Close Menu
    What's Hot

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Soomaaliya ma ka mid tahay dalalka aan looga baahneyn Viisaha Kenya (Ogow Xaqiiqda)

    Soomaaliya ma ka mid tahay dalalka aan looga baahneyn Viisaha Kenya (Ogow Xaqiiqda)

    By radiohalgan.comJanuary 6, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ka dib markii uu ku dhawaaqay Madaxweyne William Ruto in Kenya ay joojin doonto shuruudihii dal kugalka ee dadka booqanaya Kenya, dhammaan dadka soo gelaya ayaa hadda u baahan doona in ay dalbadaan oggolaanshaha safarka Elektaroonigga ah ee loo soo gaabiyo (ETA) si loo aqoonsado marka ay soo galayaan.

    ETA-da Kenya waa nidaam otomaatik ah kaas oo go’aaminaya in qofku uu soo geli karo ama soo booqan karo Kenya.

    Tilmaamo dhowr ah oo ku xusan gudaha bogga ETA, ayaa dhammaan booqdayaasha, oo ay ku jiraan carruurta waxa ay u baahan doonaan arrimahan sida ay sheegtay dawladda Kenya, kuwaasoo inta badan ay kala mid tahay dalalka dunida:

    Baasaboor shaqaynaya ugu yaraan lix 6 bilood kadib taariikhda la qorsheeyay in ay Kenya ku yimaadaan oo leh ugu yaraan hal bog oo bannaan

    Ka dib markii uu ku dhawaaqay Madaxweyne William Ruto in Kenya ay joojin doonto shuruudihii dal kugalka ee dadka booqanaya Kenya, dhammaan dadka soo gelaya ayaa hadda u baahan doona in ay dalbadaan oggolaanshaha safarka Elektaroonigga ah ee loo soo gaabiyo (ETA) si loo aqoonsado marka ay soo galayaan.

    ETA-da Kenya waa nidaam otomaatik ah kaas oo go’aaminaya in qofku uu soo geli karo ama soo booqan karo Kenya.

    Tilmaamo dhowr ah oo ku xusan gudaha bogga ETA, ayaa dhammaan booqdayaasha, oo ay ku jiraan carruurta waxa ay u baahan doonaan arrimahan sida ay sheegtay dawladda Kenya, kuwaasoo inta badan ay kala mid tahay dalalka dunida:

    Baasaboor shaqaynaya ugu yaraan lix 6 bilood kadib taariikhda la qorsheeyay in ay Kenya ku yimaadaan oo leh ugu yaraan hal bog oo bannaan.

    Sawirka nooca baasaboorka. Macluumaadka xiriirka sida (cinwaanka emailka ama lambarka taleefanka), faahfaahinta la xiriirta waxa uu daaran yahay safarka, iyo xaqiijinta halka aad ku degi lahayd iyo waxyaabo kale.

    Waxaa intaa dheer in booqdayaasha qaarkood sidoo kale looga baahan doono in ay caddeeyaan dhaqaale gacan ku qabsi ah oo ay haystaan iyo sidoo kale tikidka laabashada.

    Baasaboor Diblomaasi ah ayaa looga baahan doonaa dadka u socda safarrada dibloomaasiyadeed iyo warqad rasmi ah oo ka yimid waddankii ay ka yimaadeen.

    Soo booqdayaasha ayaa lagula taliyay inay soo gudbiyaan codsiyada ugu yaraan 3 maalmood ka hor safarka si wakhti ku filan loogu hubiyo oggolaanshaha.

    Waxaa xusid mudan in dhammaan dowladaha Bulshada Bariga Afrika ee (EAC) laga reebay barnaamijkan ETA.

    Hase yeeshee Soomaaliya oo dhawaan ku biirtay ururkan ayaan ka muuqan liiska loo qorsheeyay in ay ka maqnaadaan qorshahan dal-ku-galka, iyadoo u muuqataa in dadka ku soo safraya baasaboorka Soomaaliga looga baahan doono in ay maraan habkan ETA.

