Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wadahal ku saabsan xiriirka labo dhinaclaha ah kula yeeshay Bagdaad dhiggiisa Aljeeriya Baghdad, 16 May, 2025 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah kulan-doceed kula yeeshay Magaalada Bagdaad oo lagu wado in maalinta beri oo Sabti ah, 17 May uu ka furmo Shir-madaxeedka Carbeed ee ay martigelinayso Jamhuuriyadda Ciraaq, dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Jaaliyadaha Qaran ee Dibadda iyo Arrimaha Afrika ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Shacbiga Aljeeriya, Mudane Ahmed Attaf. Intii lagu guda-jiray kulanka, Wasiir Attaf waxa uu ugu hambalyeeyay dhiggiisa Soomaaliya xilka loo magacaabay dhowaan,…
Waxaa Hadda Guddaha Magaladda Beledweyn Lagu Dilay Gabar Ganacsato ah Waxana Dilkaas geeystay Askari Nabad-sugidda ah AUN marxuumadda La dilay Ayaa “Shaah ku Karin jirtay Xeradda Daraawiishta Beledweyne Waxeeyna Halkaas “Masaruuf, ugga Raadin jirtay Qooys ay Hooyo Iyo Aabe u Aheeyd (Caruur Agoon ah). INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN.
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska munasaabadda halgankii gobanimodoonka ee SYL awgeed ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabadda qiimaha badan ee 15-ka May, isaga oo ku bogaadiyay kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan horumarinta dalka iyo halganka lagu ciribtirayo Khawaarijta. Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka, isaga oo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyey in ay…
Magaalada Burco waxaa maanta ka socda bannaanbax Xoogan oo lagaga soo horjeedo Maxaabiis la sheegay in la sii danaynayo 18 may kuwaas Maalmihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu qorayay balse aanay xukumadu Cadayn. Dhalinyaradan banaanbaxaya ayaa sidoo kale ku doodan hadii Faysal Cabdi Bootaan iyo Ciidan kale xidhan yihiin in aan la sii dayn Maxabiista xidhan ee laga soo qabtay Beriga Sool Wakhtigii dagaalka. Bannaanbaxan ayaa sababay burburka gaadiid dawladeed iyo khasaare kale oo ka dhashay Mudaharaadkan
Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood oo keliya, Mudane Xasan Sh Maxamuud, maanta waxaa u buuxsantey 3 sano mudo xileedkiisa taasoo ahayd Saddexdii sano ee ugu qalalaasaha badnayd siyaasadda, amaanka iyo dhaqaalaha Soomaaliya. marka la barbar dhigo intii laga baxay xaalada KMG ah ee Dawladnimada Soomaaliya. Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ku faanay waxqabad ay kamid tahay dayn cafinta, qaadista cunaqabataynta hubka iyo qodobo kale haddana waxaa dul hoganaya mowjado ceebo ah oo Dawladanimada Soomaaliya u dhutin doono tobanaan sano oo danbe kuwaasoo ay ugu horeeyaan. 1. Hubkii ugu badnaa oo…
Dowladda Hindiya ayaa si adag u diiday magac-beddelkii ugu dambeeyay ee Shiinuhu ku sameeyay 27 meelood oo ku yaalla gobolka Arunachal Pradesh, oo ah deegaan ay Hindiya sheegato inuu si buuxda uga mid yahay dhulkeeda. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa ku tilmaamtay tallaabadaas “mid aan waxba ka jirin oo laga garan la’yahay xaqiiqda dhabta ah.” Hindiya waxay caddeysay in gobolka Arunachal Pradesh yahay qayb ka mid ah dalkeeda, isla markaana aysan magac-beddello waxba ka beddeli karin xaqiiqadaas. Shiinaha wuxuu gobolkaas ugu yeeraa “Zangnan” wuxuuna ku doodayaa inuu yahay qayb ka mid ah koonfurta Tibet, balse tani waxay noqonaysaa…
Masar oo sheegtay in ay wajahday dhaqaale xumo daran oo ka dhashay xirnaanta Badda Cas Masar ayaa sheegtay in dakhkigii ka soo gali jiray Marinka Suez Canal uu ku yimid hoos-u-dhac ka badan 60%, una dhiganta khasaare dhan bishii $800 oo milyan USD. Masar ayaa hadda biloowday qiimo-dhimis dhan 15% si ay kor ugu qaado dakhliga marinka. Yaman ayaa Badda Cas ka xirtay maraakiibta xiriirka la leh Is^raa’iil iyo kuwa xammuulka u sidaba, go’doominta la go’doomiyey shacabka reer Qasa darti. Yaman oo ah dalka dunida muslinka iyo waliba adduunka oo dhan ugu faqiirsan ayaa ah waddanka kaliya ee garabtaagan, kana…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya oo ay hirgelintiisa Soomaaliya ka taageereyso Dowladda Talyaaniga. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay mid horumarineed oo ku saleysan qorshaha Qaran ee dowladda, isla markaana uu wax weyn ka tari doono tayeynta adeegyada aasaasiga ah iyo horumarinta deegaannada laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta. Intii uu kulanka socday, waxa uu guddigu ansixiyay saddexdii mashruuc ee ugu horreyey ee hoos yimaada barnaamijka TPSS – kuwaas oo dhammaantood diiradda saaraya xoojinta…
Qarax Nuuca miinada Dhulka lagu Aaso Naxoogan ayaa goordhow kadhacday, xaafada holwadaag ee Magaaladda beledweyn waxaana ku dhaawacmay Sidda Lasoo Wariyey Hal Askari. Qaraxaan miinadda ah Ayaa la shegay in lagelshay Waddada dheer ee Bacaaddaha, Xaafadda Howl-wadaag ee Beledweyne
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa shir gudoomiyey kulanka Maamulka Gobolka Hiiraan heer gobal iyo heer degmo oo aay ka soo qeeyb’galeen masuuliyiinta heerarka kala Duwan ee Degmooyinka BELEDWEYNE, MAXAAS, MATABAAN , MOQOKORI, FARLIBAAX, JAWIIL, IYO D/FEER-FEER SOOMALIA, Ugu horeeyn gudoomiyaha gobalka hiiraan oo ku maqnaa safar shaqo ee la xeriiro xaaladaha Coladeed ee ka dhacay deegaano ka’tirsan Degmada Matabaan ee gobalka hiiraan mudo Toban iyo afar Maalmood (14) maalmood , ayaa Maamulka Gobolka Hiiraan siiyey warbixino la xeriiro dadaalada nabadeed ee dhaqan galay asigoo xusay in la sameeyey xabad joojin dadaalo Lagu abuuray jawi wadagal ayadoo hay’addaha Amniga…
