Author: radiohalgan.com

Erik ten Hag ayaa sheegay in kooxdiisu ayna ka cabsanayn Man City ka hor kulankooda adag ee premier League. City ayaa 3-0 ku badisay garoonka Old Trafford bishii November, waxaana ay badiyeen 14 ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqdeen  tan iyo bartamihii bishii December. Kooxda United ayaa heshay natiijooyinkeedii ugu fiicnaa laakiin wali waa koox dhaawacyo hareeyeen. Inkasta oo ay Man City ugu cad-cad ku guulaysiga kulanka hadana Ten Hag ayaa sheegay in kooxdiisu ayna ka cabsanayn Man City. “Waxay haystaan ​​koox fiican laakiin waxaa jira kooxo kale oo fiican,” ayuu ku jawaabay ninka reer…

Read More

Laacibka reer Nigeria John Obi Mikel ayaa qirtay inuu ka shaqeynayo sidii weeraryahanka Napoli Victor Osimhen uu ugu biiri lahaa Chelsea. Obi Mikel ayaa sheegay in kooxdiisii hore ee Chelsea ay u baahan tahay weeraryahan sida Osimhen. “Weli waxaan ahay ‘wakiilkiisii’, waxaan isku dayayaa inaan isaga geeyo Chelsea, sidaas darteed waxaan helayaa 20% heshiiskaa, aan rajayno in auu heshiisku dhoco”ayuu yidhi. “Waxaan u maleynayaa inay jirto xiiso dhab ah oo labadooda ah, wuu jecel yahay kooxda, wuxuuna doonayaa inuu yimaado kooxda, isagoo si cad u raacay wadadeyda iyo wadada xiddigaha reer Nigeria ee Victor Moses iyo Celestine Babayaro”. “Waxa uu…

Read More

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Declan Rice ayaa ku guulaystay xiddiga ugu fiican abaalmarinta London Awards ee xilli ciyaareedkan. Declan Rice ayaa wacdaro dhigaya xilli ciyaareedkan isaga oo kooxdiisa Arsenal ku soo kordhiyay wax weyn tan ilaa markii uu yimid kooxda. Xiddiga reer England ayaa Arsenal ka caawiyay in ay ku tartanto koobabka premier League iyo champions League ilaa haatan xilli ciyaareedkan. Iyada oo la qiimaynayo qaab ciyaareedkiisa xiddiga Declan Rice ayaa loo doortay xiddiga ugu fiican premier League xilli ciyaareedka ee abaalmarinta London Awaards. Rice ayaa 105 milyan ugu soo biiray Arsena xagaagii laakiin waxa uu haatan qiimahaas…

Read More

Tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan kubbada cagta aduunka ayaa la magacaabay. Wargayska Football Transfers ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda ugu qiimaha badan kubbada cagta aduunka iyagoo soo bandhigay qiimohooda. Xiddiga Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa liiskan ku jira isaga oo qiimihiisu yahay 140.1 milyan euro. Waxa uu xilli ciyaareedkan ka soo muuqday La Liga, isagoo dhaliyay 20 gool oo cajiib ah tartamada oo dhan. Afar ciyaaryahan oo kale oo England ah ayaa ku jira tobanka ciyaaryahan ee ugu sareysa. Harry Kane oo xagaagii hore ku biiray Bayern Munich, Bukayo Saka, Phil Foden iyo Declan Rice oo u ciyaara…

Read More

Kevin De Bruyne ayaa jabin kara rikoor cajiib ah oo uu Lionel Messi dhigay marka ay Manchester City wajihi doonto Manchester United axada. Kulankii 192-aad ee Manchester Derby ayaa saameyn weyn ku yeelan kara labada dhinac. City ayaa u baahan in ay guulaysato si ay uga fogaato in ay Liverpool iyo Arsenal ku guulaysato tartanka horyaalka premier League halka United ay doonayso in ay sii wado tartanka boosaska champions League. Kulanka ayaa sidoo kale muhiim u noqon kara xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Kevin De Bruyne. Xiddiga reer Belguim ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira tan iyo…

Read More

Chris Sutton ayaa sheegay in xiddiga Manchester United Bruno Fernandes uusan xitaa ka soo muuqan karin shaxda Man City. Fernandes Ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu yimid Old Trafford isaga isaga oo dhaliyay 71 gool 62 kalena caawiye ka noqday 220 kulan oo uu ciyaaray. 29 jirka reer Portugal ayaa loo magacaabay kabtanka xagaagii hore, laakiin hab dhaqankiisa inta lagu jiro ciyaaraha ayaa la dhaleeceeyay mararka qaar. Si kasta ha ahaatee waxa uu mar kale ku riyaaqay xilli ciyaareed fiican isaga oo ku lug leh 15 gool ilaa haatan xilli ciyaareedkan. Laakiin xiddigii hore ee…

Read More

Waqtiyo xiiso leh ayaa soo socda taageerayaasha kubada cagta iyadoo Liverpool ay isku diyaarineyso inay wajahdo kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United, wareega 8da ee FA Cup. Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisatay booskeeda ka dib markii ay ka badisay Southampton ka dib markii ay 3-0 kaga badisay garoonka Anfield. Labada da’yar ee Lewis Koumas iyo Jayden Danns ayaa Liverpool ku hogaamiyay guul xilli caruurta Klopp sii wadaan wacdaraha ay dhigayaan. Guushaan ayaa u gogol xaareysay in Liverpool ay u soo baxdo wareega 8-da, waxaana ay ku aaday kooxda Man United. Kulankaas ayaa ka dhici doona garoonka Old Trafford iyada oo labada…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyay Meertada 6-aad ee Shirka Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada Adduunka oo ka furmay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya. Madaxweybaha ayaa ka hadlay sida isbeddelka cimiladu uu u saameeyey  Adduunka, khatarta uu ku leeyahay nolasha shucuubta iyo caqabadaha gaarka ah ee ka soo gaaray shacabka Soomaaliyeed. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay dareentay saameynta isbeddelka cimilada, ayna ku dhufteen dalka abaaro ba’an oo sameeyay qoysas badan. “Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka saameynta ugu badan ay ka soo gaartay isbeddelku cimiladu. Dhawaan waxaan ka soo…

Read More

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlayay doodda wax ka beddelka dastuurka ayaa dul istaagay qodob muhiim u ah dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo qeexayay gudniinka fircooniga, soo riditaanka ilmaha iyo guurka. Xildhibaanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in qodobka gudniinka dumarka ay haboon tahay in meesha laga saaro, gaar ahaan kan fircooniga ah, isaga oo dalbaday in dastuurka cusub uu qeexo qodobkaasi. Cabdow ayaa sheegay in dastuurka cusub ee laga doodayo lagu qeexo qodobka ka hadlaayo soo riditaanka ilmaha, taasi beddelkeedana lagu soo daro dastuurka in la fududeeyo guurka oo qiimo jaban oo cayiman laga dhigo.…

Read More