    β€œMuwaadiniinta Waddamada Iskaashiga Bariga Afrika, Dalalkaas waxaa ka mid ah Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Rwanda, South Sudan, Tanzania, iyo Uganda, ayaa laga reebay barnaamijkan muddo 6 bilood ah”, ayaa lagu xusay bayaanka.

    Mid ka mid ah shirkadaha ka howlgala arrimaha safarrada ee Soomaaliya ayaan wax ka weydiinnay sida arrintan ay u saameyn karto soomaalida ka soo safreysa Soomaaliya ee doonaya in ay usoo gudbaan Kenya.

    Barnaamijkan cusub ee ay soo kordhisay dowladda Kenya ee loo yaqaanno ETA, waxa uu gebi ahaanba wax ka beddelay qaabkii safarka ee Kenya lagu tegi jiray, ma saameynayo bulshada bariga Afrika oo Soomaaliya ay dhawaan ku biirtay, laakiin Soomaaliya wuu saameynayaa”, sidaas waxaa yiri Abuukar Dhaqane oo ah milkiilaha shirkadda Dhaqane travel agency oo ka shaqaysa dhoofka la isaga kala goosho Soomaaliya iyo Kenya.

    β€œSoomaalida ku soo safraya baasaboorka Soomaaliga ah, waxay u baahan doonaan in ay codsadaan fiisaha ama dal-ku-galka, waana isla sidii hore waxba lagama beddelin” ayuu yiri.

    Dhaqane ayaa sidoo kale yiri, β€œSoomaaliya iyo dalal kale sida Afghanistan, Pakistan, iyo Yemen, si gaar ah ayaa loola socdaa baasaboorradooda marka hadda in baasaboorka Soomaaliga ah lagu tago Kenya bilaa fiisa wey adkaan doontaa”.

    β€œSoomaaliya waxa ay u baahan tahay in baasaboorka laga bedelo si la mid ah dalalka kale ee bulshada bariga Africa ay ku mideysan yihiin, ka dib ayey ka mid noqon kartaa dalalkaas aan looga baahneyn codsiga dalkugalka” ayuu sii raaciyay Dhaqane.

    Madaweyne Ruto oo u ololeeya ganacsiga xorta ah ee Afrika ayaa marar badan ka codsaday wadamada Afrika in ay meesha ka saaraan shuruudaha dal ku galka.

    Tani ayuu Ruto sheegay in ay taageeri doonto aas-aaska aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo (AfCFTA) kaas oo doonaya in uu abuuro suuq aan xuduud lahayn oo loogu talagalay ganacsiga iyo ganacsatada Afrika.

    Saraakiisha socdaalka ayaa dhowaan shaaciyay in qaybtii ugu horreysay ee ajaanib ah isla markaana aan dal-ku-gal soo qaadan ay ka degeen Kenya.

    Xoghayaha guud ee waaxda socdaalka Julius Bitok ayaa sheegay in dadka kasoo dagay garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ay yimaadeen iyagoo isticmaalaya oggolaanshaha safarka ee ETA.

    Waxa uu sheegay in in ka badan 5,000 oo codsi oo dhinaca ETA-da ah la qabtay, iyadoo 2,141 la ansixiyay ilaa iyo haatan.

    Dalka Kenya waxaa ku nool Soomaali badan oo qaarna ay deegaan ahaan u deggan yihiin, qaar kalena meherado ganacsi iyo shaqooyin kala duwan ku haystaan, waana dalka ay Soomaalida ugu badan ee qurbaha ku nool deggan yihiin marka lagu daro kuwa ku jira xeryaha qaxootiga.

    Source BBC

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Waxaa farxad iyo guul weyn ii ah in aan soo gabagabeeyo buuggii aan muddo dheer ku hawlanaa, kaas oo cinwaankiisu yahay Halgan

    January 25, 2026

    Sama fale Cabdicasiis Muudeey oo u dhaq-dhaqaaqa caawinta bulshada dan yarta ah ayaa weli wada caawinta iyo afurinta qoysaska danyarta ah ee beledweyne ku sugan. (SAWIRRO)

    March 19, 2024

    Sida khuuradu u dhibaateyn karto guurkaaga iyo xalka looga bogsan karo

    March 19, 2024
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.