Close Menu
    What's Hot

    DEG DEG: Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ayaa laga hor istaagay inu galo garoonka diyaaradaha

    February 12, 2026

    DEG DEG: Rooble ahna Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka ayaa loo diiday in uu galo xerada Xalane oo

    February 12, 2026

    Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku qaabilay Madaxtooyadda Villa Somalia wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska.

    February 12, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG: Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ayaa laga hor istaagay inu galo garoonka diyaaradaha

      February 12, 2026

      DEG DEG: Rooble ahna Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka ayaa loo diiday in uu galo xerada Xalane oo

      February 12, 2026

      Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku qaabilay Madaxtooyadda Villa Somalia wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska.

      February 12, 2026

      Maxaa loga wada hadlay kulankii Madaxweynaha Masar Iyo Boqorka Imaaradka Maxamed Bin

      February 12, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      DEG DEG: Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ayaa laga hor istaagay inu galo garoonka diyaaradaha

      February 12, 2026

      DEG DEG: Rooble ahna Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka ayaa loo diiday in uu galo xerada Xalane oo

      February 12, 2026

      Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku qaabilay Madaxtooyadda Villa Somalia wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska.

      February 12, 2026

      Maxaa loga wada hadlay kulankii Madaxweynaha Masar Iyo Boqorka Imaaradka Maxamed Bin

      February 12, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Wax ka ogow lacagta habeenkii ku baxda meydka lagu hayo qaboojiyaha ee Soomaaliya iyo sababta loogu hayo

    Wax ka ogow lacagta habeenkii ku baxda meydka lagu hayo qaboojiyaha ee Soomaaliya iyo sababta loogu hayo

    By radiohalgan.comFebruary 18, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Sida ay qabaan culimada caafimaadka, saddex arrimood ayaa ugu badan, kuwaasoo loogu baahdo in jirka qofka dhintay lagu ilaaliyo talaagad ama qaboojiyaha maydka sida uu BBC-da u sheegay Dr Cismaan Cali Gaboowe oo ka howlgala isbitaalka Kenyatta ee Magaalada Nairobi.

    Arrinta ugu weyn ee maydka loogu hayo qaboojiyaha ayaa ah in la baaro sababta dhimashada, ayadoo sharcigu doonayo caddayn caafimaad, waana in la kaydiyo si looga qaado hidde side si ehelkiisa lagu baadi goobo iyo in xarumaha waaweyn ee caafimaadka ama jaamacaduhu u adeegsadaan qaab caafimaad.

    Soomaaliya oo inta badan si maalinle ah ay uga dhacaan falalka dilalka ayaa waayadii danbe waxaa soo kordhayey tirada maydadka eheladoodu dalbanayaan in loo galiyo talaagadaha maydka inta ay helayaan cadaalad.

    Labadii kiis ee ugu danbeeyeyna waa alaha u raxmadee Luul Sheekh Cabdicasiis iyo Cabdiraxmaan Maclow Abiikar oo labadu ku jira maalmo talaagada Maydka cisbitaalo ku yaala Muqdisho, ka dib ehelka oo dalbanaya inay cadaalad helaan sida eheladu BBC-da u sheegeen.

    maydadka la galiyo talaagadaha qaboojiyaha
    Qoraalka sawirka,Dr: Maxamed Cabdiraxmaan Jaamac, agaasimaha isbitaalka Madina.

    Isbitaalka Madiina waa mid ka mid isbitaalada Muqdisho ee bixiya shahaada dhimashada isla markaana la geeyo maydadka siyaabaha kala duwan u dhinta, maamulka isbitaalka ayaa BBC u sheegay in bilihii la soo dhaafay ay kordheen ehelada dalbanaya in maydadka loo galiyo talaagada maydka.

    Wuxuu xusay in hadda ay buuxaan toddobada talaagadood ee lagu kaydiyo maydka ee cisbitaalka Madina‘‘ hadda ayaa na loo keenay mayd kale oo badda laga keenay, meel aan galinana ma hayno,waa caqabad na haysata”, Sidaa waxaa yiri Dr Maxamed Cabdiraxmaan Jaamac oo ah agaasimaha isbitaalka Madiina.

    Dr. Maxamed Cabdiraxmaan ayaa BBC-da u sheegay in kororka maydadka la galinayo qaboojiyaha ay xitaa culays ku tahay isbitaalka.

    Wuxuu sheegay in laga soo bilaabo bishii Disembar ee sanadkii la soo dhaafay ay diiwaan galiyeen ilaa sagaal iyo toban maydad eheladoodu dalbadeen in talaagada la galiyo halka bishii janaayo ay kiisasku ahaayeen siddeed iyo toban la galiyey talaagadda maydka kuwaas oo ehaladoodu codsadeen.

