Close Menu
    What's Hot

    Shanta qodob ee ay isku mari la’yihiin Iran iyo Mareykanka. Hoos ka akhri

    April 11, 2026

    Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa hadal si adag u dhaliilaya xukuumadda federaalka

    April 11, 2026

    Dowladda Soomaaliya oo magacowday Guddiga Farsamada Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed.

    April 11, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa hadal si adag u dhaliilaya xukuumadda federaalka

      April 11, 2026

      Dowladda Soomaaliya oo magacowday Guddiga Farsamada Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed.

      April 11, 2026

      Cumar C/Rashiid oo digay halista ka dhalan karta shidaal qodista.

      April 11, 2026

      Aktiso:-CNN:Shiinaha ayaa isku diyaarinaya inuu nidaamyada difaaca hawada u gudbiyo Iran

      April 11, 2026

      Shanta qodob ee ay isku mari la’yihiin Iran iyo Mareykanka. Hoos ka akhri

      April 11, 2026

      Tahriibiyaal ku geeriyooday Faransiiska.

      April 10, 2026

      Itoobiya oo gacanta ku dhigtay Akhriso:- magafe Soomaali ah oo dadka Tahriibiyay.

      April 10, 2026

      Madaxweynaha Jabuuti oo Daah-furay Mashruuca “Salaam City” oo ku kacaya $480 Milyan

      March 24, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Shanta qodob ee ay isku mari la’yihiin Iran iyo Mareykanka. Hoos ka akhri

      April 11, 2026

      Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa hadal si adag u dhaliilaya xukuumadda federaalka

      April 11, 2026

      Dowladda Soomaaliya oo magacowday Guddiga Farsamada Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed.

      April 11, 2026

      Cumar C/Rashiid oo digay halista ka dhalan karta shidaal qodista.

      April 11, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Daawo: R/W Xamza oo Farmaajo iyo kooxdiisa kula taliyey inay cafis weydiistaan dadka

    Daawo: R/W Xamza oo Farmaajo iyo kooxdiisa kula taliyey inay cafis weydiistaan dadka

    By radiohalgan.comMarch 22, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ra’iisul Wasaaraha XFS Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa u nasteexeeyey madaxweyne Farmaajo, isagoo kula taliyey in dadka Soomaaliyeed ee lagu dhibaateeyey xukunkiisa uu cafis weydiisto, inta lagu jiro bishaan qiimaha badan ee Ramadaan.

    Inkastoo magaca Farmaajo uusan carrabkiisa ku dhufan, hadana Xamza Cabdi Barre wuxuu soo tiriyey qaar ka mid ah gabood-falladii ay geystay dowladii Farmaajo, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay sida uu weli iskula saxan yahay.

    Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in mudadii ay raggaas uu kooxda Farmaajo kala jeedo ay xukunka joogeen ay dalka ka geysteen jariimooyin uu ka xusay in madaxdii hore ee dalka shil diyaaradeed loo qorsheeyey, in kabaha lagu aasay dad la laayey oo dabcan uu kala jeeday askartii lagu laayey guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

    Sidoo kale Xamsa ayaa sheegay in xiligaas la waayey muwaadiniin ay haween ku jireen oo dabcan uu kala jeeday Ikraan Tahliil, in la cunaqabateeyey oo dhiigbax iyo gaajo loo dilay dadkii ku noolaa gobollada dalka qaar oo dabcan uu Gedo iyo Jubbooyinka kala jeedo.

    “Waxyaabahaas oo dhan waa dhaawacyo aad geysteen, hadiiba aad nasiib u yeelateen in idinkoo nool aad dalka dib ugu soo laabateen, in bisha Ramadaan waxaa idiin fiicneed inaad dib u dhaydaan dhibaatooyinkaa geysateen oo dadkiina cafis weydiisataan, waa hadii umadaan aad rajo dambe ka qabto, in wixii aad geysatay hilmaanto oo hadda aad wax sii qasto, runtii ma qurux badna, marka waxaan soo jeedinayaa in dadka cafis la weydiisto,” ayuu yiri Xamza Barre.

    Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkaan ka jeediyey kulan ciwaankiisu ahaa “Afur wadareedka is aragga xukuumadda iyo bulshada” ayaa dhinaca kale ka hadlay arrinta muranka badan uu ka taagan yahay ee dhameystirka dastuurka dalka, isagoo sheegay in dastuurku uu ku jiro gacan aamin ah.

    “Walaalayaal dastuurku maanta wuxuu jiraa gacan aamin ah, qof kasta meel ayuu ka daneynayaan dastuurka, laakiin waxaan idin leeyahay qof kasta shaqadiisa haloo daayo, dhameystirkiisa waxaa ku xiran karaamada iyo dowladnimadeena, qof kasta oo xil idinka raba wuxuu dhihi jiray dastuurka ayaan dhameynayaa, balse maanta ayagii ayaa diidan inaan dhameystirno,” ayuu yiri Xamza.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo hadal qaaday dooda haweenka oo maalmahaan dalbanayey in dastuurka lagu cadeeyo oo qodob dhan laga dhigo qoondada haweenka oo 30% ah, isagoo sheegay in gabdhaha Soomaaliyeed ay xukuumadiisu u ogoshahay wax kasta oo ay dalbanayaan, isagoo haweenka kula taliyey in hanaan sharci ah ay xuquuqdooda ku raadsadaan oo buuq ka fogaadaan.

    Hoos ka daawo

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Shanta qodob ee ay isku mari la’yihiin Iran iyo Mareykanka. Hoos ka akhri

    April 11, 2026

    Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa hadal si adag u dhaliilaya xukuumadda federaalka

    April 11, 2026

    Dowladda Soomaaliya oo magacowday Guddiga Farsamada Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed.

    April 11, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Shanta qodob ee ay isku mari la’yihiin Iran iyo Mareykanka. Hoos ka akhri

    April 11, 2026

    Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa hadal si adag u dhaliilaya xukuumadda federaalka

    April 11, 2026

    Dowladda Soomaaliya oo magacowday Guddiga Farsamada Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed.

    April 11, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.