Author: radiohalgan.com

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janeraal Sulub Axmed Firin oo Warbaahinta la hadlay kaddib markii lasoo gabagabeeyay Imtixaanka Shahaadiga ah Dugsiga Sare (Fasalka 12aad) ee socday intii u dhaxeysay 22kii Juun ilaa 28ka Bishaan 2024. Warbaahinta ayuu la wadaagay Doorka Ciidanka Booliiska ka qaateen ilaalinta nabadgalyada iyo waxyaabihii ay ka diiwaangeliyeen todobaadka ay wadeen howshaan mas’uuliyadda culus ka saarnayd Ciidamada ammaanka. Janaraal Sulub ayaa sheegay in Ciidamada Booliiska ay gacanta ku dhigeen Dad isku dayay in ay ka gudbaan habraacyadii iyo nidaamkii loogu talagalay isla markaana ka dhex kalluumeystaan Hay’adaha Amniga & Wasaaradda Waxbarashada sida uu hadalka u dhigay. Sulub…

Read More

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay Ardayda maanta usoo gabagaboobay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare (Fasalka 12aad). Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuuro Mustaf Mukhtaar oo soo xirtay Imtixaanka Dugsiyada sare ee dalka ayaa sidoo kale u mahadceliyay Dhammaan howlwadeennadii & Hay’adaha amniga ee nabadgalyada xoogga saaray. Goobaha lagu galay Imtixaanka oo dhan ayay sheegtay in ay ka shaqeeyeen nabadgalyadooda Ciidamada Booliiska isla markaana Ardayda u fududeeyay in ay xitaa Gaadiidkooda ku geeyaan goobaha loo qorsheeyay in ay Imtixaanka ku galaan maadaama meelaha qaar uu saameeyay Roobka sida ay hadalka…

Read More

Faysal Rooble oo kamid ah Guddiga Difaaca Madaxbannaanida Soomaaliya ee uu magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Dowladda Itoobiya usoo jeediyay in ay joojiso Faragelinta ay ku hayaso Dalka. Rooble ayaa sheegay in Itoobiya looga baahan yahay in ay xushmeyso ama ilaaliso derisnimada sidaas awgeed aan laga doonayn in ay meel iska dhigto xeerarka Caalamiga ah ee kahor imaanaya tallaabooyinka gurracan ay qaadayso. Waxa uu sheegay in Soomaaliya aanay gacmaha ka laaban doonin haddii xadgudubka Itoobiya ee xarga-goosadka ah sii kordha taasina waajib ku tahay in ay sameyso difaaca Dalka iyo Dadka sida uu hadalka u dhigay Faysal Rooble. “Itoobiya…

Read More

Ciyaaryahanka xulka qaranka Jarmalka iyo kooxda kubadda Cagta Bayern Munich Jamal Musiala ayaa faah-faahin ka bixiyay sababta uu u xirtay nambarka 10aad ee xulkaas isaga oo xusuus waqti dheer ah galay intii uu sharaxaadda uu ka bixinayay. Jamal ayaa sheegay in tan iyo yaraantiisa uu jeclaa xirashada nambarkaas isaga oo si gaar ah u tilmaamay in uu ku xusuusto halyeeyo waa weyn oo kubadda cagta soo dheelay sidaas awgeed uu ku jeclaaday xirashada nambarkaas buuxa ee 10aad. “Nambarka 10aad waxa aan jeclaa ilaa yaraanteydii oo waa riyadeyda hadda rumowday, waxaa xirtay oo lagu xusuustaa Halyeeyo badan oo laga soo billaabo…

Read More

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump oo mar kale u sharaxan inuu ku soo laabto kursiga ayaa soo laabashadiisa ay walaac badan ku haysaa soo galooti badan oo ay ku jiraan Soomaalida darbiga ka boodday iyo kuwa hadda ku wajahan. In ka badan 6.3 Milyan oo qof oo muhaajiriin sharci daro ah oo ka gudbay xadka ayaa la xiray muddada uu xilka hayo Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden. Bishii 12aad ee sanadkii aynu soo dhaafnay 2023 ayaa jabisay rikoorkii Billaha ahaa ee ugu badnaa, dadka ka gudbaya xadka ee ay la kulmaan ciidamada ilaalada xuduudaha, taasi oo gaartay 250,000 qof. Sanadkii…

Read More

Kadib kulamo xiiso leh oo la ciyaaray kulamadii wareega Group-yada waxa la isku diyaarinayaa kulamada wareega 16-ka. 16 Xul ayaa iska xaadiriyay wareega xiga ee tartanka Euro 2024. Xulalka Hungary, Scotland, Croatia, Albania, Serbia, Ukraine & Poland ayaa ku laabtay Guryohoodii kadib markii ay ka hadheen tartanka. Kadib markii la soo saaray isku aadka wareega 16-ka euro 2024, Supercomputer ayaa saadaaliyay xulka ku guulaysan doona euro 2024. Supercomputer ayaa xulka England siiyay fursada ugu fiican ee ku guulaysiga euro 2024 iyaga oo helay 20% fursad ay ugu guulaysan karaan tartanka. Waxa ku xiga xulka Spain oo haysta 17.2% fursad ay…

Read More