Golaha Sare ee Siyaasadda Beesha Xawaadle iyo Odayaasha Dhaqanka Beesha Cali Madaxweyne iyo odayaasha dhaqanka cabadala samatalis ayaa maanta kulan ku yeeshay Muqdisho hotel dorbin.
Golaha Sare ee Siyaasadda Beesha Xawaadle iyo Odayaasha Dhaqanka Beesha Cali Madaxweyne ayaa ka wada hadlay arrimaha Gobolka Hiiraan iyo doorka siyaasadeed ee beesha ku leedahay geeddi-socodka doorashooyinka.
Labada dhinac ayaa isku raacay xoojinta midnimada iyo wadajirka beesha.
Sidoo kale, Golaha Sare ee Siyaasadda iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa isku raacay xoojinta iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Gobolka Hiiraan, isla markaana dowladda lagala shaqeeyo hirgelinteeda.





