Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

    July 8, 2025

    Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

    July 7, 2025

    DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

    July 7, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

      July 7, 2025

      DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

      July 7, 2025

      DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

      July 7, 2025

      War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

      July 4, 2025

      Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

      July 4, 2025

      Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

      June 30, 2025

      DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

      June 28, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

      July 7, 2025

      DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

      July 7, 2025

      DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

      July 7, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Somalia, Masar iyo Eritreya oo sameysanaya isbaheysi cusub oo ka dhan ah Itoobiya (Xog)

    Somalia, Masar iyo Eritreya oo sameysanaya isbaheysi cusub oo ka dhan ah Itoobiya (Xog)

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 12, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dowladaha Masar, Somalia iyo Eritreya ayaa qorsheynaya iney sameystaan isbaheysi cusub oo ka dhan ah Itoobiya kaasoo la filayo in looga dhawaaqo magaalada Qaahira sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

    Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa shalay la gaarsiiyey casuumad uu ka helay Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi ka dib booqasho uu Asmara ku tagay  wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh H. Shoukry.

    Intii lagu guda jiray kulan ka dhacay Asmara xalay fiidkii, Madaxweyne Isaias iyo Mudane Sameh H. Shoukry waxay ka wadahadleen muhiimadda wadatashiga u dhexeeya Erteriya iyo Masar caqabadaha hadda jira ee gobolka iyo caalamka.

    Wafdigan ka socda Masar ayaa sidoo kale casuumaad dhowaan soo gaarsiiyey Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh ka dib booqasho ay ku yimaadeen Muqdisho.

    Xassan Shiikh ayaa maanta ka sheegay hadal uu ka jeediyey Villa Somalia in Itoobiya ay si cad ula dagaalami doonaan hadii ay qaado talaabo ay ku fulineyso heshiiskii ay la gashay Somaliland ee qeyb looga siinayey badda Somalia.

    Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowlada Somalia ay qorsheyneyso iney  xiriirka u jarto Itoobiya, ciidankoodana amar ku siiso iney kaga baxaan dalka muddo aad u kooban, waxaana meelaha ay ka baxaan ciidamada Itoobiya la geyn doonaa ciidamo ka socda dalalka Masar iyo Eritreya.

    Labadaas dowladood ayaa la sheegay iney aqbaleen iney Somalia keenaan ciidamadii bedeli lahaa kuwa Itoobiya ka dib markii Madaxweyne Xassan Shiikh uu dhowaan booqday Asmara, dhinaca kalena uu wadahadal khadka telefanka kula qaaatay madaxweynw Siisi

    Masar iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhexeeyey muddo dheer khilaaf adag oo la xiriira biyo Xireenka laga dhisayo webiga Niil oo Masar ay u aragto inuu hoos u dhigayo saamiga biyaha dalkeeda gaaraya.

    Eritreya iyo Itoobiya ayaa iyana mudooyinkan xiriirkooda uu sii xumaayey ka dib markii RW Abiy Ahmed uu falaagada Tigray la galay heshiis nabadeed oo uusan kala tashan Eritreya oo dagaalka ka caawineysay, sidoo kale Eritreya ayaa shaki xoogan ka muujisay hadalada  uu mudooyinkan jeediyey Abiy Ahmed ee sheegaya inuu xoog iyo xeelad ku doonayo dalkiisa inuu bad helo.

    Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa bilaabatay 1-dii bishan kadib markii ay is-afgarad kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland kaasoo mas’uuliyiinta Somaliland sheegeen inuu u horseedayo inay Itoobiya aqoonsato iyadoo taas beddelkeedana Somaliland ay dhul 20km oo bad ah ka kiraynayso Itoobiya.

    Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay is-afgaradkaasi oo ay sheegtay inuu xadgudub ku yahay madaxbannaanida iyo midnimadeeda dhuleed, waxayna Soomaaliya u tixgelisa Somaliland qayb ka mid ah Soomaaliya.

    Laakiin dhinaca kale Itoobiya iyo Somaliland labaduba waxay difaaceen is-afgaradka. Somaliland waxay ku sheegtay war saxaafeed ay toddobaadkan soo saartay in dawladda Soomaaliya ay turjumaad qalad ah ka bixinayso is-afgaradkaasi, Somaliland-na aysan ka mid ahayn Soomaaliya, sida war saxaafadeedkaas lagu sheegay.

    Heshiiskan saddex geesoodka ah ee dhexmaraya Masar Somalia Itoobiya ayaa haddii uu hirgalo waxaa uu khal khal xooggan ku abuuri doonaa dowlada Itoobiya oo haatan lugaha kula jirta dhibaatooyin iyo dagaalo looga soo horjeedo oo ka socda gudaha dalkaas.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

    July 8, 2025

    Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

    July 7, 2025

    DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

    July 7, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

    July 8, 2025

    Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

    July 7, 2025

    DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

    July 7, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.