Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Dowladda Masar ayaa bilihii u dambeeyay heshiisyo dhinacyo kala duwan ah la gashay Dalalka ku hareereysan Itoobiya oo dhammaan ay horay mid weliba xadgudub ugu sameysay Xukuumadda Addis Ababa. Heshiisyada oo kala duwan ayaa dhabbaha u xaaraya sidii Masaarida ay ugu fududaan lahayd in ay galaangal ku dhex yeellato dalalka kulaala Itoobiya oo sanadihii u dambeeyay dagaallo dhexdheeda uu majaha u geliyay Abiy Ahmed. Xukuumadda Qaahira ayaa heshiis la gaartay dhiggeeda Jabuuti, Soomaaliya, Eretareeya & Suudaan oo dhammaan xuduud la wadaaga Itoobiya isla markaana ay dhexda ugu jirto, taasi waxa ay qaylo dhaanka ka dhammeysay Addis Ababa. Masar…
Falcelin xoogan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay dil Talaadadii ka dhacay afaafka hore ee xarunta Shirkadda Hormuud ee Suuqa Bakaaraha, kadib markii ay tageen laba nin hubeysan, isla markaana watay dareeska ciidanka dowladda. Qoraal kasoo baxay shirkadda oo looga hadlay dhacdadaas ayaa lagu sheegay in shirkadda ay tageen labada nin ay doonayeen inay lacag kala baxaan xarunta, laakiin wuxuu maamulku sheegay in la ogaaday in Sim-cardka ay wateen aysan iyagu lahayn kadibna laga shakiyay dhaq-dhaqaaqooda. Intaas kadib labada nin ayaa baxay, waxayna keeneen gabar ay afduub ahaan usoo wateen, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxaa goobta ka dhacday…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay sii hayaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyadoo si gaar ah looga hadlay taageerada qorshooyinka mudnaanta u leh dowladda sida xasillinta deegaannada laga xoreeyay Al Shabaab. Sidoo kale kulankan maanta dhax maray Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo James Swan ayaa looga halay hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod oo ay shacabka Soomaaliyeed ku doortaan madaxda dalka, iyo arrimaha bini’aadanimada. Kulankan bayaa…
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen wuxuu dhowrkii billood ee lasoo dhaafay u sheegayay saaxiibadiisa siyaasadda inuu rabo inuu aado doorasho dadban oo aan sii daahin. Wuxuu qaatay laba sano oo muddo kororsi ah, wuxuuna muddo xileedkiisi rasmiga ahaa ku eeka bishii December 2022. Mararka qaar waxaa afkiisa laga wariyay inuu raadinayo cid la qaadata go’aanka doorasho dadban. Haddii uu Axmed Madoobe u bareero go’aankaas aniguna waan ku raaci doona ayaa kamid aheyd kalmadaha ka tegay Lafta-gareen. Si lamid ah madaxda Galmudug iyo Jubbaland wuxuu sheegi jiray inuu rabo in uu dagaal siyaasadeed la galo Xasan Sheekh, balse labadii…
Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS ayaa mamnuucday in dhammaan dekadaha dalka laga soo dejiyo bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo. Amarkaan waxaa horay u soo saartay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya, waxaana dalka laga joojiyey isticmaalka bacaha. “Iyadoo la tiraacayo warqadda kasoo baxday Xafiiska Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee JFS, kuna taariikhaysaneyd 17/09/2024 Ujeedaduna ahayd wargelin ku saabsan joojin bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo, Hay’adaha ay ku socoto warqadaan waxaa lagu wargelinayaa in aan Dalka lasoo gelin karin, lana dhoofin karin bacaha fudud ee halka mar ia isticmaalo laga bilaabo 1-da October 2024,”…
Canada ayaa Isniinti shalay ceyrisay lix diblamaasi oo uu ku jiro sarkaal heerkiisu sarreeyo, kuwaas oo lala xiriiryay dilka hogaamiye ka tirsanaa kooxda gooni u gaasadka bulshada Siingaha ee Hindiya oo lagu khaarijiyay gudaha Canada. Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa lagu sheegay, in dowladdiisu heyso “caddaymo cad oo adag oo muujinaya in wakiillada dawladda Hindiya ay ku hawlanaayeen isla markaana wali wadaan hawlo khatar weyn ku ah nabadgelyada dadweynaha,” ayaa lagu yiri qoraalka. Goor sii horreysay oo shalay aheyd, Hindiya ayaa ka jawaabeysa tallaabada Canada, ayaa iyaduna si aargudasho u amartay in dalkeeda laga raacdeeyo…
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay deeq waxbarasho siineyso ardayda dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Suudaan ee haatan.ku nool gudah Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Suudaan ay abaal weyn ku leedahay dadkeenna oo muddo dheer ardayda Soomaaliyeed ka caawineysay waxbarashada. “Dowladda Suudaan waxa ay kamid tahay dowladaha aan la ilaawi karin ee dalkeenna iyo dadkeenna soo garab istaagay dhanka u fidinta deeqaha waxbarasho ee tacliinta sare, xilli aysan dalkeenna ka jirin dowlad Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya. Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha…
Heshiis caalami ah oo ku saabsan maareynta biyaha webiga Niil ayaa dhaqan galay inkastoo si xooggan ay uga soo horjeedaan dalalka Masar iyo Suudaan. Kadib in ka badan toban sano oo wadaxaajood ah, heshiiska Iskaashiga Gobolka Webiga Niil ayaa loogu talagalay in lagu xalliyo khilaafaadka taariikhiga ah si loo hubiyo in dalalkan kor iyo hoosba ay ka faa’iideysan karaan biyaha Niil. Kheyraadkan ayaa marar badan noqday xudunta khilaaf gobolka, gaar ahaan ka dib markii Itoobiya dhistay biyo xireenka oo ay doonayso in ay ka dhaliso koronto.. Heshiisku wuxuu ujeedkiisu yahay in la hubiyo in dhammaan toban dal oo ku jira…
Soomaaliya oo dhinaca saartay Masar iyo Eritrea ayaa dhawaan wuxuu shir saddex geesood ah ugu soo dhamaaday magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa shirkaasi ku gaaray go’aanka isbaheysi cusub oo yeesheen saddexda dal, iyada oo marka hore la dhisayo guddi saddex geesood ah oo ka kooban wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal, si loo dardar-geliyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyadan. Xulafaysiga Soomaaliya ee Masar iyo Eritrea ayaa imanaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda dalalkan kala dhaxeysa Itoobiya, gaar ahaan Soomaaliya oo si weyn usii kala fogaadeen kadib markii ay Addis Ababa heshiis la…
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose & Dib u heshiisinta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa ku dhawaaqday in la kala diray Maamulka Degmada Xudur iyo xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmadaas. Cabdullaahi Xaaji Xasan oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegay in uu go’aankaan u cuksaday (law no.10) qodobkiisa 15aad farqadiisa (1aad) xarafka (T) iyo farqadiisa (2aad). Wasiir Cabdullaahi ayaa sheegay in go’aankaan uu yimid kaddib markii uu ku sifoobay “wadashaqeyn la’aan Maamulka Gabolka Bakool iyo kan Degmada Huddur” sidaas awgeed laga billaabo maanta uu kala diray sida uu hadalka u dhigay. Intaas kaddib, Xubnaha la kala diray oo Warbaahinta…