Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar uu shalay ku tagay dalka Kenya. Safarka Axmed Madoobe oo qaatay hal maalin ayaa yimid kadib markii maalmo ka hor uu madaxweyne Xasan Sheekh uu safar ku tagay Kenya uu ka codsaday madaxweyne William Ruto inuu dhex-dhexaadiyo isaga iyo madaxweynaha Jubbaland. Xasan ayaa Ruto la wadaagay doonistiisa inuu Axmed Madoobe dib ugu soo laabto shirka golaha wadatashiga qaran oo todobaadyo ka hor uu isaga baxay, sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo xilkas ah. Axmed Madoobe ayaa shalay magaalada Eldoret kula kulmay madaxweynaha Kenya William Ruto,…
MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO DHIIROGELIN UGU TAGAY CIIDAMADA HOWGALKA KA WADA WADADA ISKU-XIRTO BALCAD IYO JOWHAR. https://youtu.be/ojFpPlR5qds?si=uJGcEsIL2en0nKRY
MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO DHIIROGELIN UGU TAGAY CIIDAMADA HOWGALKA KA WADA WADADA ISKU-XIRTO BALCAD IYO JOWHAR. Balcad, 25-Oktoobar-2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa tagay deegaanka Mukay-dheere oo ay ku sugan yihiin saraakiisha hoggaamineyso howgalka Ciidamada Dowladda Hirshabeelle iyo kuwa Xoogga Dalka ee lagu soo af-jarayo Khawaarijta. Ugu horreyn Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Hirshabeelle Sarreeye Guuto Xasan Dhicisoow ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyay sida uu socdo howgalka. Taliyaha ayaa warbixintiisa ku xusay inay sahaydii ka jareen Khawaarijta ku sugan deegaanka Yaaqle oo ay wajahayaan go’doon adag xilligan. “Waxaan halkan idin kugu imid sidii aad u dardargelin…
Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle oo Tababar u furay Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan. https://youtu.be/9PN62-U2Sug?si=bBtkQN6PuqCkArJ3
Madaxweynahii koowaad ee Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosobe ayaa yiri Waxaan la yaabanahay garasho xumada Xil Maxamed Abukar Islaw ee u heysta Hiiraan iney dhimatay. Islaw Hiiraan ma dhimane wey nooshahay balse Hirshabelle ayaa dhimatay. Si aad xaqiiqda u soo ogaato booqasho xuuraansi ah ayaan kugu geynayaa Hiiraan ee soo diyaar garow His ka aqriso Wasiir hore Waxaa Nasiib darro ah in Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Xilligan faafiso Maabka Soomaaliya oo jiritaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle lagu inkirayo, kana dhigaya laba Gobol. Waxaan canbaareynayaa in xilligan ay Wasaaraddu adeegsato Khariirad la diyaariyay sanadkii 2011, taasoo abuureysa…
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabeelle ayaa 5- Cagaf iyo agab kale oo beeraleeyda loogu tala galay ku wareejisay Iskaashatada Beeraleeyda Beledweyne. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda beeraha iyo Waraabka dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare ayaa Iskaashatada Beeraleeyda Beledweyne ku wareejiyay Cagaf-cagaf- yadaasi iyo agabka kale Iskaashatada Beeraleeyda Beledweyne si kor loogu qaado wax soo saarka beeraleeyda Beledweyne. https://youtu.be/Ehs12pvW4U0?si=YcQ4sK4VBVL9wkK8 Iskaashatada Beeraleeyda Beledweyne ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabeelle iyo dhammaan dhinacyada kale ee ka gacansiiyay helista Agabkaasi. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda beeraha iyo Waraabka dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare ayaa Iskaashatada Beeraleeyda Beledweyne…
Wasiirkii hore ee amniga Xildhibaan Maxamed Abuukar Isloow ayaa ka hadlay maab qaldan oo aay soo bandhigtay Wasaaradda Badroolka Soomaaliya taasi oo dhaleeceyn badan kula kulantay wasaaradda.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen waxa uu Hirshabelle gaarsiiyay horumar dhinacyo badan. Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Wasiirka Maaliyadda Hirshabelle Cabdiraxiin Ciise Cadoow Team-ka Wasaaradda Maaliyadda waxa aay mudanyihiin in lagu amaanno sida Hirshabelle u gaarsiiyeen Kobac dhaqaale oo muuqda,taasi oo ku timid qorshaha Madaxweynaha iyo wasaaradda oo fulisay. Golaha Wasiiradda dowladda Hirshabelle ayaa maanta meel-mariyay miisaaniyadda Dowladda Hirshabelle ee Sanadka soo socda 2025, Taas oo filashadeeda tahay 33,557,830.37 oo Dollar. Isuguna jjrta Dakhliga Gudaha Laga soo xeraynaayo iyo deeqaha La filaayo Haddii Alle idmo. Waxaana jira kor u kac gaaray 60% marka loo eego sanadkaan dhamaanaya ee…
Bal malee waxaad tahay Vladimir Putin. Reer-galbeedka ayaa kuu aqoonsaday mid la go’doomiyay sabab la xiriirta inaad duullaan ku qaadday Ukraine. Cunaqabateyno ayaa la doonayaa in dhaqaalaha dalkaaga looga jaro suuqyada caalamka. Waxaana jira waaran soo xirid ah oo lagaaga jaray Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada. Sidee baad u muujineysaa in cadaadisku uusan shaqeyneyn? Isku day inaad qabato shir. Toddobaadkan magaalada Kazan Madaxweyne Putin ayaa ku salaami doona in ka badan 20 madax dal oo ka qeybgalaya shirka Brics ee dalalka dhaqaalahoodu soo kobcayo. Madaxda la casuumay waxaa ka mid ah madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, raysal wasaaraha Hindiya Narendra Modi…
Hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay, UNHCR, ayaa sheegtay in ay si weyn uga walaacsan tahay warka ku saabsan afar qof oo qaxooti ah oo Kenya ay ku celisay Turkiga. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa sheegtay in Turkiga uu ka codsaday soo celinta afarta qof. Hadalkan ayaa soo baxay kaddib markii la helay warar sheegaya in dhowr qof laga afduubtay wadooyinka magaalada Nairobi Jimcihii. Nin u dhashay Britain ayaa BBC-da u sheegay in isaga iyo afar qof oo u dhashay Turiga ay afduubteen rag wajiga soo dabooshay. Wuxuu sheegay in la soo daayay sideed saacadood kaddib markii uu tusiyay dadkii soo…