Author: radiohalgan.com

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo gobalka Hiiraan,gaar ahaana magaalada Maxaas, ciidamada deegaanka ayaa ka baxay magaaladaas, ka dib markii uu halkaas ka dhacay dagaal xoogan oo ay subaxnimadii hore ee maanta lagaleen Kooxda AS Magaalada Maxaas waa magaalo muhiim ah, 13kii sanno ee lasoo dhaafay waxaa saldhig ciidan oo joogitaan ah ku lahaa ciidanka midowga Afrika, gaar ahaana kuwa Itoobiya, balse dhammaadkii 2024-kii ayay ka baxeen, ka dib is afgaranwaagii Soomaaliya & Itoobiya. Deegaanada Aadan-Yabaal, Maqokori, Maxaas & Matabaan ayaa ah deegaano muhiim ah marka laga hadlayo dagaalka lagula jiro AS  Kooxda  waxayna ka tirsan yihiin Shabeelaha Dhexe, Hiiraan…

Read More

Kooxda AS ayaa si rasmi ah ula wareegtay kadib dagaal xooggan oo saaka ka dhacay duleedka magaalada sida ay ilo kala duwan ku warrameen. Dhinaca kale,kooxda AS ayaa sheegatay in ay la wareegtay Maxaas. Wax war ah lagama hayo maamulka Hirshabelle iyo dowladda federaalka ilaa iyo imminka.

Read More

Halkii Saac ee Subaxnimo dagaal qaraar oo soo bilowday ayaaa ilaa iminka ka socda Xadka Hiiraan iyo Galgaduud ee Bariga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Qasaare Badan oo Dhimasho iyo Dhaawac leh ayaa laga Soo Warinayaa Dagaalka. Xaq udirirka Deegaanka ayaa Saaka Weerar Qorshaysan Ku Qaaday Xubno Katirsan Kooxda AS oo isku Uruursanayay Xadka Hiiraan iyo Galgaduud. Wixii kusoo kordhaa Halkaan kala Soco.

Read More

Ilo wareedyo sugan oo lagu kalsoon karo kana tirsan Xafiiska Villa Somalia ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay Fartuun Bile Maxamud Jimcaale inay noqoto Xoghayaha guud ee maamulka Gobalka Banaadir. Xilka Xoghayaha guud ee Gobalka Banaadir ayaa waxaa laga qaaday Faisal Caraale Afrax oo xilkaas Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay sanaddii 2022-dii kadib soo jeedin magacaabis oo ka timid Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalolshe. Warqadda wareegtadda magacaaabista Fartuun Bile Maxamud Jimcaale, ayaa waxa saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maanta inta uusan u safrin dalka Jabuuti. Fartuun Bile Maxamud Jimcaale, ayaa horey ugu tartantay kursiga Xildhibaanimo…

Read More

9 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday maxkamad ku taal gobolka Sistan-Baluchistan ee dalka Iran, Ugu yaraan sagaal qof ayaa lagu dilay weerar hubeysan oo kooxda Sunni Jaish al-Adl Baluch ay ku qaadeen maxkamad ku taal gobolka Sistan-Baluchestan ee dalka Iran Sabtidii, oo ay ku jiraan saddex ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, 22 kale ayaa ku dhaawacmay, sida lagu sheegay warbixinta. sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. Jaish al-Adl ayaa xaqiijiyay dhimashada saddex xubnood oo ka tirsan ururkaasi iska horimaadka ay la galeen ciidamada ammaanka ee magaalada Zahedan, oo ah caasimadda gobolka fog ee koonfur-bari ee xuduudka Pakistan…

Read More

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika,Mahmoud Ali Youssouf, ayaa si diirran u soo dhaweeyay hadalka Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ku dhawaaqay inuu damacsan yahay inuu si rasmi ah u aqoonsado Dowladda Falastiin. Go’aankan, ayuu Guddoomiyuhu sheegay, wuxuu waafaqsan yahay mowqifka taariikhiga ah ee Midowga Afrika, oo mar kale lagu adkeeyay intii lagu jiray Kalfadhigii 38aad ee Golaha Midowga Afrika ee qabsoomay 15–16 February 2025, magaalada Addis Ababa. Fadhigaas ayaa lagu muujiyay sida Afrika uga go’an tahay xaqa aan laga laaban karin ee dadka Falastiiniyiinta u leeyihiin ismaamul iyo dowladnimo madax-bannaan. Guddoomiye Youssouf wuxuu ku tilmaamay tallaabadan mid muhiim ah…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabbuuti. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho dhiggiisa Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka. Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu  sii gudbo dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxda dalkaasi.

Read More

Cabdirashiid Janan oo ah mas’uulka ugu sarreeya dowladda Federaalka ee ku sugan gobolka Gedo ayaa magaalada Beledxaawo ku soo dhaweeyay ciidamo la sheegay in ay ka soo goosteen maamulka Jubbaland. Muuqaal la baahiyay ayaa muujinaya Cabdirashiid Janan oo goob fagaare ah kula hadlaya ciidankan, isaga oo dul istaagay xaaladda magaalada Beledxawo iyo dhaqdhaqaaqyada socda. Wuxuu sheegay in ciidanka uu hoggaamiyo ee ku sugan xirada UK la soo weeraray, isla markaasna uu dhacay dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale, Cabdirashiid ayaa sheegay inuu qorshahoodu ahaa in ay la diiwaan galiyaan, lana qalabeeyo askarta ciidamada dowladda qeybahooda kala…

Read More

War-saxaafadeed ka soo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya AUSSOM ayaa looga hadlay dagaalkii cuslaa ee Jimcihii ka dhacay gudaha deegaannada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalka ayaa sheegay in ay ka hortageen weerarkaasi oo qaraxyo ku billaawday, isla markaasna ay weli gacanta ku hayaan deegaannadii lagu dagaalamay ee gobolka Shabeelaha Hoose. AUSSOM ayaa caddeysay in weli ay socdaan howlgallada ka dhanka ah AS ee lagu xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada Sabiib iyo Caanoole, iyaga oo kaashanaya Ciidanka Xoogga. “Waxaan wadnaa howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga guud ee Sabiib iyo Caanoole, AS waxaan ka dilnay xubno…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aanka Faransiiska ku aqoonsanayo shacabka iyo dowladda Falastiin, tillaabadaasi oo Mareykanka iyo Israa’iil ka caroodeen. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Shacabka Falastiiniyiinta xaq u leeyihiin dowlad madaxbanaan si waafaqsan shuruucda caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay. “Dowladda Soomaaliya waxay u aragtaa go’aanka Faransiiska mid geesinimo leh oo kusoo beegmaya xilli ku habboon, isagoo ka qeyb qaadanaya Nabadda Caalamka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Dowladda. Sidoo kale, Soomaaliya ayaa tilmaamtay in ay garab taagan tahay shacabka Falastiiniyiinta oo muddo dheer wajahaya dagaalka iyo weerarada Israa’iil. Tillaabada Faransiiska ku aqoonsanayo shacabkaasi…

Read More