Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka. Shirkaan ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taageerayo kobaca dhaqaale ee dalka, isaga oo ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi waara. Sidoo kale, Shirkaan ayaa fursad siinayaa hoggaamiyaasha dhaqaalaha iyo ganacsatada, si ay uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah, iyadoo lagu dardargelinayo maalgashi iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya. ”Hormarinta karaanka Bulshada waa udub dhexaad in aan xoogga saarnaa, siiba dhallinyarada…
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta labaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS. Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar. Kulanka ayaa ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) uu dhaariyay, wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Marwo Xanaan Cabdicasiis Barre. Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Diinta iyo Awqaafta ee Golaha Shacabka, ayaa Golaha faahfaahin…
Doorashada bisha soo socota la filayo in ay ka dhacdo Deegaannada Maamulka Somaliland waxaa kursiga Madaxweynaha ku loolamaya Saddex musharrax kala ah Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro & Faysal Cali Waraabe. Saddexdaan musharrax ayaa sidaan oo kale ku loolamay doorashadii dhacday sanadkii 2017kii, musharraxa metalaya Xisbiga Waddani ayaa culeys badan saaray kan Xisbul-xaakimka ee Kulmiye si dirqi ahna uga guuleystay. Marka kale ayay doorasho loolalnkeeda wadata isku arkayaan Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro & Faysal Cali Waraabe, dhinac weliba waxa uu af qabsi ka dhigtay in Maamulka Somaliland uu u jiheynayo dhabbaha toosan. Musharrax weliba waxa…
Dagaalka ka socda Suudaan ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo milateriga Suudaan ay duqeyn cirka ah ku qaadeen suuq ku yaal caasimadda Khartoum. Weerarkaas ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 23 qof, waxaana dhaawacmay in ka badan 40 qof, sida ay sheegtay shabakadda Southern Belt ee gurmadka. Dagaalka ayaa si gaar ah uga socda agagaarka suuqan, oo ku dhow xero ay ku sugan yihiin ciidamada Rapid Support Forces (RSF), kuwaas oo la dagaallamaya milateriga. Dagaalka oo socda tan iyo jimcihii ayaa noday mid xoogga, iyadoo RSF ay haystaan inta badan Khartoum, halka milaterigu ay weli wadaan duqeyn. Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay…
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa Aqalka Martida ee Kismaayo ku qaabilay sii hayaha Ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyo wafdi uu hoggaaminayo. Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, arrimaha doorashooyinka, iyo amniga. James Swan ayaa dhageystay warbixinta Madaxweynaha Jubbaland ku saabsan xaaladda maamulka iyo shirkii golaha wadatashiga qaran ee ka socday magaalada Muqdisho. Kulanka dhexmaray Axmed Madoobe iyo James Swan waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday howlgalka ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia) ee Soomaaliya, kaas oo muhiim u ah nabad-gelyada iyo…
Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo laga mamnuucay Diyaaradaha aan Duulliyaha wadin (Drones).
War kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay diyaaradaha aan duulliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan in loo dhaweeyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa lagu sheegtay in fogaan dhan 5 Cabirka dhinaca hawada ah ee afka qalaad lagu dhaho Nautical Mile oo dhan weliba ah in aanay loogu soo dhaweyn karin Diyaaradahaas Drones-ka ah. Hay’addu waxa ay sheegtay in marka laga reebo Diyaarado Bilaa Duulliye ah oo ka diiwaangashan ama ka warqabto Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed sida lagu yiri qoraalkaan oo faafinta rasmiga ah maanta la geliyay. Isticmaalka diyaaradaha…
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta la unkay Calan Soomaaliyeed oo ku beegan berri oo ay taariikhdu tahay 12-ka Oktoobar. Naqshada Calanka Soomaaliyeed waxaa curiyay Allaha u naxariisto halgamaa Maxamed Cawaalle Liibaan waxaana la go’aamiyay 12-kii Oktoobar 1954-tii. Sida dad badan ay taariikhda ku haayaan gumeystihii waqtigaas ayaa dood badan ka keenay nooca Calanka iyadoo uu kaga adkaaday Maxamed Cawaalle oo sidaas ku galay quluubta dadka Soomaaliyeed. Muwaadiniin badan ayaa god ugu jiro difaaca Calanka Soomaaliyeed halka kuwa kale ay u naafoobeen, welina waxaa jira halgamayaal kale oo hardan ugu jiro…
Aqriso:- Dowladda Hirshabelle oo magacaawday Xoghayaha Dowladda Hoose ee Magaalada Baladweyne.
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Danjire Wang Yu, safiirka Shiinaha ee u fadhiya Safaaradda Muqdisho. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga dhaqaalaha, amniga, iyo arrimaha siyaasadda. Safiirka ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Sidoo kale, wasiirka ayaa uga mahad celiyay dowladda shacabka Shiinaha dadaalada ay ku garab taagan yihiin Soomaaliya. Safiirka ayaa sidoo kale xusay in maanta ay tahay sannad guuradii 10-aad ee furitaanka safaaradda Shiinaha, wuxuuna ugu hambalyeeyay Wasiirka iyo shacabka Soomaaliyeed Maalinta Calanka.
Qoraal kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale, ayaa shaqada looga Guddoomiyaha degmada Hodan Cali Axmed Faarax ,kaddib markii la sheegay in uu gabay shaqadiisa, Maamulka gobolka ayaa sidoo kale mushaarka bishaan laga joojiyay dhammaan xubnaha maamulka degmada “Konsolka degmada” iyadoo la sheegay in dhamaan konsolka oo ah maamulka degmada loo furi doono Tababar maamul. Sida xogta ku helnay xubno ka socday maamuka gobolka Banaadir oo kormeer ku tagay xarunta degmada ayaa halkaasi tagay iyada oo aysan furneen hal xafiis oo kamid ah xafiisyada kala duwan ee maamulka degmada.