu u safro Addis Ababa, haddana wuxuu ku ammaanan yahay sida uusan nugayl ugu muujin daandaansiga iyo takoorka diblomaasiyadeed ee ay dawladda Itoobiya kula kacday iyo sida uu ugu adkaysanayo difaaca gobbonimada dalka iyo madaxbannaanidiisa. Waxaa mahad wayn mudan Madaxweynaha Dawladda Jabuuti oo garab istaagay Dawladda Soomaaliya, muujiyeyna hiil-walaaltimo,” sida uu ku sii yiri qoraalka.

    Warsame ayaa Habdhaqankaan ku tilmaamay kibir, “Habdhaqankaan caynkaan ahi waxuu tilmaan ka bixinaya kibirka nacasnimo ee uu Abiy ku liidayo dadka Soomaaliyeed. Abiy Soomaaliya wuxuu u haystaa dal uu madaxdiisa diyaarad ku ridan karo, si sahlanna kaga saxiixan karo dhulkooda iyo baddooda.”

    Cidanka ammaanka Itoobiya ayaa is hortaag ku sameeyay Madaxweynaha Xasan Sheikh Maxamuud iyo Wafidigiisa xilli uu u socday hoolka uu ka dhacayey shirka Midowga Afrika.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kula hadlay warbaahinta xaruunta Midowga Afrika ayaa falka ay ku kaceen ciidanka Itoobiya ku tilmaamay xadgudub.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib falkii ay kula kaceen ciidamada Itoobiya kuwaas oo la sheegay in ay ilaalo ka ahaayeen shirka.

    Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa xilli xiriirka labada dowladood aysan fiicaneyn ka dib hashiis is afgarad ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, taas oo dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay xadgudub ka dhan ah Qarannimada Soomaaliya.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.