Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      DEG-DEG: Qarax ka dhacay Godka Jilocow &

      October 4, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu ula kulmi laha Donald Trump.

      September 27, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      DEG-DEG: Qarax ka dhacay Godka Jilocow &

      October 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Daawo: Xasan Sheekh oo ku baaqay dagaal lagu difaacayo dalka oo ka dhan ah Itoobiya

    Daawo: Xasan Sheekh oo ku baaqay dagaal lagu difaacayo dalka oo ka dhan ah Itoobiya

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 12, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Khudbadii Jimcaha ka jeediyay masaajidka Madaxtooyada ayaa ku dhowaaqay in Itoobiya ay iska dhicinayaan, kadib xad-gudubka ay ku kacday.

    Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay cadowga ugu weyn ee Soomaaliya, islamarkaana ay ka difaacanayaan dalka, haddii ay isku deydo meel-marinta xad-gudubkii ay xukuumadda Abiy Axmed ku kacday, kulana saxiixatay Somaliland heshiis beenaadkii badda.

    “Maanta haddii dhul la isku sheeganayo anaga ayay tahay in Itoobiya maanta dhul ku sheegano, naguma sheegan karto anaga. Cadow hal ayuu ahaa oo Shabaab, laakiin maanta waa labo, waa iska celinayna Shabaabka oo duulimaadka dibadda-na waa iska celinayna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Waxa uu intaas kusii daray “Itoobiya bogii taariikhdii aan laabnay soddan iyo dhowrka sano kahor ay soo rogtay, Soomaaliyeey dhaqanka kasoo muuqda maanta waa ballaayo ee geeso la qabto ay leedahay ee geesaha aan ka qabano.”

    Sidoo kale waxa uu si cad u sheegay in dhulka Soomaaliya aysan baxeyn qeyb kamid ah inta uu nool yahay qof Soomaali ah uu nool yahay, “Ma ogolin xataa hal taako, mana dhaceyso.”

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay u midoobaan iska dhicinta Itoobiya iyo ka hortaga xad-gudubka, xilli uu dalka ka socdo guluf kale oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, oo ay ugu horeyso Al-Shabaab.

    Waa hadalkii ugu kululaa iyo digniintii u dambeysay ee madaxweynaha uu jeediyo tan iyo markii uu soo baxay heshiiskii Addis Ababa, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, kaasi oo ah damac soo jireena oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

    Dhinaca kale, Wasiiru-dowlaha Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Telefishanka Qaranka ayaa waxa uu xaqiijiyay in dowladda ay wado abaabul ciidan oo ka dhan ka Itoobiya, haddii ay isku deydo meel-marinta damaca guracan, ayna ku jirto diyaar-garow ay ku difaaceyso xuduudaheeda.

    “Dadaal Diblumaatik ahna waan ku jirnaa, diyaar garow ciidana waan wadnaa, oo waxaz ku jirnaa diyaar-garowga in dalkeena aan difaacano xuduudihiisa Cir, Dhul iyo Bad intaba,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Amniga XFS Maxamed Cali Xagaa.

    Heshiiska Addis Ababa ee Itoobiya loogu saxiixay dhul badeed dhan 20KM, ayaa si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

    Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale horey u soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiskaas, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay sharci Baarlamaani ah oo burinaya is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland.

    Hoos ka daawo muuqaalka

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.