What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa shaaca ka qaaday saadaashiisa xilli ciyaareedka cusub ee premier League maalmo ka hor inta uusan bilaaban. Horyaalka Ingiriiska ee 2024/2025 ayaa bilaabmaya Jimcaha soo socda iyada oo Man United la ciyaari doonto Fulham. Jamie Carragher ayaa saadaaliyay sida ay u kala sarayn doonaan 6-da kooxood ee ugu sareeya premier League xilli ciyaareedka cusub. Carragher ayaa Man City u saadaliyay ku guulaysiga horyaalka halka uu Arsenal u saadaaliyay kaalinta 2-aad. Halyeeya Liverpool ayaa kooxdiisii hore u saadaaliyay kaalinta 3-aad halka uu Tottenham u saadaaliyay kaalinta 4-aad. Sidoo kale Man United ayuu u saadaaliyay kaalinta 5-aad ee…
Halyeeyga Manchester United Paul Scholes ayaa saadaal geesinimo leh ku sheegay in Arsenal ay ku guuleysan doonto Premier League xilli ciyaareedkan. Xidigii hore ee khadka dhexe ee England ayaa aaminsan in Gunners ay horumar la taaban karo samaysay sanadihii ugu dambeeyay ayna haatan diyaar u yihiin in ay jabiyaan awooda Manchester City. Scholes ayaa saadaaliyay sababta ka dambeysa horumarka joogtada ah ee Arsenal, wuxuuna yiri: “Waxaan filayaa in Arsenal ay noqon doonto kooxda ku guuleysata horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, horumar ayay sameeyeen sanadihii lasoo dhaafay, kaliya waxaan u maleynayaa in sanadkan uu yahay markii ay diyaar u yihiin inay…
Julian Alvarez ayaa si rasmi ah ugu biiray Atletico Madrid isaga oo kaga soo biiray Manchester City. Laacibka reer Argentina ee ku guuleystay Koobka Adduunka iyo Copa America ayaa rabitaankiisa loo fuliyay. Alvarez ayaa dalbaday inuu ka tago Man City sabab la xiriirta inuusan ku faraxsanayn daqiiqadihiisa ciyaarista waxana uu ku biiray La Liga. Xiddiag 24 jirka ah ayaa 95 milyan ugu biiray kooxda ka ciyaarta horyaalka La Liga. Atletico Madrid ayaa halka hore ka bixisay 75 milyan oo euro halka ay 20 milyan oo euro ku bixin doonaan gunooyin.
Kabtanka kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in ay sameeyaan saxiixyo cusub ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga. Liverpool ayaa ah kooxda kaliay een wax saxiix ah samayn 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub. Van Dijk ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in ay la soo saxiixdaan xiddigo cusub maadama uu xilli ciyaareedku dheeraan doono. “Sida iska cad waxaan qabaa inaan sameyno saxiixyo cusub maadama xilli ciyaareedku muddo dheer socon doono”ayuu yidhi. “Waxaan filayaa inay si hoose uga shaqaynayaan waxaanan si buuxda ugu qanacsanahay oo aan ku kalsoonahay kooxda waxana ay samayn doonaan waxa…
Lautaro Martinez ayaa u saxiixay Inter Milan heshiis cusub oo shan sano ah ilaa xagaaga 2029. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa ku biiray kooxda reer Talyaani bishii July ee 2018 waxaana uu dhaliyay 129 gool lix xilli ciyaareed. Martinez, oo 26 jir ah, ayaa todobo koob kula guuleystay Inter oo uu ku jiro horyaalka Seria A 2021 iyo 2024, halka uu ka caawiyay inay gaaraan finalka Champions League 2023. Kooxda Inter ayaa Albaabka ka xidhatay kooxaha doonayay saxiixa xiddiga waxana ay hubisay in uu muddo sii joogay kooxda.
Jowhar, 12-August-2024: Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Mahad Xasan Cusmaan ayaa garoonka diyaaraddaha ee Maxamed Dheere waxa uu kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayay Wasiir hore, Xildhibaan Maxamed Abuukar Ducaalle. Wafdigan ayaa isugu jiray Xildhibaano Golaha Shacabka BJFS iyo Senataro BJFS waxana ay u soo gaareen magaalada Jowhar ka qeygalka furitaanka shirka Baarlamaanka Hirshabeelle. Intaas kaddib wafdiga oo loo galbiyay Madaxtooyadda Hirshabeelle ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo uu wehliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed. Dhinacyada…
Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Cismaan (Gureey) oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ee dowladda Hirshabelle kasoo jeeda ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda dowladda Hirshabeelle. Qeybaha bulshada iyo madax ka tirsan dowladda Hirshabelle ayaa sodhaweyn sare Xildhibaanka ugu sameeyay magaalada Jowhar. Xildhibaanka Cabdiraxmaan Gureey Xildhibaano Golaha Shacabka BJFS iyo Senataro BJFS ka kala tirsan ayaa maanta magaalada Jowhar u gaaray ka qeygalka furitaanka shirka Baarlamaanka Hirshabeelle. Xildhibaanka ayaa kulan ka qaatay madaxda sare ee dowladda Hirshabeelle sida Madaxweynaha dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Cali (Guudlaawe) iyo madaxda kale ee dowladda. Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey ayaa lagu…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh) iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta kormeeray dhismaha xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dhawaan la banneeyay. Kormeerka wasiirka iyo duqa magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku wehliyay Injineero ka socday shirkad dhisi doonta Wasaaradda, kuwaa oo madaxda u sheegayay sida ugu macquulsan ee xaruntan loo dhisi karo iyo waqtiga ay qaadaneyso. Wasiirka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa u mahadceliyay shacabkii xaruntaasi deganaa garowshiyaha ay ka muujiyeen in ay banneeyaan xarunta wasaaradda, kadib markii loo soo baahday xarunta in dib-u-dhis lagu sameeyo isla…
Waxaa maanta oo Isniin ah kooram la’aan u baaqday kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib markii inta badan xildhibaannada ay kulanka soo xaadiri waayeen . Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlaamka Cabdullaahi Cumar Abshirow , oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kulanka maanta kooram la’aan u baaqday, waxa uuna xusay in xildhibaannada qaar aadeen xaflad caawa ka dhaceysa Jowhar iyo xildhibaanno kale oo shir u aaday magaalada Nairobi. “Xildhibaanno aad ayaad u mahadsan tihiin, inta maanta soo xaadirtay kooramka intaan waxaa gaarsiiyay xildhibaannadii HirShabelle maanta aaday, sidoo kale guddigii maaliyadda ayaa Nairobi ku…
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shalay wareegto uu soo saaray ugu magacaabay Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) in uu noqdo agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. Ninkan loo magacaabay agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, ayaa horey uga tirsanaa kooxda Al Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya, hasa ahaatee waxa uu kasoo goostay kooxdaasi iskuna soo dhiibay dowladda Soomaaliya sannadkii 2016-kii. Ibraahim Nadaara ayaa tan iyo markii uu kasoo goostay kooxda Al Shababaab si hoose ula shaqeenayay dowladda, waxa uuna ninkan wareysiyo badan uu bixiyay ku dhaliilayay kooxdii uu kasoo goostay ee Al Shabaab…