Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya, Valentin Zellweger.
Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Sida lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada.
Intii uu socday kulanka oo ka dhacay xarunta Xalane ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Danjire Valentin Zellweger waxa ay si wada jir ah uga wada hadleen arrimo badan oo heer gobol iyo heer caalami ah oo khuseeya labada dal.
Warbixin kooban oo ay soo saartay Villa Somalia, ayaa qodobbadii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa dardargelinta amniga gobolka, iskaashiga Soomaaliya iyo Switzerland ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal.
Kulanka ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo kobcinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee caalamiga ah si wax looga qabto caqabadaha la wadaago loona horumariyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.