Close Menu
    What's Hot

    ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

    February 4, 2026

    DEG DEG.Musharax Farxaan Jimcaale ”Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan

    February 4, 2026

    Doorashada Gudoomiyaha gudiga Xuquul insaanka ayaa ka socota Muqdisho.

    February 4, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

      February 4, 2026

      DEG DEG.Musharax Farxaan Jimcaale ”Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan

      February 4, 2026

      Doorashada Gudoomiyaha gudiga Xuquul insaanka ayaa ka socota Muqdisho.

      February 4, 2026

      Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa sida ay u dhacday toogashada

      February 3, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐–๐ž๐ž๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐ž๐ž ๐ˆ๐ข๐ซ๐š๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฅ๐š๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

      February 4, 2026

      DEG DEG.Musharax Farxaan Jimcaale ”Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan

      February 4, 2026

      Doorashada Gudoomiyaha gudiga Xuquul insaanka ayaa ka socota Muqdisho.

      February 4, 2026

      Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa sida ay u dhacday toogashada

      February 3, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home ยป Waa kuma wiilka Soomaaliga ah ee caawa garsooraha ka noqonaya cayaarta Koobka Qaramada Afrika?

    Waa kuma wiilka Soomaaliga ah ee caawa garsooraha ka noqonaya cayaarta Koobka Qaramada Afrika?

    By radiohalgan.comJanuary 16, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Garsoore Soomaaliyeed ayaa caawa markii ugu horraysay dhexdhexaadin doona ciyaar ka tirsan Koobka Qaramada Qaaradda Afrika 2023-ka.

    Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa caawa dhex dhexaadin doona ciyaarta adag ee u dhaxeysa Tunisia iyo Namibia, taasi oo ka dhaci doonta dalka Ivory Coast.

    Cayaartan ayaa abbaaro 18:00 xilliga dalkaas ka dhacaysa Garoonka Amadou Gon Coulibaly ee magaalafa Korhogo ee dalka Ivory Coast.

    Cumar ayaa khibrad ballaaran u leh garsoorenimada, iyadoo cyaaartanna aad loo wada sugayo.

    Iyadoo kooxaha Tunisia iyo Namibia ay isu siyaarinayaan kulanka, indhaha caalamka ayaa waxay ku wajahan yihiin Cumar oo laga doonayo inuu si caddaalad ah garsoore uga noqdo cayaarta.

    Garoonka Amadou Gon Coulibaly, waa meel taariikh weyn ku leh kubadda cagta Afrika.

    Cumar, garsoorenimadu waxay ahayd wax uu jeclaa inuu noqdo markii uu yaraa – garsoore kubadda cagta – isagoo ciyaaraha xaafadaha deegaankiisa uu qaban jiray garsoor kooxaha ku ciyaarayey, xilliyada gaarka ee bisha ramadaanna uu qaban jiray garsoore.

    Cumar Cabdulqaadir Cartan hadda waa garsoore caalami ah, wuxuuna BBC-da u sheegay inuu jeclaa inuu noqdo garsoore caalami ah, balse uusan jirin qof qoyskiisa oo isaga uga dayday garsooranimo.

    Sanadkii 2014-kii ayuu Cumar sheegay in uu qaatay tababar garsooranimo uuna soo noqday garsooraha afaraad ee heerka saddexaad ee Soomaaliya.

    Ciyaartiisii ugu horeysay ee garsoore dhexda ah uu noqday wuxuu dhexdhexaadiyey ciyaar heerka saddexaad oo dhexmartay kooxaha Midnimo Iyo Muqdisho. Halka 2016-kii uu noqday garsoore heerka kowaad ee Soomaaliya.

    โ€œCiyaartii iigu dhibka badnayn anigoo ku cusub garsoooranimada ayaa la ii dhiibay inaan dhexdhexaadiyo kooxaha heerka kowaad ee dalka oo ay wada ciyaarayeen kooxaha Heegan iyo Jeeyo oo ka tirsan heerka koowaad ee horyaalka Soomaaliya, runtii waxay igu yeelatay samayn iyo waxaan wax badan ka bartay waayo anigoo aad u yar ayaa la ii dhiibay rag waaweyn oo ciyaaraya iyo laba kooxood oo dalka looga yaqaan kuwa ugu waaweyn uguna adagโ€ ayuu yiri Cumar.

    Cumar wuxuu intaas ku daray in bishii Diseembar sanadkii 2018-kii uu ku soo baxay liiska garsoorayaal loo doortay heer caalami ah.

    Ciyaartiisii ugu horeysay ee caalami ah wuxuu dhexdhexaadiyey ciyaar ka dhaday dalka Kenya oo ay ku wada ciyaarayeen labo kooxood oo ka kala tirsan kenya iyo Jasiirada Madagaskar.

    โ€œWalaahi ciyaarihii aan ka qabtay horyaalka Soomaaliya iyo kuwa aan ka qabtay dibadda waxaa wax badan fududaa kuwa dibadda waayo waxay ciyaaraha ahaayeen kuwa calami ah oo kooxuhu ilaalinayaan anshaxa waxaana xasuustaa ciyaartii igu horeysay inaan bixiyey hal jaalleโ€ ayuu intaas ku daray Cumar.

