Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in kaalintii Madasha Beesha Caalamka ee C6+ ay hadda soo gebogabowday, iyada oo dowladda ay sheegtay in mas’uuliyadda hoggaaminta siyaasadda dalka ay si buuxda u leedahay. Waa maxay Madasha C6+? Madasha C6+ waxay ahayd hab iskaashi ah oo u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka, gaar ahaan daneeyayaasha waaweyn sida Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, Mareykanka, iyo UK. Madashan waxay kaalin muuqata ku lahayd taageerada dib u dhiska hay’adaha dowladda, horumarinta dimuqraadiyadda, iyo kormeerka geeddi-socodka siyaasadeed. Laakiin hadda, dowladda Soomaaliya waxay ku doodaysaa in dalka uu marayo marxalad cusub…
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Muungaab, ayaa seefta xil ka qaadista gasha kala baxay, waxa uuna xalay xilka ka qaaday guddoomiyaashii degmooyinka Dharkeenley iyo Waabari ee gobolka Banaadir. Sida aan xogta ku helnay guddoomiye Muungaab, ayaa sidoo kale qorsheenaya in uu xilka ka qaado guddoomiyaal kale oo degmo, kuwaa uu aaminsan yahay in aysan aragtidiisa ku shaqeyn karin, sidoo kale aysan la jaanqaadi karin nidaamka uu rabo in uu wax ku maamulo. Guddoomiyaasha degmooyinka qaarkood , ayaa hadda waxaa lasoo darsay cabsi ku aadan in xilka laga qaado, waxa ayna guddoomiyaashan bilaabeen in ay raadiyaan…
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay dib u soo celiso saddex kalluumeysato Soomaaliyeed oo la waayay tan iyo dhammaadkii sanadkii 2024-kii, xilli ay ku jireen hawl kalluumeysi ah xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis. Cabdullaahi Yuusuf Jaamac, Aweys Cabdi Sheekh (Aweys Qunjaaro), iyo Bile Maxamed Mustaf ayaa maanta si farxad leh uga soo dagay garoonka Aadan Cabdulle “Badda Liido ayaan ka baxnay, jihadii ayaa naga luntay markii aan 10 maalin socono waxaa naga go’ay cunnadii iyo biyihii, waxaan maalmo dhan cuneynay kalluun ceyriin ah iyo biyaha badda. waxaan maqneyn muddo 8 bilood…
“Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Dowladda iyo shacabka India, kadib shilkii naxdinta lahaa ee ku yimid diyaaradii Air India, waxyar kadib markii ay ka duushay magaalada Ahmedabad” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia. “Aad iyo aad ayaan uga xunahay dhacdadan foosha xun, waxaanan ku biirnay baroordiiqda dadkii ku dhintay. Fikirkeena iyo ducadeena waxay la garab taagan yihiin dhibanayaasha, qoysaskooda, iyo dhamaan inta ay saamaysay wakhtigan adag” ayaa sidoo kale lagu yiri War saxaafadeedka Waxaa kale lagu sheegay qoraalka in Soomaaliya ay garab taagan tahay Hindiya iyo dhammaan ummadaha…
Vishwash Kumar Ramesh, oo ka mid ahaa rakaabkii dayaaradda kuna fadhiyey kursiga lambarkiisu yahay 11A, oo qura ayaa ka badbaaday 242 qof ee saarnaa diyaaraddii maanta ku burburtey dalka India. Daqiiqado kadib markii boolisku shaaciyeen in dhamaan dadkii diyaaradda saarnaa oo tiradoodu lagu sheegey 242 ay dhinteen, waxaa la arkey isagoo burburkii diyaarada ka soo hoos baxaya, taas oo Vishwash Kumar Ramesh, ka dhigtay kan keliya ee badbaaday, waxaana arrintan si aad ah u hadal heysa guud ahaan Warbaahinta Caalamka. Ninkan ayaa qeybo ka mid ah jirkiisa waxaa soo gaaray dhaawacyo fududoo ka soo gaaray burburka dayuurada oo si lama…
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh oo maanta booqday Markabkii sahminayay Shidaalkii ay Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista shidaalka dalkeenna, kadib markii si rasmi ah loo soo gabagabeeyay sahanka shidaalkaa xeebaha Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay howl-wadeenada iyo bahda iskaashiga Turkiga dadaalladooda ku aaddan sahankan istiraatiijiga ah, isagoo muujiyey in natiijada baaristan ay wax weyn ka beddelayso xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashi ee Labada dal. “Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho. Dowladda iyo shacabka Turkiga mar walba waxa ay hormuud u yihiin tallaabooyinka muujinaya…
DEG-DEG:Dagaal xoogan oo hadda ka socda Ceel-hareeri ee Gobolka Hiiraan. Dagaal qaraar oo la isku adeegsanayo Madaafiic iyo rasaas xoogan ayaa hada kasocda magaalada Ceel-hareeri oo Maal Mahaan Isku Hor fadhiyeen Kooxda Khawarijta AS iyo Macawiisleeyda Beesha Xawaadle. Dagaalkaan oo socda ku dhowaad nus saac ayaa waxa uu u dhexeeyaa ciidamada Macawiisleeyda Beesha Xawaadle iyo Khawaariijta Naf lacaarigga As. Lama oga wali qasaaraha uu geeystay dagaalka madaama uu wali dagaalka socdo. Wixii ku soo kordha kala soco radiohalgan.com
Cali Jeyte Cismaan, gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan isla markaana ah hogaamiyaha ciidanka deegaanka ee Macawiisleey, ayaa si adag u beeniyay sheegashada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ku saabsaneyd in horjoogayaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada dowladda oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah. Isagoo la hadlayay ArlaadiMnetwork, Ali Jeyte wuxuu xaqiijiyay in horjoogayaasha Al-Shabaab lagu dilay weerar dhulka ah oo ay fuliyeen dadka deegaanka ee Macawiisleey, isagoo sheegay in dowladda ay iska indho tirayso kaalinta shacabka ee la dagaallanka argagixisada. Jeyte wuxuu ku eedeeyay dowladda in ay ku…
Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa kulamo ka wada magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, isaga oo la kulmay Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka. Axmed Madoobe ayaa dhinacyada kala hadlaya xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, xilli hore uu u sheegay in aysan raacsaneyn hannaanka ay Dowladda Federaalka u wado howlahaasi. Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli 15 Bishaan June loo balansanyahay gogosha wada tashiga qaran ee uu madaxwayne Xasan Shiikh isugu yeeray madaxdii hore ee dalka tasoo xubnaha mucaaradku ay diidanyihiin qaabka loo maaraynayo Gogosha Sidoo kale kulanka golaha wadatashiga qaranka ayaa dhicidoona…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in magaalada Los Angeles loo diro 2,000 oo askari oo ah Ciidanka Ilaalada Qaranka, si ay uga qeyb qaataan xakameynta rabshado ka dhacay halkaas kaddib markii ICE ay qaaday howlgal ballaaran oo lagu beegsanayay muhaajiriinta aan sharciga haysan. Rabshadahan ayaa ka bilaawday carada ka dhalatay xarigga dad badan oo Latin Ameerikaan ah ah oo lagu qabtay xaafadda Paramount ee magaalada Los Angeles . Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo ay sii xoogeysanayaan mudaharaadyo ay dhigayaan dadka deegaanka, kuwaasoo ka dhiidhinaya sida ICE u fulinayso howlgallada. Guddoomiyaha gobolka California, Gavin Newsom, iyo duqa magaalada Los…
