Author: radiohalgan.com

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Itoobiya aanay ciidankeeda kamid noqon doonnin howlgalka cusub ee ATMIS lagu baddelayo haddii ay diido in ay dib uga laabato heshiiskii ay la gashay Maamulka Somaliland. Xamsa ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gudbisay qaraar ka dhan ah xadgudubka Itoobiya isla markaana ay laga sugayo Xukuumadda Addis Ababa in ay ka laabato haddii ay diiddana ciidankeeda laga saarayo Gudaha Dalka sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu intaas ku daray in haddii aanay Ixtiraam u muujin midnimada iyo wadajirka Soomaaliya in aan Itoobiya laga aqbali doonnin in…

Read More

Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa aqbashay magacaabista Danjiraha cusub ee Taliban ay u magacaabay Dalkaas si uu uga shaqeeyo isku xirka danaha Dalkaan Carbeed iyo Afgaanistaan sida hadalka loo dhigay. Sarkaal sare oo katirsan Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in Dalkaan ku yaalla Khaliijka uu aqoonsaday kana guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo kana mid ahaan doonno danjireyaasha ku sugan Abu Dhabi. Dowladda cusub ee Afgaanistaan oo hoggaanku ay u hayaan Taliban oo horay u maamulaysay intii u dhaxeysay 1996dii ilaa 2001dii ayaa dib u heleysa aqoonsiga Dalal badan oo si tartiib-tartiib ah ula sameysanaya cilaaqaad siyaasadeed. Saddexdii sano ee lasoo…

Read More

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa tegay xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaasi oo maanta laga maqlay qaraxyo xooggan. Taliye Sanbaloolshe ayaa la kulmay saraakiisha iyo ciidamada dowladda, isaga oo ka dhageystay warbixin ku aadan howlgallada ay wadaan ciidamada amniga. Kormeerka taliyaha ayaa ku soo aadaya xilli maanta ay laamaha amniga sheegeen in ay ka hortageen qaraxyo ay Al-shabaab isku dayeen in ay soo galiyaan gudaha magaalada Muqdisho. Dhinaca kale, qarax khasaare kala duwan sababay ayaa ka dhacay degmada Garasbaaley, waxaana lala beegsaday bar kontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamada Nabad…

Read More

Muqdisho, 21-August-2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo xubno ka mid ah Golahiisa Wasiirrada ayaa maanta Muqdisho uga qeybgalay shirka xasilinta deegaanada Hirshabeelle ee dhawaan la xorreeyay oo ay soo agaasintay Dowladda Federalka Soomaaliya. Ra’iisulwasaare ku-xigeenka XJFS Mudane Salaax Axmed Jaamac iyo Wasiirrada Xasilinta iyo Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa. Ugu horeyn waxaa shirka furay Ra’iisulwasaare ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac waxana uu tilmaamay muhiimada uu shirkan u leeyahay Dowladda Hirshabeelle. “Nabad iyo xasilooni ayaan kusoo arkay deegaano gacanta ugu jiray Khawaarijta muddo dhan 16-sanno ah taas oo ku timid awood.…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka  Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 15-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka. Kulanka ayaa ku saabsanaa sii amba qaadida doodda ku saabsaneyd arrimaha canshuuraha iibka, cabashada ganacsatada kala duwan iyo sida lagu xalin karo. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay habka canshuurta loo qaadayo, hanaanka loo maray, cabashada ganacsatada iyo sidoo kale habka lagu xalin karo, waxaana inta badan Xildhibaanadu ay ka sinnaayeen muhiimadu ay qarankeena u leedahay bixinta canshuurta. Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)…

Read More

Madaxweynihi ugu horreeyay oo madow ah ee soo mara Mareykanka Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle Obama ayaa xalay khudbado ku ruxay hoolka uu ka socdo Shiweynaha Xisbiga Dimoqraadiga ee magaalada Chicago. Lamaanaha reer Obama ayaa ku boorriyay dadka Mareykanka in ay taageeraan oo ay doortaan murashaxa xisbiga Dimoqraadiga Kamala Harris oo hadda ah madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka, taas oo doorashada bisha November wajahi doonto madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump. Obama ayaa markiiba weeraray madaxweynihi isaga uga danbeeyay Aqalka Cad, inkasta oo uusan magac dhabin isla markaana yiri: Uma baahnin afar sano oo kale oo qallafsanaan, qas iyo qalaanqal…

Read More

Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xoogan, loona adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa xaafadaha Tareedisho iyo Macaani oo ka wada tirsan degmada Garasbaaley ee gobolka Bamaadir. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaraxa lala beegsaday bar-koontarool oo ku taalla halkaasi, ayna dagan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda Soomaaliya. Khasaare kala duwan ayaa lasoo wariyay inuu ka dhashay qaraxa, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan…

Read More

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe ay Al-Shabaab toogasho ku fuliyeen saddex askari oo ka tirsanaa Daraawiishta Jubbaland oo ay horay ugu qabteen dagaallo ka dhacay gobolkaasi. Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla degmada Kamsuuma, waxaana goobta la isugu geeyay dad badan shacab ah, iyada oo sidoo kale ay goobjoog ahaayeen xubno Shabaab ah. Kooxda ayaa sheegtay in saddexda askari ay horay uga qayb-qaateen dagaallo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan aagga deegaanka Buulo-Xaaji oo dhowaan ay ka dhaceen howlgallo ay guullo waa wayn ka gaareen ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.…

Read More

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa 14-aad. Waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Ugu horeyn Hab-dhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay  Xildhibaan Cusmaan Cali Cusmaan oo si rasmi ah uga mid noqday Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad. Intaasi xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa sii amba ka qaaday ka doodista soo jeedinta (Mooshin) Xildhibaanadda ee ku saabsan wax iska weydiinta canshuuraha iyo cabashada ganacsatada kala…

Read More

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa digreeto ku magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Galmudug iyo Wasiir ku Xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug Waxaa sidoo kale xilalka laga qaaday labadii wasiir ee xilalkan ku magacownaa, sababtana lama sheegin. HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA. Sh

Read More