Author: radiohalgan.com

Ciidamo katirsan Militariga Burundi ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay Waddada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Jowhar iyo Magaaladaas xarunta u ah Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle. Taliyaha guud ee qaybta 5aad ee Saldhigga Diyaaradaha Jowhar Gaashaanle Sare Oscar Hatungimana ayaa hoggaaminayay howlgalkaan roondada ahaa oo ciidamadu ku mareen waddada isku xirta Garoonkaas ay ka degtaan Diyaaradaha iyo Magaaladaas. Waxaa howlgalka loogu magac daray “Badqabka isu socodka dadka iyo badeecadaha Magaalada Jowhar” waxa ay ciidamadu ku baareen hareeraha waddada si ay usoo saaraan haddii Miino halkaas la geliyay sida wararku sheegayaan. Ciidamada Burundi waxa…

Read More

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle gaar ahaan Deegaanka Waab Wayn oo hoostaga Degmada Maxaas ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Macawiisleyda iyo AS. Dagaalkaan ayaa yimid kaddib markii ciidamada Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen xubno katirsan ‘AS’ oo isaga kala gudbayay deegaanno hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan sida ay sheegeen saraakiisha howlgalkaan hoggaaminaysay. Khasaara dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkaas inkasta oo aan la baahin tiro sugan, Saraakiisha hoggaaminaysay ciidanka Deegaanka ee Macawiisleyda ayaa sheegay in ay ujeedkii howlgalkaan ay ka lahaayeen oo ah in ay beegsadaan xubnah ‘AS’ katirsan.…

Read More

Dibadbaxii Madasha Mucaaradka oo maanta ka dhici lahaa Muqdisho ayaa dib loo dhigay, kadib dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay hoggaamiyeen Imaamka, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo guddiyo isugu jiray xildhibaanno iyo odayaal dhaqameed kasoo jeeda beelaha Hawiye. Bannaanbaxa oo lagu waday in lagu qabto saddex goobood oo kala ah Siinaay, Tarabuunka iyo Deyniile, ayaa muddo 9 maalmood ah dib loo riixay, si farsamo ahaan loogu diyaariyo qabsoomiddiisa. Shir jaraa’id ay wadajir u qabteen guddiga dhexdhexaadinta iyo hoggaanka Madasha Samatabixinta Qaranka ayaa lagu shaaciyay in mucaaridku aqbaleen baaqa, isla markaana bannaanbaxa la qaban doono maalmaha soo socda, iyadoo dowladda looga fadhiyo…

Read More

Madaxweyne Xasan Sheekh oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu ula kulmi laha Donald Trump. Madaxweynaha Soamaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Saddex cisho ku sugan Magaaladda Washington ayaanay wali u suuro galin in uu la kulmo Madaxweyne Trump. Xasan Sheekh waxa uu ku jira dedaalo ay dabada ka riixayaan Erdugan iyo madax kale kuwaasi oo ku hawlan sidii uu u qabsoomi lahaa kulanka Trump iyo Xasan Sheekh. Dhanka Mareykanka ayaan wali wax war ahi kasoo bixin iyada oo uu Madaxweyne Xasan sheekh gaaf wareegayo Washinton Saddex maalmood. Madaxweyne Trump ayaa bilihii ugu dambeeyey cadaadis saaray Dawladda federaalka…

Read More

Mucaaridka Soomaaliya oo dib u dhigay bannaan bixi loo ballan salaan maalinta berri ah ee 27-ka bisha September. Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Mucaaridka Soomaaliya lagu qanciyey in ay dib u dhigaan bannaan baxyadii subaxda berri ah loo ballansanaa ka dib markii odayaal is xilqaamay ay u kala dab qaadeen dhinacyda Mucaaridka iyo xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud. Mucaaridka ayaa aqbalay in ay muddo dib u dhigaan bannaan baxyadan oo ahaa kuwo abaabulkoodu socday saacadihii la soo dhaafay, kaas oo ka dhashay xiisadda iska hor imaadkii ka dhacay Saldhiga degmada Wardhiigley ee magaalada. Kooxaha mucaaridka Soomaaliya oo uu…