    ‘‘Waxay isugu jiraan ilaa saddex kiis maydadka loo baahdo in qaboojiyaha la galiyo, kuwo waxaa soo gudbiya hay’adda dambi barista, kuwana waxaa loo galiyaa inay ehelku dalbadaan in loo hayo muddo kooban si dad dibadda ama qurbaha ka imaanayo loola sugo aaska, laakiin kuwa ugu badan ee isbitaalku la kulmo waa dad dalbanaya in maydka loogu hayo qaboojiyaha ilaa inta ay ka gun gaarayaan ama cadaalad ka helayaan” ayuu yiri Dr. Maxamed.

    Agaasimaha cisbitaalka Madina Maxamed Cabdiraxmaan ayaa BBC-da u sheegay in baahida isbitaalka iyo sida xadhaafka ah ee ay u soo kordhayaan maydadka loo baahanayo in la galiyo qaboojiyaha ay aad u kala badan yihiin.

    ‘‘Haddii isbitaalku xaqiijiyo sababta dhimashada uuna bixiyo warqadda shahaadada dhimashada, looma baahna in maydku ku jiro talaagadda, waayo waxaa dacwada maxkamadaha qaybta ugu weyn ka noqonaya caddaynta sababta dhimashada ee maydka ee isbitaalku bixiyo laakin wali dadku ma fahamsana, waana dalbadaan wali” ayuu intaas ku daray Dr. Maxamed Cabdiraxmaan.

    Maxaa ku dhaca maydka marka talaagada la galiyo?

    maydadka iyo qaboojin galintooda
    Qoraalka sawirka,Dr:Cismaan Cali Gaboose, oo ah dhaqtar ka howlgala isbitaalka Kenyatta ee Nairobi

    “Waxaa jirta khidmad lacageed oo dhan boqol doollar oo laga qaado habeenkii maydka ku jira talaagada isbitaalka Madiina taas oo ay tahay inay bixiyaan ehelka dalbaday” ayuu BBC-da u sheegay Dr.Maxamed Cabdiraxmaan agaasimaha cisbitaalka Maddina.

    ‘‘Waxaa jira maydad aan talaagadda ku haynay mudo afartan cisho ah, kuwa ilaa soddon iyo shan cisho, marka waa aragnay intaas, khidmadda laga qaado ehelada ayaa ku imanaaya iyagoo ku dhahaya intaas ma bixin karno marka culays jira waaye oo loo baahan yahay in bulshada laga wacyi galiyo” ayuu intaas ku daray Dr.Maxamed.

    Isbitaalo kale oo ku yaala Soomaaliya oo iyagana aan la hadalnay ayaa sheegay in ay arkaan kiisas aan badnayn balse ay jiri karaan baahida ah in maydad la galiyo talagaadaha qaboojiyaha ah. Laakiin wali tirada talaagadaha qaboojiyaha maydka loo isticmaalo ayaa aad ugu yar baahida loo qabo deegaanada Soomaalida.

    Sida uu BBC-da u sheegay Dr Cismaan Cali Gaboose, waxaa dhacda in haddii aan maydka loo helin qaboojiye darajada qabowgiisu ay tahay 0 ilaa -50 darajo, ay u badan tahay in dhibaato ku dhacdo jirka meydka taasna ay ka mid tahay inuu goo’go jirka ama uu qurmo. “Laakin mar kasta meydku wuu qurmaa wixii maalmo ka badan, lagumana hayn karo qabow kasta muddo dheer” ayuu sii raaciyey.

    ‘‘Haddii heerka qabowga qaboojiyaha uu ka billowdo eber waxaa dhacaya in qofka maydka jirkiisu wax yeelo soo gaadho , heerkaasna wax maalmo ka badan laguma hayn karo, laakin hadii ay eber ka hoosayso ilaa darajada konton waxaa laga yaabaa in toddobaadyo ama bilo lagu hayo maydka halkaas marka waxay ku xiran tahay hadba nooca la adeegsanayo ee qaboojiyaha” ayuu yiri Dr. Cismaan.

    Dalalka dunida ayaa ku kala duwan muddada loogu talagalay in maydka lagu hayo qaboojiye, waddamada yurub qaarkood ayaa qaba in shan cisho loo hayn karo ehelada, halka caafimaad ahaan isbitaaladu hayn karaan mudo kow iyo labaatan cisho ah.

    Qorshaha kaydinta maydka waxaa sidoo kale loo adeegsadaa maadooyin kale oo kiimiko ah si muddo loo hayn karo.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG: Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ayaa laga hor istaagay inu galo garoonka diyaaradaha

    February 12, 2026

    DEG DEG: Rooble ahna Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka ayaa loo diiday in uu galo xerada Xalane oo

    February 12, 2026

    Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku qaabilay Madaxtooyadda Villa Somalia wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska.

    February 12, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG DEG: Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ayaa laga hor istaagay inu galo garoonka diyaaradaha

    February 12, 2026

    DEG DEG: Rooble ahna Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka ayaa loo diiday in uu galo xerada Xalane oo

    February 12, 2026

    Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku qaabilay Madaxtooyadda Villa Somalia wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska.

    February 12, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.