Close Menu
    What's Hot

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

      January 31, 2026

      Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

      January 31, 2026

      Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

      January 31, 2026

      Madaxdii Jigjiga booqatay oo isugu tagtay Shabeelley.

      January 31, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐–๐ž๐ž๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐ž๐ž ๐ˆ๐ข๐ซ๐š๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฅ๐š๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

      January 31, 2026

      Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

      January 31, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

      January 31, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home ยป Yaasir Carafaat: Israa’iil way i bahdishay, hadday doonayso inay i disho sidaa ha samayso (Dukumenti)

    Yaasir Carafaat: Israa’iil way i bahdishay, hadday doonayso inay i disho sidaa ha samayso (Dukumenti)

    By radiohalgan.comJanuary 16, 20247 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dukumiintiyo ay hayso Britain ayaa muujinaya in Britain ay ku baaqday in la sameeyo khad cas oo loogu talagalay xaqa ay Israaโ€™iil u leedahay in ay is difaacdo, iyo in la xakameeyo si looga hortago in ay sii kororto aargoosiga hawlgallada Falastiiniyiinta.

    Dukumentiyadan oo uu dhawaan daaha ka qaaday Raโ€™iisal Wasaaraha Britain, ayaa sidoo kale muujinaya wada hadallo caro leh oo dhex maray masโ€™uuliyiin reer Yurub ah iyo hoggaamiyihii Falastiin Yaasir Carafaat, kaas oo uu ku muujiyay dareenkiisa โ€œNiyad jabka ahโ€ ee Israaโ€™iil iyo inuu aaminsan yahay in aysan ku jirin cabsi ah in ay dilaan.

    Dukumeentiyadu waxay ka sheekeynayaan bishii Diseembar 2001-dii, oo markhaati ka ahaa dhaqdhaqaaqyo xooggan oo ay sameeyeen Javier Solana, Wakiilka Sare ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Amniga ee Midowga Yurub, iyo raโ€™iisul wasaarihii dowladda Ingiriiska, Tony Blair, si loo xakameeyo qulqulka dhiigga ee u dhexeeya Israa’iil iyo kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta.

    Kowdii bishaas, laba qof oo falastiiniyiin ah oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas ayaa isku qarxiyay xarun laga dukaameysto oo ku taal magaalada Quddus, halkaas oo ay ku dileen 10 qof 170 kalena ay ku dhaawacmeen. Maalintii xigtay, dhaqdhaqaaqyo kale oo ka tirsan xarakada ayaa qaaday weerar ismiidaamin ah. Bas ku socday magaalada Haifa, ayaa lagu dilay 15 qof, 40 kalana waa lagu dhaawacay, taasoo jawaab u ah dilka ciidammada Israaโ€™iil ay u geysteen xubin ka tirsan Xamaas toddobaad ka hor xilligaas

    Xaalad ‘aad u khatar badan’

    Lix bilood ka hor, bishii June, weerar ismiidaamin ah ayaa ka dhacay goob lagu caweeyo oo ku taal Tel Aviv, halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 20 Israa’iiliyiin ah.

    Israaโ€™iil ayaa kordhisay howlgalkeeda aargoosiga ah ee ay ku haysay Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa iyo maamulka Falastiin ee uu hoggaaminayay Yaasir Carafaat.

    3-dii bishii Disembar 2001-dii, Solana waxa uu ilaa saddex mar wadahadal taleefan ah la yeeshay hoggaamiyihii Falastiin.

    Maalintii xigtay, Solana wuxuu u sheegay Blair in Abuu Cammaar uu “aad u niyad jabsan yahay.” Waxaa laga soo xigtay inuu yiri “ma sameyn karo wax ka badan wixii aan horey u sameeyay” kadibna wuxuu raaciyay “Haddii Israa’iiliyiintu ay rabaan inay dilaan isaga, sidaas uun ha ahaato.”

    Qiimaynta sarkaalka reer Yurub ayaa ahayd in xaaladdu ay tahay “mid aad khatar u ah”, wuxuuna ku dhaleeceeyay “Maraykanka oo aan doonayn in uu si dhab ah u galo” dadaallada, wuxuuna ka digay inay weydo”qaab ay wax ku maareeyaan.”

