Author: radiohalgan.com

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Cabdi Maxamed Shiikh Xasan (Suulnuug) Abaandulihii Guutada 18-aad ee GorGor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Marxuumka Halyay u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isagoo xusay doorkii muhiimka ahaa uu ku lahaa ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah, taas oo tusaale wanaagsan u ah dadkaaga iyo dalkaaga oo aad naftaada u hurto. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun,…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland. Sharcigaan waxaa ansixiyey Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii maalmo ka hor uu khudbad xasaasi ah ka hor jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay wakiilada shacabka Soomaaliyeed ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed iyo madaxbannaanida dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in sharcigaan uu farriin adag u yahay…

Read More

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay heshiiskii badda ee Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo dhaliyay xiisad u dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa. Xildhibaan Odowaa ayaa runta u sheegay reer Somaliland, wuxuuna sheegay in waligeed ay iyaga difaaci jireen baddaasii, maadaama ay iyaga ku nool yihiin dhulkaasi, haddana laga rabo inay ilaashadaan, haddii ay garab istaag u baahan yihiina la taageeri doono. “Dadka deggan Somaliland dhulkaas iyaga waligood difaaci jiray annaga haddii aan nahay DFS ama dadka halkan deggan wax allaala waxa ay innooga baahan yihiin inaan la garab istaanaa la…

Read More

Barlamaanka Puntland oo ah kii lixaad ee ay maamulkaasi yeeshaan ayaa ku jira fadhiyadiisii caadiga ahaa, ka dib markii xildhibaannada cusub ay doorteen guddoonka golahaas afartii bishan Jannaayo. Mudanayaasha ku jira golahan wakiillada ayaa ku yimid xulista hannaanka qabaliga oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka ee Puntland. Muno Axmed Cabdalla ayaa noqotay haweeneyda keliya ee ku soo baxda barlamaanka haatan ee Puntland oo inta kale ay ka kooban yihiin rag. Sida caadiga ah, way ku yar yihiin haweenka baarlamaannada maamul-goboleedyada Soomaaliya, iyo guud ahaanba kan federaalka, marka loo barbardhigo tirada ragga. Baarlamaannadii ugu dambeeyay ee Puntland ayaa sidan kan oo…

Read More

Isu-duwaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Hiiraan mudane Ciiloow Joobane Cawaale oo bar Koontarolada Canshuurta gaadiidka looga qaado ee uu kulahaa Salaxjeere ee Duleedka ,ayoow  dagaal ka dhacay. Dagalkaas waxa sababay gaadiid ku xayirna Deegaanka Salax jeero oo diiday in Canshuurta bixiyaan hase ahaate waxana Isbaaradaas u tiil Ciiloow Joobane. Waxa halkaas ku wararay Ciidamada uu watay Cabdirashiid Cabdicasiis Tabliiq kana soo deeyay gadiidkii u xayirna Sida radiohalgan.com lo xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhawacmay inta la ogyahay. Dhanka kale Magaalada Beledweyne iyo Nawaaxiga  ayaa ah Isbaaro iyo Gaadiidka Xamuulka leska qabsado si beeleysan, Magaalada Beledweyne ayaa qarka u saran in eey…

Read More

Ka dib markii uu ku dhawaaqay Madaxweyne William Ruto in Kenya ay joojin doonto shuruudihii dal kugalka ee dadka booqanaya Kenya, dhammaan dadka soo gelaya ayaa hadda u baahan doona in ay dalbadaan oggolaanshaha safarka Elektaroonigga ah ee loo soo gaabiyo (ETA) si loo aqoonsado marka ay soo galayaan. ETA-da Kenya waa nidaam otomaatik ah kaas oo go’aaminaya in qofku uu soo geli karo ama soo booqan karo Kenya. Tilmaamo dhowr ah oo ku xusan gudaha bogga ETA, ayaa dhammaan booqdayaasha, oo ay ku jiraan carruurta waxa ay u baahan doonaan arrimahan sida ay sheegtay dawladda Kenya, kuwaasoo inta badan…

Read More

Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta toos usoo faragelisay xiisadda diblomaasiyasadeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ka dhalatay heshiiskii ay xukuumada Addis Ababa la gashay maamulka Somaliland Safiirka Riyad u jooga Muqdisho Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid oo la kulmay ra’iisul wasaare Xamza ayaa u caddeeyay mowqifka dowladdiisa, wuxuuna sheegay inay lama taabtaan tahay madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, ayna garab taagan yihiin. Dhankiisa ra’iisul wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa  dowladda Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay taageeradeeda iyo garab istaagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed iyo shacab ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Intaas kadib labad mas’uul ayaa…

Read More

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka iyo Al-Shabaab ku dhex-maray koonfurta gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmuudg. Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xoogiisa uu ka dhacay deegaanka Jeex-jeexa, halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu gaystay khasaare xoogleh oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Dadka ku dhintay dagaalkan waxaa kamid ah taliyihii guutada 18-aad ee ciidamada Gorgor, Cabdi Maxamed Suul-nuug, kaas oo hoggaaminayay dagaalka lagu qaaday Al-Shabaab. Ilo…

Read More

Jude Bellingham ayaa jabiya rikoodh La Liga ah mar walba oo uu lugta galiyo garoonka umana muuqdo mid joojinaya wakhti dhaw.Xiddiga 20 jirka ah ayaa dhaliyay 13 gool tan ilaa markii uu ku soo biiray Real Madrid waxana uu noqday xiddiga ugu goolasha badna La LigaXiddigii hore Gareth Bale oo 8 sano oo kooab ah ku qaatay Los Blancos ayaa haatanb talo u jeediyay Bellingham.Laakiin waxa ay u muuqataa in uu Bellingham dhaafay Bale.Bellingham ayaa ciyaarta soo galay sharabaad daloola kulankii horyaalka La Liga waana xiddigii ugu horeeyay ee sidaas sameeyay kulankii La Liga.

Read More