Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Puntland ayaa xukuno kala duwan ku riday rag ka tirsanaa kooxda Daacish, kuwaas oo isugu jira Ajaanib iyo Soomaali, sidoo kale maxkamadda ayaa siideysay oo xoriyadiisa dib ugu celisay wiil Soomaali ah oo ragaas la socday, kaas oo wax dembi ah lagu waayey. Guddoomiye ku-xigeenka maxkamada Korneyl Cali Ibraahim Cusaman oo u waramay Idaacadda VOA, ayaa faahfaahin ka bixiyey xukunada lagu riday raggaas oo isugu jira Marookaan, Itoobiyaanka iyo Soomaali. Guddoomiye Cali Ibraahim ayaa sheegay in maxkamaddu ay maanta xukun dil ah ku riday 6 nin oo u dhashay dalka Moroco, kuwaas oo maxkamaddu ku…
Wuxuu la tartamay Abdirashiid Cabdicasiis oo helaye 2 cod Cabduqaadir Xuseen Coloow wuxu helay 51 cod. Hambalyo Madaxweynaha Cusub ee Hiiran state Mudane Cabduqaadir Xuseen Coloow. Hoose ka Daawo Muuqaalka https://youtu.be/RgywY69iBxY?si=m5fgR4FaazaiGH14
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Kulanka labada madaxweyne ayaa diiradda waxaa lagu saaray iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada dal oo ay ugu horreyaan arimaha amniga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka. Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkaas William Ruto. Kulanka labada Madaxweyne ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, adkeynta xiriirka diblomaasiyadda, shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay u ambabaxay…
Ciidamada dowladda oo isugu jira Boliiska gaarka ah ee Haramcad, Ciidanka Xooga Dalka & Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa si wadajira howlgal qorshaysan ku galay deegaano dhowr ah oo ku yaala dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanka Jilib Marko iyo Buulo Nagey. War kooban oo ka soo baxay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamada ay burburiyeen fariisimihii Al-Shabaab ee ku lahaayeen deegaannada ku yaala dhulka hawdka ee kala ah; Macalin Yuusuf, Nafaqow iyo deegaano kale ee ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. “Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ciidamada iyo…
Xaakin ku sugan magaalada New York ayaa Arbacadii diiday inuu hakiyo, amarka maxkamadeed ee sheegaya in madaxweynihii hore ee Trump uu bixiyo lacag gaadhaysa $454 million oo dollar, isaga oo racfaan ka qaatay. Xaakinka lagu magcaabo Anil Singh ayaa sheegtay in madaxweynaha hore ee Trump ay tahay inuu bixiyo dammaanad u dhiganta guud ahaan lacagta laga doonayo, si loo joojiyo amarka fulinta ee maxkamadda, kaas oo ah in lacagta laga qaado haatan. Xaakinka ayaa tixgelisay qaybo ka mida codsiyada Trump, kuwaas oo ah in la hakiyo in Trump laga mamnuuco inuu muddo saddex sannadood ah wax amaah ah ka doonto…
Saw ma aad maqli jirin, wargeys maalinle ah, toddobaad le ah ama bille ah, haatan dalka Faransiiska waxaa ka jira wargeyska keliya ee afartii sanaba mar soo baxa, dunida oo dhan. Maanta oo kale dukammaada Faransiiska waxaa daadsan, dadkuna ay dhugaynayaan majaladda siyaasadda sida qosolka ah uga hadasha ee La Bougie du Sapeur. Wargeyskan oo 20-bog ee warar kala duwan oo si maad loo falanqeeyey ku yaallaan ayaa soo keliya 29-ka Febraayo – sidaas darteed hal mar afartii sanaba ayaa maalintan lala kulmaa. Daabacaaddii ugu horreysay waxay ahayd 1980-kii, tanina waa tirsigii 12-aad. Waxaa aasaasay koox saaxiibo ah oo “qorshahoodu…
Rasaas xooggan ayaa ka dhacday dhowr goobood oo ka tirsan caasimadda Chad ee N’djamena, oo ay ku jirto bannaanka xafiisyada xisbi mucaarad ah. Arrintan ayaa ku soo beegantay maalin kadib markii lagu dhawaaqay in doorashada la qaban doono bisha May. Dowladda Chad iyo mucaaradka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay waxa ka dambeeya rabshadaha. Wasiirka Isgaarsiinta ayaa sheegay in Xisbiga PSF ay weerareen Xarunta Hay’adda Nabad Sugida Qaranka. Xisbiga PSF ayaa sheegay in saraakiishooda ay tageen dhismaha si ay u raadiyaan meydka xubin la qabtay kadibna la dilay. Waxay sheegtay in askartu ay rasaas fureen. Xisbiga PSF waxaa madax ka…
Dhakhtarka Joe Biden ayaa sheegay in uu “ku karo gudashada waajibaadkiisa” isla markaana “wax walaac ah oo cusub” aanay jirin ka dib markii uu madaxweynaha Maraykanka baadhitaan caafimaad-kiisii sannadlaha ahaa lagu sameeyey Mr Biden, oo xaaladiisa caafimaad aad isha loogu hayay ka hor doorashadii madaxtinimada ee November, ayaa qiimayntan maray Arbacadii. Dhakhtarka Aqalka Cad Dr Kevin O’Connor ayaa sheegay in Mr Biden “uu si buuxda u gudan karo dhammaan mas’uuliyadihiisa isaga oo aan wax ka-dhaafitaan ah ama ku adag aanay jirin”. “xaalku waa dhag,” ayuu yidhi Mr Biden. Madaxweynaha 81-jirka ah ayaa meydka ku qaabilay cisbitaal militari oo ku yaal…
Faisa iyo Cabaas waa labo lammaane ah oo da’yar kuna nool magaalada Muqdisho. Bartooda TikTok ayaa aad loogu bartay muuqaalada nolosha qoyskooda ku saaban ee ay halkaas ku baahiyaan, iyagoo marwalba muuqaaladoodu muujinayaan dabaqadda ay bulshada kaga jiraan nolol ahaan. Mar walba waxay ku muujiyaan muuqaaladooda in ay isku faraxsanyahiin noloshoodana ku qanacsanyahiin. Muuqaalada ay ku daabacaan barahooda TikTok iyo Facebook waxaa daawata malaayiin qof oo siyaabo kale duwan uga falcelisa kuwaas oo u badan dhallinyaro. Nolosha qoysaska jiilashan danbe oo online-ka aad uga dhex muuqata ayaa bulshada Soomaalidu dhexdeeda isku eedeysaa in wax walba ay ku soo baahiyaan baraha…
Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa ku sugan raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyo sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gelinkii dambe ee maanta gaaray. Madaxweyne Xasan waxaa garoonka diyaaradaha JKIA ee Nairobi kusoo dhaweeyay madaxweyne kuxigeenka Kenya, Rigathi Gachagua, wasiirka gaashaandhigga kenya Aadan Barre Ducaale iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweyne kuxigeenka Kenya oo qoraal kooban kusoo qoray bartiisa Facebook ayaa yiri, “Kenya iyo Soomaaliya waxay leeyihiin xiriir qoto dheer oo faa’iido u leh labada dal. Anigoo ku hadlaya magaca Madaxweyne William Ruto, waxaa farxad inoo ah soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan…