    Blair oo hadalkiisa sii wata ayaa ku tilmaamay xaaladda mid aad u xun. Waxa uu muujiyay sida uu u aaminsan yahay in Israaโ€™iiliyiintu ay โ€œsi adag uga aargoosanayaan oo ay ku dambayn doonaan in ay dilaan dad badanโ€.

    Ra’iisul Wasaaraha Britain wuxuu aaminsanaa in dariiqa kaliya ee loo mari karo ay tahay “in labada dhinac waa Israa’iil iyo Falastiin, ay qaadaan tillaabooyin amni oo horay loo sii qorsheeyay,” marka xaaladduna ay degto, geeddi socod wada xaajoodna uu bilaaban doono.

    Dhanka Falastiin, Blair wuxuu ku baaqay baahida loo qabo in Carafaat uu โ€œxiro xagjiriinta,” taa beddelkeeda, Israa’iiliyiintu ay qaadaan “tallaabooyin barbar socda,” isagoo ka digaya in arrintani la’aanteed “waxyaabo badan ay si dhakhso ah uga sii dari karaan.”

    Sarkaalka Yurub ayaa ku wargeliyay Blair in uu kula taliyay Carafaat inuu qaado tallaabadan ” isla markiiba kadib dhacdooyinkii 11-kii Sebtembar ee Maraykanka, isagoo aaminsan in tani ay tahay “fursad dahabi ah” oo hortaalla hoggaamiyaha Falastiiniyiinta.

    David Manning, oo ah lataliyaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Blair, horena u ahaan jiray safiirkii Ingiriiska ee Israa’iil, ayaa soo dhexgalay, isagoo muujiyay sida uu u aaminsan yahay in “maalmihii Carafaat ay ahaayeen kuwo tirsan.”

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qeexay in beddelka guusha lagu xoojinayo mowqifka Carafat, looga baahan yahay “inuu qaado tallaabooyin dhab ah oo ku saabsan ammaanka,” isaga oo tixraacaya baahida loo qabo in la xaqiijiyo joojinta dhaqdhaqaaqyada iska caabinta Falastiiniyiinta ee khatarta ku ah ammaanka Israa’iil.

    Blair ayaa Carafaat Waxa uu u sheegay in aragtida Maraykanku ay tahay in hoggaamiyaha Falastiin “uusan qaban hawshii isaga looga baahnaa.” In Carafaat uusan “maamulin” xaaladda dhulka Falastiin. ” Waxa uu intaa ku daray in haddii Carafaat uu gacanta ku hayo maamulka, “Ay is waydiiyeen sababta uu wax uga qaban waayay xagjiriinta.”

    Blair ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay: Waxaa loo baahan yahay in Carafaat lagu qasbo in uu qaado tallaabooyin adag oo dhinaca dhanka amniga ah, taasoo fariin cad diraysa iyo in uu isbedel ku sameeyo mowqifkiisa. Blair waxa uu filayey in qorshahan dhinaca Carafaat uu gaari doono saddex yool: jawaabta Maraykanka, xakamaynta Ariel Sharon si looga hortago aargoosi, iyo in uu gacan ka geysto in la abuuro qol wadahadal, iyada oo ujeedadu tahay in la xaliyo arrinta Falastiin.

    Xoghayihii arrimaha dibadda ee Maraykanka Colin Powell ayaa dhaleeceeyay jiritaanka xiriirka ka dhexeeya Carafaat iyo ururrada Falastiin, oo Washington ay u aragto argagixiso, isagoo sheegay in hoggaamiyaha Falastiin “uu muddo isku xirayay xarko dhaadheer.” Sida uu Solana u sheegay Ingiriiska, “Haddii Carafat uusan hadda tallaabo ka qaadin kaabayaasha kooxaha argagixisada, Mareykanku ma lumin doono waqtigiisa raadinta xal kale.”

    Si kastaba ha ahaatee, sarkaalka reer Yurub ayaa dhaleeceeyay mowqifka Mareykanka.

