Wasiirka Ganacsiga Maamulka Somaliland Maxamed Xasan Saajin ayaa ka hadlay damaca liita ee dowladda Itoobiya ku dooneyso dhul Soomaaliyeed isagoo xusay in ujeedka ka waynyahay arrimo la xiriira ganacsi dhanka badda ah.
βMidbaa meesha taala oo aad wali fahmi laβdihiin oo dadka kale fahmay, waxa weeye dekada lawada maalgashado kama hadleyso Itoobiya, waxay ka hadleysaa dhul la siiyo oo iyadu deked ka sameysato, dhulna la isku ma siiyo noocaasβ ayuu yiri
Maxamed Xasan Saajin Wasiirka Ganacsiga Somaliland ayaa intaas ku daray βMowduucu aad u fahma oo dhuuxa Itoobiya dhulbey rabtaa, Saylac ayay rabtaa, dee dhul la isma siiyo, waxay rabtaa Bad iyo Dhul ay qabsatoβ
Wasiirka wuxuu xusay in Soomaalida kale ay fahmeen intaas balse reer Somaliland qaarkood aysan fahmin qorshaha Itoobiya.
Wasiirka ayaa ka shifay damaca itoobiya iyo qiyaanada isagoo soo xasuusiyay reer Somaliland in Itoobiya hadey rabto dhul kiro ah hore loogu bandhigay iney saami ku yeelato dekada Berbera markaasoo ay iska bixin waayeen wixii lagu heshiiyay.
HOOS KA DAAWO HADALKA WASIIRKA
https://www.facebook.com/sonnalive/videos/1044556693470510/?mibextid=rS40aB7S9Ucbxw6v

