Author: radiohalgan.com

Guddiga caalamiga ah ee taageerada saxafiyiinta ee “CPJ” ayaa ugu baaqay xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan inay ka tanaasusho qorshaheeda xaddidaya ama mamnuucaya aaladda Facebook. Najibullah Haqqani, oo ah madaxa maaliyadda ee wasaaradda isgaarsiinta iyo tignoolajiyada ee xukuumadda Taliban ayaa wareysi uu siiyay taleefishin ku sheegay in uu sameeyay istaraatiijiyad lagu xadidayo ama lagu mamnuucayo isticmaalka Facebook ee dadka Afgaanistaan. Ururka caalamiga ah ee taageera saxafiyiinta ayaa sheegay in xayiraadda lagu soo rogay Facebook-ga ay sii carqaladayn doonto habka loo maareynayo xogta shacabka. Najibullah Haqqani ayaa wareysiga uu bixiyay uu bixiyay saddex maalmood ka hor ku sheegay in la soo gabagabeeyay…

Read More

Iska Hor-imaad Kooban ayaa ka dhacay Xaafada Buunda weyn ee Magaalada Baladweyne kaasi oo udhaxeeyay Burcad Moobeelo ku dhacayay Xaafada iyo Dadka Deegaanka. Allaha unaxariistee Waxaa Ku Geeriyooday Hooyo Lagu Magacaabo Leyla Xuseen oo haysatay Sadax Caruur ah. Dadka Dagan Xaafada ayaa wali Baadi goobayo Kooxahii dhaca ka geeysanayay Sadaxdii Habeen ee ugu Dambeeyay Xaafadaasi. https://youtu.be/iiIOKg_UIAM?si=eM-Qo8M-CtMvPxvI

Read More

Nabadoon Gaabow Buule Xasan oo ahaa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada Awdheegle ayaa Xalay lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana la aaminsan yahay inay dishay kooxda Al-Shabaab. Isaga oo sooman maalintiisii 29-aad, daqiiqado ka hor inta aan la afun ayaa galu dilay xaafadda Siligga Americkaanka ee degmada Wadajir, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilay marxuumka. Gaabow Buule wuxuu ahaa nin oday ah oo markii lasoo tago masuuliyadda uu ka haayey Awdheegle nabadoon u ahaa beeshiisa, da’da 70 sano jir ayuu caawa ku geeriyooday. Ninkaan ayaa ka mid ahaa odayaashii gobolka Shabeellada Hoose ka bilaabay dagaalka Khawaarijta, wuxuu…

Read More

Beer aad u qurux badan oo leh Maqaayado waa weyn iyo Goobo Loo diyaariyay in ay Caruurta ku Ciyaaran Malmaha Ciida ayaa Laga Furay Duleedka Magaalada Baladweyne, waana Meel ku Wacan Nasiinada oo jawi Macaan lagu qaadanayo. Beertan waxaa Lagu Magacaaba Golden waxaana ay ku taalla Warshada Muyi saxo oo ku taalla Xaafada Kooshin Gaar ahaan laanta Ceeljaalle ee Magaalada Baladweyne.

Read More

Xalay saqdii dhexe Muqdisho xaafado kamid ah waxaa laga maqlay madaafiic culus oo ku dhaceysay xaafado ka tirsan degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir iyo aagga Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia. Dadka Muqdisho oo u diyaar-garoobayay xalay maalintii ugu dambeysay ee bisha barakeysan Ramaadaan ayaa waxay maqleen dhawaaqa jug culus oo ku dhaceysay isla Muqdisho meelo kamid ah. Madaafiicda ayaa waxaa lasoo warinayaa inay ku dhaceen degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir, dhabarka dambe ee Madaxtooyada xaafado ku teedsan, waxaana jira khasaare ka dhashay weerarkan. Wararka laga helayo ayaa intaas kusii daraya inay jiraan khasaare dhaawacyo, inkasta oo illaa hadda aan la…

Read More

Beeraleyda qaadka ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in muddo 7 maalmood ah ay hakiyeen  dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya. Go’aankan ayaa waxay ku sheegeen inay uga jawaabayaan caqabadaha soo wajaha beeralayda qaadka ee dalka Kenya, kuwaas oo tilmaamay inay walaac ka muujinayaan qiimaha lagu canshuuro qaadka ay u iibgeeyaan Soomaaliya. Beeralayda Qaadka ayaa dalbaday in wax laga qabto walaaca ay muujinayaan, iyagoo ugu baaqay masuuliyiinta Kenya in ay wax ka qabtaan cabashadooda. Waxay sheegeen lacag dhan 80,000 oo ah lacagta shilinka Kenya ah in looga qaado garoomada diyaaradaha. Bishii July 2022, Soomaaliya ayaa ogolaatay in dib loo bilaabo dhoofinta Miirowga…

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan lugatoor ayaa soo saaray Xeer Kusime Madaxweyne Lr 06, April 08, 2024: kuna saabsan Cafis Maxaabiis Fadliga bisha Ramadaan darteed. Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka. Markuu Arkay:- Dastuurka dowladda Puntland Qodobkiisa 81-aad Markuu Arkay:- Talo soo jeedinta Wasaaradda Caddaalada, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta  Puntland Puntland. Markuu Tix geliyey:-  Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo Munaasabadda Ciidul-Fidriga. Wuxuu Cafis u fidiyey Maxaabiis tiradoodu dhan tahay 50 Maxbuus oo ku kala jira Xabsiyada kala duwan ee Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu saxiixo Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne…

Read More

Qaar kamid ah wadamada Islaamka oo baadi goob u galay aragtida bisha soonfur ayaa ugu dambeyn shaaciyay in maalinta berito oo talaado ah ah la dhameystirayo 30ka bisha Ramadaan ayna ciida tahay maalinta Arbacada. Maxkamada sare ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa go’aamisay in beri oo Talaado ah la dhameystirayo bisha Ramadaan, waxa ayna Maxkamada sheegtay in maalinta ciida ay noqoneyso arbacada oo bisha Abriil tahay 10. “Laguma arag bisha Shawaal Sacuudiga. Sidaa darteed Ciidul Fitriga ayaa la ciidayaa Arbacada, 10-ka Abriil 2024. Ilaahay ha inoo ogolaado inaan ka faa’iidaysanno bishan barakeysan waqtiyada ka haray si aan ugu gudanno waxa uu raalli…

Read More

Dowlada  Mareykanka ayaa digniin ka bixisay weeraro argagxiso oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah Mareykanka ayaa sheegay inuu helay xog sheegeysa in weeraro Argagixiso ay ka dhici karaan Muqdisho, gaar ahaana goobaha kala ah, dekedda, koontaroolada, xarumaha dawladda, hoteelada, makhaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan ajaaniibta reer galbeedka ah iyo shacabka. Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho, oo baahisay warbixintan digniinta ah ayaa sidoo kale shaqaalaheeda u dirtay wargelin ay ugu sheegayso in la joojiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada safaaradda berri oo Talaado ah 9 April, mana jirto cid ka bixi karta ama…

Read More