Dagaal u dhexeeya ciidan ka amar qaata dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa dawladda Puntland ayaa lagu soo warramayaa in uu saaka ka qarxay magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug gaar ahaanna bariga magaalada.
Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegayaa in labada ciidan isu adeegsanayaan iyada oo dhawaaqa rasaastana laga maqlayo dhinacyada kala duwan ee Gaalkacayo.
Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan ay dawladda Puntland xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay in ay khal khal amni ka abuurayso gudaha Puntland.