    Warbixin ku saabsan kulanka Blair iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain, Levy wuxuu ku sheegay in Solana uu dhaleeceyay “hadallada yaabka leh” ee uu soo saaray Aqalka Cad “oo lagu taageerayo xuquuqda Israa’iil ee is difaaca. Wuxuu leeyahay barakada Bush.” Solana ayaa ku tilmaamay habka Maraykanka mid “aan caddayn”, taas oo “ku adkaysay Midowga Yurub inuu qaado tallaabo kasta.”

    Solana waxa uu Levy u gudbiyay qaar ka mid ah waxyaabihii dhex maray isaga iyo Carafaat intii ay ku wada hadleen khadka telefoonka. Wuxuu sheegay in Abuu Cammaar ” uu dareemay bahdilaad kadib burburka diyaarada uu la socday .”

    Carafaat ayaa u sheegay Solana in uu aaminsan yahay in noloshiisu ay ku xiran tahay qaddar.

    “Dhiirigelinta” maamulka Falastiin

    Wadahadallada Levy iyo Solana waxay taabteen mawqifka Israaโ€™iil ee maamulka Falastiin. Dowladda Sharon waxay u tixgelisay Maamulka “mid taageera argagixisada.” Solana waxa uu rumaysnaa in ku guuldaraysiga Israaโ€™iil ee ah in ay u tixgeliso Hayโ€™adda in ay tahay urur argagixiso โ€œay u ogolaatay in ay ilaaliso khadka soo laabashada si ay ugu soo noqoto wada xaajoodka, haddii Maamulka uu soo afjaro rabshadaha.

    Lord wuxuu codsaday in Midowga Yurub ay soo diraan calaamad cad oo ah in maamulka Falastiiniyiinta uu yahay “sharci,” iyo in maamulka Falastiiniyiinta ee xooggan “ay cid walba dan u tahay.”

    Ergeyga Ingiriiska ayaa si cad u dhaleeceeyay General Anthony Zinni, ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan nabada Bariga Dhexe, sababtoo ah “si sax ah uma muujinin in ay suuragal tahay wadahadal uu la yeesho Falastiiniyiinta.”

    Wuxuu muujiyay sida uu u aaminsan yahay in maamulka Bush uu soo afjaro heerka ay gaari karto jawaabta Israaโ€™iil ee howlgallada Falastiin.

    Solana ayaa ku jawaabay in “la’aanta caddaynta ku saabsan habka Maraykanku ay si cad walaac ugu abuuri karto.”

    Horraantii Febraayo 2005-tii, Sharon iyo Maxamuud Cabbaas, Madaxweynaha Maamulka Falastiin, waxay ku kulmeen dhexdhexaadinta Masar iyo joogitaanka Boqorka Urdun ee Sharm El-Sheikh si loo soo afjaro rabshadaha, taas oo keentay, sida lagu qiyaaso, dilka ilaa 4,400 iyo dhaawaca ku dhawaad 48,500 falastiiniyiin ah, iyo dilka ilaa 1,100 askari oo Israโ€™iil ah. Nin Yuhuudi ah oo la degay iyo 4,500 oo kale ayaa ku dhaawacmay. Ilaa 64 ajaanib ah ayaa sidoo kale la dilay.

    Intii uu socday kacdoonka Israaโ€™iiliyiintu waxa ay dileen Sheekh Axmed Yaasiin oo ahaa aasaasihii ururka Xamaas, dhaxal suge Cabdil Casiis Rantiisi iyo Abu Cali Mustafa oo ahaa xoghayihii guud ee Jabhadda caanka ah ee xoreynta Falastiin.

    Ciidanka Israaโ€™iil waxa ay sidoo kale xireen, welina u xiran, Marwan Barghouti, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha caanka ah ee dhaqdhaqaaqa Fatah, iyo Axmed Saadat. Jabhadda ayaa sidoo kale dishay Rehavam Zeevi, wasiirkii dalxiiska ee Israaโ€™iil.

    BBC SOMALI XIGASHO

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.