Close Menu
    What's Hot

    Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    February 4, 2026

    ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

    February 4, 2026

    DEG DEG.Musharax Farxaan Jimcaale ”Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan

    February 4, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

      February 4, 2026

      ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

      February 4, 2026

      DEG DEG.Musharax Farxaan Jimcaale ”Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan

      February 4, 2026

      Doorashada Gudoomiyaha gudiga Xuquul insaanka ayaa ka socota Muqdisho.

      February 4, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐–๐ž๐ž๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐ž๐ž ๐ˆ๐ข๐ซ๐š๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฅ๐š๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

      February 4, 2026

      ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

      February 4, 2026

      DEG DEG.Musharax Farxaan Jimcaale ”Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan

      February 4, 2026

      Doorashada Gudoomiyaha gudiga Xuquul insaanka ayaa ka socota Muqdisho.

      February 4, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home ยป Soomaaliya iyo xulka dhacdooyinka sanadkii 2023-ka

    Soomaaliya iyo xulka dhacdooyinka sanadkii 2023-ka

    By radiohalgan.comJanuary 8, 20246 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Sanadkii dhammaaday ee 2023-ka Soomaaliya waxa ay u ahayd sanad ka duwan sannadihii hore, marka loo eego dhanka; horumarka dhaqaalaha, amniga iyo Siyaasadda, iyada oo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay gaartay guulo waaweyn.

    Dowladda oo dadaal ugu jirta sidii loogu gun gaari lahaa amniga dalka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu Muqdisho ku qaabilay madaxda waddamada dariska, iyada oo caasimadda ay soo gaareen Madaxweynayaasha dalalka Djibouti iyo Kenya iyo Raโ€™iisul Wasaaraha dalka Itoobiya.

    February 1, 2023-ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen madaxda, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed.

    Shirkan ayaa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo madaxdu ay falanqeeyeen hannaanka fulinta qorshaha Muqdisho ee ka soo baxay shirkii maalmo ka horreeyey ay yeesheen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalalka, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

    Shirka ka dib madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u jiheystay abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo xafiiskiisa shaqada ee ahaa Villa Somalia u wareejiyey furimaha dagaalka ee Dhuusamareeb, xilli uu halkaas ku sugnaa ku dhawaad laba bilood

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay kala wareegtay in ka badan 70 degmo iyo deegaanno ay Al-SHabaab ka talinayeen in ka badan 15 sano, iyada oo dowladda gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo horjeegayaal.

    Sanadkii 2023-ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay horyimid dadweynaha si ay u waydiiyaan waydiimo la xiriira shaqada uu u hayo, isaga oo kulamo dadweyne oo ka kala dhacay Muqdisho laba jeer ah iyo Dhuusamareeb kaga warceliyey waydiimo badi daarnaa amniga, dhaqaalaha, dib u heshiisiinta iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

    Villa Somalia ayaa ku guuleystay sanadka 2023-ka qabashada kulan u dhaxeeyey musharaxiinta mucaaradka iyo madaxda dowladda uu hoggaaminayo Madaxweynaha, xilli uu shirkaas socday laba maalin kaas oo ay musharaxiinta ku soo dhaweeyeen dagaalka ay dowladda kula jirta Al-Shabaab.

    Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay xeer dhigaya in caasimadda gudaheeda aan lagu dhex wadan Karin gawaarida gaashaaman iyo qoryaha culus, waxaa la xadiday tirada ilaalada u noqon karta madaxda dowladda iyo madaxdii hore, ka dib markii xukuumadda ay soo saartay amar ku saabsan in Mootada Bajaajta loo sameeyo sumadeen A iyo B oo ka dhigan in maalintiiba ay shaqeyso hal nuuc oo Mooto ah, u jeedka ayaa lagu sheegay sidii loo yareyn lahaa sawaxanka iyo ciriiriga waddooyinka caasimadda.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bartamihii sanadkaan sheegay in dowladdiisa ay la dagaalami doonta musuqmaasuqa, waxaana markii dambe xafiiska xeer ilaaliyaha uu soo xiray saraakiil ka tirsan dowladda kuwaas oo markii ugu horreysay ka soo hormuuqday maxkamadda gobolka Banaadir, iyaga oo lagu eedeeyey in ay lunsadeen lacag dhan 20 milyan oo dollar oo xafiiska Hantidhawrka uu sheegay in qasnadda dowladda laga waayey.

    Maamul goboleedyada; Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa muddo kordhin hal sano wada sameestay taas oo hadal hayn badan ka dhalisay bulshada dhexdeeda wallow ay u muuqato in dowladda dhexe ogalaatay ku darsigaas, halka maamulka Puntland uu hirgaliyey doorasho qof iyo cod ah tan iyo markii dhidibada loo taagay maamulkaas, iyada oo doorashada deegaanka laga hirgaliyey saddex deegaan, inkasta uu Deni damaciisa ahaa doorashada guud uu ka dhigo qof iyo cod hase ahaate waxaa qaadacay mucaaradka iyo dhaqanka Puntland taas oo qasabtay in loo laabtoo nidaamkii soo jireenka ahaa ee lagu soo xuli jiray golaha wakiillada Puntland.

