What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Daawo:- wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabeelle Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore)Waxaa naga go,an in Bulshooyinkeenna ay nabad iyo Walaalnimo ay ku wada noolaadaan markasta Kalimad koban oo ujediyay bulshada degmada Ceelbaraf Waxaa naga go,an in Bulshooyinkeenna ay nabad iyo Walaalnimo ay ku wada noolaadaan markasta https://youtu.be/teghpodEpMo?si=lfrFUiwXVDKAftgT
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa Xariga ka jaray Xaraga ka jaray Xarunta Maamulka degmada Ceel Baraf oo si Casri ah loo dhisay. https://youtu.be/TmRt4GgvvSg?si=kKYCDRujj5zjWlpm MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE IYO SIDA LOOGU SOO DHAWEEYAY DEGMADA CEEL-BARAF https://youtu.be/p7dj57DC-ZQ?si=e35NGOcMclzjkJd8
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye oo Khudbad Taariikhi ah ka jeediyay Ceel-baraf. https://youtu.be/VejTJFLW1W8?si=pnwyq_FnFJQBYW-m
Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa si dadban uga hadlay dilka magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran loogu geestay hoggaamiyihii ururka Xamaas Ismaaciil Haniyeh, kaa oo dilkiisa si weyn ugu farxeen Yahuuda Israa’iil. Joi Biden ayaa sheegay in dilka hogaamiyihii kooxda Xamaas aysan saameyn ku yeelaneyn dedaalada socda iyo wadahadallada xabbad-joojinta ee la doonayo in laga gaaro dagaalka xooggan ee ka socda magaalada Gaza. Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xiisadda kasii kordheysa Bariga Dhexe, waxa uuna sheegay in muhiim tahay in la sameeyo xal kasta oo colaada lagu joojin karo laguna heli karo xabbad-joojin.…
Xubno kamida dhalinyarada Jubbaland ayaa maanta deeq xoolo ah gaarsiiyay ciidamada maanulka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee ku sugan furimaha hore ee waqooyiga gobolka Jubbada Hoose. Dhallinyaradan oo si iskood ah isku xilqaamay islamarkaana gartay muhiimadda ay leedahay in garab istaag loo muujiyo halyeeyada naftooda u huraya difaaca dalka ayaa toban neef oo ari ah ugu deeqay ciidamada. Saraakiisha ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee ku sugan deegaannada waqooyi ee Jubbada Hoose ayaa dhallinyarada ka guddoomay deeqda xoolaha ah una mahadceliyay da’yarta isku xilqaamay dhiirigalinta geesiyaasha dagaalka kula jira maleeshiyaadka Al Shabaab. Ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa xoogga…
Hay’adda isgaarsiinta ee dowladda Turkiga ayaa Jimcihii xannibtay barta bulshada ee Instagram-ka. Waxay timid maalmo ka dib markii Fahrettin Altun, oo ah agaasimaha isgaarsiinta ee madaxtooyada ahna kaaliyaha madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, uu ku dhaleeceeyay madal ay leedahay Meta inay si ula kac ah uga hor istaagayaan dadka isticmaala adeegyadooda ee ku nool Turkigu inay barahooda soo dhigaan fariimo loogu tacsiyadaynayo hoggaamiyaha la dilay ee Ismaaciil Haniyah. Si ka duwan xulafadiisa reer galbeedka, Turkigu uma arko Xamaas urur argagixiso. Erdogaan oo aad u dhaleeceeyay dhaq-dhaqaaqa militari ee Israel ka wado Qaza, ayaa kooxda ku tilmaamay “Dagaalyahano xornimo doon ah.” Waxay…
Dhallinyaro kasoo jeeda deegaanka Cali-Ganeey oo balaarin ku sameynaya xaruunta Caafimaadka ee deegaanka Cali-Ganeey https://youtu.be/smWvlxyyy3o?si=U3ZcdWpMP7ZTgQKs
– Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta gaaray degmada Ceel-Baraf ee Gobolka Shabeellada Dhexe https://youtu.be/xFYQQhJPTHg?si=K37ifbugsp_Dgi4H
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay waxgaradka Beesha Karanle oo isugu jiray Siyaasiyiin, Odayaal dhaqan, Ganacsato iyo Haween. Kulanka Madaxweynaha iyo Beesha waxaa diiradda lugu saaray qobo ay ka mid yihiin sidii loo dardarginlahaa dagaalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobollada Galguduud iyo Mudug oo ay beeshu dagto. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in Khawaarijta jab xoog leh loo geystay, dhawaana lasoo afjari doono joogitaankooda gobollada dhexe. Dhanka kale Madaxweynaha ayaa kulankaan ka sheegay in ay ka go’antahay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed…
Wasiirkii hore ee wasaaradda macdanta iyo batroolka ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdulqaadir Maxamed Siciid (Jantalmaan) ayaa soo bandhigay qiso cajiib ah oo dhacday mar uu dalka Turkiga kula kulmay Hoggaamiyihii Xarakada Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa shalay Israa’iil ay ku dishay duqeyn ka dhacday dalka Iiraan. Wuxuu sheegay in maalin iyagoo jooga Ankara lagu casuumay kulan loogu duceynayay shacabka Falastiin oo ay abaabushay dowladda Turkiga, Wasiir Jantalman wuxuu sheegay in kulankaas ay isku arkeen, kuna sheekeysteen isaga iyo hoggaamiye Ismaaciil Haniya. Wasiir hore Cabdulqaadir Jantalmaan oo ka sheekeeyey kulankii ay la qaateen Ismaaciil Haniya wuxuu yiri, “Aniga iyo wasiir kuxigeen ka…