Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
DEG-DEG: Hoggaanka Koonfur Galbeed Oo Go’aan Ka Gaaray Xiisadda — Is-afgarad Lagu Dhammeynayo Khilaafka Warar deg-deg ah oo laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in shir xasaasi ah oo ka socday Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya lagu gaaray go’aan muhiim ah oo la xiriira xallinta xiisadda siyaasadeed iyo militari ee ka taagan gobolka. Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in: “Hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed ay isku raaceen in xaaladda lagu dhammeeyo is-afgarad iyo wada-hadal, si looga fogaado isku dhac hor leh.” Hoggaanka Oo Baneynaya Talada Xoga hal dhinac ah oo la helayo waxay muujinayaan in hoggaanka maamulka, oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha…
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in si rasmi ah loo furay waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, ka dib markii awood millatari ay kula wareegeen gacan ku haynta waddadaasi, kadib hawlgallo amni oo maalmahan ka socday jiidka. Ciidamada ayaa sidoo kale gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo saraakiisha amniga ay ka wadaan hawlgallo lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo badqabka guud ee magaalada. Boqolaal ka mid ah shacabka Baydhabo iyo deegaannada ku xeeran ayaa si diirran usoo dhaweeyay Ciidamada Qaranka, iyagoo muujiyay farxadda ay ka qabaan furitaanka waddada muhiimka ah ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, taas oo sahleysa isu…
Ciidamada federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidamo kale oo la baxay badbaada Koonfur galbeed ayaa la wareegay qaybo badan oo ka tirsan magaada Baydhabo. Taliyeyaal ciidan oo ka tirsan kuwa federaalka ayaa muuqaallo iskaga soo dhex duubay iyagoo dhex lugaynaya xaafada iyo goobaha ay ka saareen ciidamada daacadda u ah madaxweyne Laftagareen. Madaxweyne Laftagareen ayaa weli jooga madaxtooyada oo ay ilaalinayaan ciidamada nabaad ilaalinta ee Ethiopia iyo kuwa Koonfur galbeed. Waxa muuqatada in ciidamada fedeaalku horumar ka gaadheen dagaalka maanta dhacay oo dhawr aag ka socday. Ilaa hadda ma muuqato wax waan waan ah oo dhinacyada Baydhabo ku dagaallamaya…
Dagaal xooggan ayaa goordhow ka qarxay duleedka magaalada Baydhabo, iyadoo hubka culus ee la isu adeegsanayo laga maqlayo gudaha magaalada iyo banaankeeda. Dagaalkan ayaa kusoo aaday iyadoo kulan uu haatan uga socdo madaxtooyada Muqdisho madaxweyne Xasan iyo wakiilada beesha caalamka oo ku saabsan xal u helista xiisadda Baydhabo. Ciidanka Huwanta ayaa sacadihii la soo dhaafay kulaalaayay magaalada Baydbabo. Wasiirka Dekadaha Soomaaliya Cabdulqadir Maxamed Nuur, ayaa shacabka Baydhabo ugu baaqay in ay ciidanka soo dhaweeyaan. “Shacabka Reer Baydhabo ha is dejiyaan caanaha wiilashiida ha u diyaariyaan, dulmigii lagu haayey maantuu ku egyahay inshalah” ayuu yiri. La soco wixii ka soo kordha.
DEG DEG: Magaaladda Baydhabo ee Xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed Waxaa hadda ka qarxay Dagaal u dhaxeeya Ciidamadda Koonfur Galbeed Iyo Ciidamadda Mucaaradka ee la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed Dagaalka ayaa ka bilowday dhinaca suuqa xoolaha Waxaana la maqlayaa rasaas aad xoogan Labadda dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan lama oga qasaaraha ka dhashay Dagaalka hadda socda Wixii ka soo kordha kala soco
Madaxweyne Hore Farmaajo ayaa u Hambalyeeyay Gudoonka Baarlamaanka KGs ee Maanta la doortay.! “Hambalyo Waxaan soo dhaweynayaa doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed Mudane Cali Siciid Fiqi iyo Kuxigeennadiisa oo maanta ka dhacday magaalada Baydhabo. Tallaabadan waxa ay muhiimad u leedahay in hay’addaha dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed ay helaan sharciyad ay ku gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah, maadama uu dhammaaday muddo xilleedkoodii hore ee loo doortay. Hambalyo guud ahaan xubnaha baarlamaanka 3aad ee Koonfur Galbeed iyo Guddoonkooda, waxaana u rajaynayaa in Alle uu u fududeeyo gudashada waajibaadkooda.
Maamuulka Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah u soo geba gebanaynaya doorashada maamuulkaas iyada oo sacaado ka hor la doortay guddoonkii Baarlaamanka cusub halka haddana la dooranayo madaxweynihii maamuulkaas. Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa la filayaa in uu kursigan mar labaad ku soo laabto isaga oo lahaa abaabulka doorashada hadda socota. Soo dedejinta doorashada ayaa salka ku haysa in laga hor tago duullaanka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku doonayo in uu dagaal ku qaado Baydhabo si uu meesha uga saaro Lafta Gareen. Xukuumadda Xasan Sheekh ayaa ku doodaya in uu lacag badan ku bixiyey arrimaha doorashada isla markaana aanu aqbali…
Siyaasadda casriga ah, hoggaamintu ma aha mid ku dhisan hal qof oo keliya, balse waa nidaam ku dhisan wada-tashi, isu-tanaasul iyo ka faa’iidaysi aragtiyo kala duwan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in madaxweynaha Xasan sheikh maxamuud uu muddo ku socday siyaasad u eg hal-ku-dhigga ah “Aniga ha i eedo”, taas oo si dadban u muujinaysa go’aan qaadasho ku urursan hal dhinac, iyadoo aan la siin mudnaan ku filan talo-wadaag iyo ka-qaybgal siyaasadeed oo ballaaran. Marka hoggaanku noqdo mid isku koobay awoodda iyo go’aamada, waxaa hoos u dhac ku yimaada kalsoonida saaxiibada siyaasadeed iyo xubnaha xisbiga. Taasi waa waxa…
Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa lagu Eedeeyay in ay siyaabo kala duwan ugu lug yeesheen Howlo Basaasnimo iyo Gabaadsiinta Xubno ka tirsan Argagixisada. Eedeysane Cabdisalaam Maxamed Xasan (Aamusane) ayaa si gaar ah loogu Eedeeyay Tan iyo 2014 Inuu Ka tirsanaa Qeybta Dhagaraha Argagaxisada, Gaar ahaan Basaasida Dilalka gaadmada iyo qeybta Qaraxyada. Waxa uu qabtay Shaqooyin ay ka mid yihiin Sahminta guryo Saraakiil daganaayen, Indho indheynta xarumaha Degmooyinka Xamar jajab iyo Xamarwayne, Gudbinta Xogo ku saabsan xarumaha lagu bixiyo ID ga NIRA Iyo Bixinta Macluumaadyo…
Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-Goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa soo dhaweeyay dedaallada lagu doonayo in lagu xaliyo xiisadda siyaasadeed ee ka jirta deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ee waxgaradku ay billaabeen. Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in xiisadda siyaasadeed u dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koofur Galbeed loo baahan yahay in wadahadal lagu xaliyo si looga hortago wax weliba oo kala qaybinta Bulshada abuuri kara. Waxa uu xusay in aanay awood sheegasho ama qori caaraddii lagu maamuli Karin siyaasadda sidaas awgeed loo baahan yahay in xoogga la saaro wadahadalka si meel loo wada dhigo waxyaabaha dhaliyay khilaafka sida uu…
