Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

    May 21, 2025

    DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

    May 21, 2025

    Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

    May 20, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

      May 21, 2025

      DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

      May 21, 2025

      Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

      May 20, 2025

      DEG DEG: Madaxweyne Deni oo gaaray Addis Ababa ee dalka Ethiopia

      May 20, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo dagaalka AS kala hadlay dhigiisa dalka Ciraaq

      May 18, 2025

      Weeraro aay fuliyeen ciidammadda Ruushka oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira

      May 17, 2025

      Maxay Soomaaliya ka baran kartaa Ciraaq oo ay isku xaalad iyo dagaal sokeeye soo wada mareen?

      May 17, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

      May 21, 2025

      DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

      May 21, 2025

      Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

      May 20, 2025

      DEG DEG: Madaxweyne Deni oo gaaray Addis Ababa ee dalka Ethiopia

      May 20, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Xog: Abiy oo diiday qorshe Mareykanka iyo UK ka yimid oo la xiriira heshiiska badda

    Xog: Abiy oo diiday qorshe Mareykanka iyo UK ka yimid oo la xiriira heshiiska badda

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 16, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Waxaa Arbacadii magaalada Addis Ababa ka furmay shirkii 44-aad ee golaha fulinta Midowga Afrika, kaasi oo ay kasoo qeyb galeen wasiirada arrimaha dibada, diblomaasiyiinta caalamka iyo xubno kale oo lagu casuumay.

    Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale uu gogol xaar u yahay shirweynaha madaxda Afrika oo dhawaan ka furmi doono Addis-Ababa, iyadoo shirkan uu barbar socday xal nabadeed oo lagu doonayay in la isugu soo dhoweeyo dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, oo uu kala fogeeyay muranka ka dhashay xadgudubka Itoobiya ay ku dooneyso inay dhul ka hesho xeebaha gobollada Waqooyi.

    Wakiilo ka socday dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa sameeyay dadaallo lagu doonayay in la isugu soo dhoweeyo Soomaaliai iyo Itoobiya, waxaana wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), oo ah wasiiru dowlaha arrimaha dibedda uu la kulmay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee, wakiilada Ingiriiska iyo Midowga Yurub iyagoo ka wada hadlay sidii wada hadal looga furi lahaa khilaafka kasoo cusboonaaday gobolka, gaar ahaan damaca Itoobiya.

    Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee iyo wakiilada dalalka kale ee Ingiriiska iyo Midowga Yurrub ayaa markii ay la kulmeen kadib u gudbay xafiiska Abiy Ahmed, halkaasi oo wada-hadal ay kula yeesheen.

    Abiy Ahmed ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay ka wada hadleen arrimaha gobolka iyo ammaanka, hase ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in Abiy Ahmed uu diiday dalab ay dowladdaha Mareykanka iyo Ingiriiska hordhigeen oo dhigay inuu ka laabto heshiiska sharci darada ah ee Somaliland uu la saxiixday, iyadoo Mareykanka iyo Ingiriiska ay u caddeeyeen in heshiiskaasi uusan sharci aheyn, isla markaana abuurayo xasillooni darro gobolka ka dhalata.

    Sida aan xog ku helnay, Abiy wuxuu u sheegay wakiilada Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub in Itoobiya aysan gorgortan xilligaan u taagneyn inay ka gasho helitaanka qeyb ka mid ah Badda Cas.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu ka qeyb galo shir weynaha golaha Midowga Afrika oo madaxdooda ay ku kulmayaan Addis Ababa.

    Itoobiya waxay horay qoraallo ay u dirtay Golaha Amaanka, Mareykanka Ingiriiska iyo Midowga Yurub, waxayna ku cadeysay inaysan gorgortan ka galeyn sidii ay u heli laheyd marin biyood oo badda cas ah, taasoo sii kala fogeyneysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

    Soomaaliya ayaa horey shuruud uga dhigtay wada-hadal ay la gasho Itoobiya in marka hore Addis-Ababa ay ka laabato heshiis beenaadka, taasi oo hadda ay muuqato in Abiy aanu diyaar u aheyn.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

    May 21, 2025

    DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

    May 21, 2025

    Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

    May 20, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

    May 21, 2025

    DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

    May 21, 2025

    Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

    May 20, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.