    Sanadka 2023-ka bulshada reer Laascaanood ayaa la kulmay dagaal ay ku dhinteen dad badan oo deegaanka ah ka gadaal markii magaalada ay ku dagaalameen ciidanka Somaliland iyo ciidan taabacsan dadka deegaanka kuwaas oo u jeedkoodu ahaa hirgalinta maamul u gooni ah kaas oo huwan magaca SSC-Khaatumo, waxaana muuqata in uu hirgalay damacaasi, ka dib markii aqoonsi ku meel gaar ah ay ka heleen dowladda dhexe ee Soomaaliya.

    Bilowga sanadkaan dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay digniino ku aaddan in ay ka daโ€™ayaan qaar ka mid gobollada dalka roobab wata fatahaado iyo dabeylo, digniinahaas joogtada ahaa ayaa dhammaadka sanadka 2023 waxaa dalka ka daโ€™ay roobab wata fatahaado kuwaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, burbur hantiyadeed, waxaana ku burburay qaar ka mid buundooyinka dalka, kuwaas oo dhaca gobolka Gedo.

    Sanadkii 2023 labada Aqal ee  Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyey hindise sharciyeedyadii ugu badnaa, iyada oo Hayโ€™adda NISA ay yeelatay sharcigeedii ugu horreeyey tan iyo markii hayโ€™adda la aas-aasay, si la mid ah Hantidhawrka guud ee Qaranka ayaa yeeshay sharci cusub si la mid ah sharciga Qaxootiga iyo kan diiwaangalinta muwaadiniinta ayaa markii ugu horreeyey la meel mariyey.

    Sidoo kale sanadkii tagay kulan wada jir ah ay yeesheen labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayey ku meelmariyeen miisaaniyadda dowladda sanadka 2024 oo gaareysa in ka badan hal Bilyan oo dollar, taas oo ka dhigan markii ugu horreysay in miisaaniyadda dowladda ay gaarto 1 Bilyan, si la mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa mishaarkooda kordhistay iyaga oo ka dhigtay $5,000, halka markii hore uu mushaarkoodu ahaa ku dhawaad $3,500 .

    Dowladda Soomaaliya ayaa dhammaadka sanadka 2023-ka hiigsatay himilo soo socday in ka badan sagaal sano, iyada oo dowladda Soomaaliya ku biirtay Bulshada Bariga Afrika oo ay ku jiraan badi waddamada geeska afrika, waxaana si rasmi ah Soomaaliya loogu aqoonsaday xubin ka tirsan bulshadaas.

    Bishii December Dowladda Soomaaliya ayaa laga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1991-kii ka gadaal markii ay burburtay dowladdii dhexe uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, guushaas Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay ayaa sheegay in maalmihii wacnaa ay soo socdaan, waxa uu sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay soo iibsashada hub cusub si loo qalabeeyo ciidamada Soomaaliya

    Silsiladda hiigsiga himilooyinka oo sii socda ayaa December 13, 2023-ka waxaa Soomaaliya laga cafiyey lacagtii deynta ee lagu lahaa, ka dib markii ay si wada jir ah ugu wada dhawaaqeen Hayโ€™adda lacagta adduunka iyo Bankiga Adduunka oo ay sheegeen in Soomaaliya laga cafiyey badi lacagtii ayna ku hartay lacag yar oo ay qasab tahay in ay iska bixiso.

    Galinkii dambe ee 20 December 2023-ka war aan u rooneyn dhagaha shacabka Soomaaliyeed ayaa ka soo yeeray dalka Djibouti, ka gadaal markii laga soo wariyey qabarka sheegaya geerida Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo ahayd rugcaddaa Siyaasadeed, iyada oo saaxadda Siyaasadda Soomaaliya ku jirtay in ka badan 23 sano

    Ugu dambeyn dhammaadkii bisha December wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Djibouti, isaga oo halkaas kula kulmay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixi Cabdi.

    Kulanka labadaas masโ€™uul ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana soo dhaweeyey qaar ka mid ah dowladaha caalamka oo ay ugu horreyso  Boqortooyada Ingiriiska.

    Sanadkii 2023-ka maxaad ku xasuusataa?

    xigasho isha wararka Mustaqbal

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    February 4, 2026

    ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

    February 4, 2026

    DEG DEG.Musharax Farxaan Jimcaale ”Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan

    February 4, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    February 4, 2026

    ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

    February 4, 2026

    DEG DEG.Musharax Farxaan Jimcaale ”Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan

    February 4, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.