Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta kulan kamid ah fadhiyadooda caadiga ah maanta ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, kaas looga doodayay hindise sharciyeedka beeraha oo la horgeeyay golaha.
Inta aysan bilaaban doodda ayaa waxaa kulanka ka dhacday arrin fool-xun, kadib markii mid kamid ah gabdhaha xildhibaanada ah oo careysan ay biyo ku rusheysay Hab Dhowraha Baarlamaanka xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux), taas oo keentay buuq xoogan.
Muuqaal ay duubtay warbaahinta ayaa waxaa laga arkayay gabadha xildhibaannada ah oo qaylineyso, isla markaana la cel-celinayo, kadib markii ay firdhisay biyaha oo xittaa gaaray miiska iyo kuraasta ay fadhiyaan xubnaha guddoonka sare ee Golah Shacabka Soomaaliya.
Habdhowraha Golaha Shacabka oo si adag uga hadlay weerarka lagu qaaday ayaa sheegay inay foolxumo tahay in xildhibaannada qaar ay garan waayaan masβuulitadda saaran.
βHadda xildhibaan baa noo yimid aanan garaneyn waxa uu ka hadlaayo oo aad u fool-xun waxa uu ku dhaqmayoβ ayuu yiri Xildhibaan Nuux.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadda uu ka dhammaaday dul-qaadkii marka la fiiriyo sida ay u dhaqmayaan xildhibaannada golaha, balse ay qaadi doonaan tallaabooyin adag.
Waxaa moodaa saluuga iyo dhaqanka xildhibaanimadu inay ku saleysan tahay xeer hoosaadka golaha waxaad moodaa samirka iyo dulqaadka iyo qaabka aan u dhaqmeyno inay wax xoogaa xadkii aan ugu talagalnay ka baxdayβ ayuu sii raaciyay Hab Dhowraha.
Waxaa kale oo uu yiri βWaxaad ogaataan xildhibaanno haddii aynaan dabaqin xeerarka inoo yaalla inuu goluhu u ekaanayo meel fadhi ku diriid ah ama meel aan ku habooneenβ
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay iskula laaban doonaan xeer hoosaadka iyo nidaamka u yaalla Baarlamaanka, haddii aynaan wax laga bedalin hab dhaqanada xun.
βHaddii qofka masβuulka ah uu garan waayo meesha uu taagan yahay waxaan baraya qaab dhaqanka xeer aan ku dhaqmeynoβ ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Habdhowruhu.