Read More

Ciidamada Booliska ayaa goordhow xiray dhowr iyo toban xubnood oo ay ku jiraan Nabadoono ku heyb ah Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Nabadoonada iyo xubnaha la xiray ayaa shir ku lahaa Hotelka Lafweyn ee degmada Kaaraan, waxaana ciidamada Amniga ugu galeen xubnahaas Hotelka, kana xirxiray. Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa goordhow ka sheegay Hotelka Jazeera in Nabadoonada jufadiisa la xiray, isagana uu ka badbaaday isku day dil. Arrintan ayaa waxay sii hurineysaa xiisada ka taagan Muqdisho iyo bannaan baxyada mucaaradka qorsheynayaan oo ay dowladdu si weyn u diidan tahay.

Read More

War Degdeg ah: Madaxweynihii Hore Shariif Sheekh Axmed oo Ku Dhawaaqay Xaq Dastuuri ah oo Uu U Leeyahay Qabashada Banaanbax Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ku dhawaaqay in uu leeyahay xaq dastuuri ah oo u oggolaanaya in uu banaanbax nabadeed ku qabto magaalada Muqdisho. Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dastuurka dalka uu si cad u dammaanad qaaday xorriyadda hadalka iyo muujinta aragtida shacabka, isla markaana uu qorsheynayo in uu si nabad ah ugu muujiyo dareenka shacabka. Dhanka kale, siyaasiyiin ay ka mid yihiin: • Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame • Ra’iisul Wasaarihii hore Xassan Cali Kheyre…

Read More

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad , ayaa rasaas xooggan ku kala eryay dad shacab ah oo bannaanbax ka dhigayay magaalada Muqdisho, gaar ahaan aaragada degmada Dayniile. Dadka dibadbaxa dhigayay, ayaa si weyn uga soo horjeeday dhul boob la sheegay in xaafadahooda lala damacsan yahay, waxa ayna shacabka shalay ilaa maanta dhigayeen dibadbaxyo ay ku diidan yihiin in dhulkooda la boobo ama laga qaato lacago baad ah. Masuuliyiin katirsan maamulka degmada Dayniile iyo saraakiil ciidan oo u tagay shacabka dibadbaxa dhigaya , ayaa ku guuldareestay in dadka ku qanciyaan in ay kala…

Read More

Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Ambassador Richard Riley, ayna qeyb ka yihiin Taliyaha Hawlgalka Gaarka ah ee Africa , Major General Claude K. Tudor JR iyo Taliyaha Hawlgalka gaarka ah ee Bariga Africa Col. Benander. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada , Amniga, Siyaasadda iyo Horumarinta. Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay la dagaalanka Argagixisada iyadoo Maraykanku ku boggaadiyey Puntland Hawlgalada ciribtirka argagixisada ee ka socda Puntland, gaar ahaan guulaha laga gaaray Hawlgalka Calmiskaad ka socda. Inta ay…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Abdulkadir Maxamed Nuur, ayaa maanta magaalada Istanbul kulan kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Warshadaha iyo Teknoolajiyadda ee Jamhuuriyadda Türkiye, Mudane Mehmet Fatih Kacir. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada hal-abuurka, horumarinta teknoolojiyada casriga ah, iyo dhiirrigelinta dhallinyarada Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee Jamhuuriyadda Türkiye ku leedahay qaban-qaabada TEKNOFEST 2025, oo ah bandhigga ugu weyn caalamka ee duulista hawada, dayax-gacmeedyada iyo teknoolajiyada casriga ah. Wasiirku wuxuu xusay in iskaashigan uu gacan ka geysan doono horumarinta kaabeyaasha dekedaha iyo tayeynta adeegyada…

Read More