    Heerka uu taagan yahay Cumar iyo ciyaarihii uu dhexdhexaadiyey

    Cumar hadda waa garsoore heer caalami ah oo u diiwaan gashan xirirka kubada cagta ee Afrika ee CAF iyo xiriirka kubada cagta ee adduunka ee FIFA.

    Wuxuu sheegay in nidaamyo ay leeyihiin dhamaan xiriirrada caalamigaa ee dunida ka jira kuwaas oo hoos taga xiriirka kubadda cagta aduunka ee FIFA, sidaas darteedna isagu uu ka mid yahay garsoorayaasha u diiwan gashan xiriirka kubada cagta qaarada Afrika ee CAF.

    Wuxuu sidoo kale Cumar ka qayb galay tababarro xirfadaha garsooraha oo caalami ah oo in ka badan labaatan garsoore oo Qaaradda Afrika ka socda loogu qabtay dalka Masar.

    Tartamadii ugu waaweyntaa ee Cumar Cabdiqaadir Cartan uu ka mid ahaa garsoorayaashi qabtay waxaa ka mid ahaa tartankii CAF Under20 iyo CAF under 23 ee Qaarada Afrika.

    Cartan wuxuu kale oo uu garsoore ka ahaa ciyaartii finalka ee CAF under 23 oo sanadkan ka dhacday dalka Marooko una dhaxaysay dalka Masar iyo Marooko.

    Sidoo kale Cumar wuxuu garsoore ka ahaa ciyaaraha Champion league ee Qaarada Afrika gaar ahan wuxuu si la yaab leh u dhexdhexaadiyey ciyaartii afar dhamaadka Koobkaas ee u dhaxay kooxaha Al-Ahli ee dalka Masar iyo Esperance ee dalka Tuniisiya.

    Ciyaarihii is reebreebka koobka aduunka ee ka dhacay dalka Qadar ayuu garsoore Cumar dhexdhexaadiyey saddex ciyaarood oo ka tirsanaa kuwii loogu soo baxay koobkaas sanadkii 2021-kii oo ay ciyaareen dalalka Togo iyo Namibia, Tansania iyo Benin.

    Dhanka kale Cumar ayaa sanadkii 2023-ka dhexdhexaadiyey ciyaar ka tirsan isreeb reebka koobka adduunka ee sanadka 2026-da lagu qabayo dalalka Maryakanka, Mexico iyo Canada taas oo ka dhacday dalka Koonfur Afrika una dhaxaysay Eswatini iyo Liibiya.

    Xirirka kubada cagta ee Qaarada Afrika ayaa Cumar Cabdiqaadir Cartan u xushay liiska garsoorayaal qabanaya ciyaaraha Koobka Qaramada Qaarada Afrika oo ka socda dalka Ivory Coast

    Koobka kubadda cagta ee Qaaradda Afrika ayaa la qorsheynayey in sanadkii 2023 la qabto hase yeeshee dib u dhac ayaa ku yimid wuxuuna qabsoomay 13-bisha Janaayo isagoo socon doona ilaa 11 Febraayo sanadka 2024-ta.

    Cumar wuxuu sheegay inuu bixiyey kaadhka cas ilaa 2 jeer dhammaan tartamada caalamiga kubadda cagta ee uu ka qabtay Qaaradda Afrika.

    Arrinta cajiibka ah ayaa ah in sidoo kale Cumar Cartan uu yahay garsooraha kaliya ee Soomaaliyeed ee u tababaran in uu isticmaalo VAR, wuxuuna ku qabtay habkan tartamo ka dhacay Afrika, isagoo haysta shahaadada aqooneed ee garsoorenimada VAR.

    Waa kuma Cumar?

    Cumar oo dhexdhexaadinayey kulankii Namibia iyo Togo isreebreebka koobka aduunka

    Cumar Cabdiqaadir Cartan oo ah aabbe xaas iyo hal wiil leh waxaa sanadkii 1995-tii uu ku dhashay xaabada Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

    Heerkiisa waxbarashada hoose, dhexe iyo sare ayuu ku qaatay isla Muqdisho isagoo heerka kowaad ee jaamacada ku qaatay daraasaadka horumarinta.

    Wuxuu BBC-da u sheegay inuu heerka uu gaaray arsoorka kubadda cagta ee Qaarada Afrika ay ugu suurto gashay dadaal shaqasi ahaaneed oo muujiyey iyo kordhinta aqoontisa.

    Wuxuu sidoo kale sheegay inuu rajaynayo inuu qaban doono kulamo waaweyn oo ka tirsan koobka aduunka.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Kulankii Xalay Gudoomiyaha isboortiska Dagmada Bule-burte iyo Jaaliyadda Reer Hiiraan

    January 24, 2026

    Thierry Henry Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Champions League Xilli Ciyaareedkan.

    April 11, 2024

    Luis Enrique: Dagaal Ayaa Ka Dhici Doona Barcelona.

    April 11, 2024
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

    February 4, 2026

    DEG DEG.Musharax Farxaan Jimcaale ”Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan

    February 4, 2026

    Doorashada Gudoomiyaha gudiga Xuquul insaanka ayaa ka socota Muqdisho.

    February 4, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.