Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

    May 10, 2025

    DEG DEG Koox hubeysan ayaa caawa Afgooye waxaa ay ku dileen Maxamed Shariif

    May 10, 2025

    DEG DEG: Pakistan iyo Hindiya oo gaaray heshiis xabad joojin ah.

    May 10, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Koox hubeysan ayaa caawa Afgooye waxaa ay ku dileen Maxamed Shariif

      May 10, 2025

      DEG DEG: Pakistan iyo Hindiya oo gaaray heshiis xabad joojin ah.

      May 10, 2025

      Taliska qeybta Booliska gobolka Mudug eePuntland ayaa ku guulaystey in ay Gacanta ku dhigaan Xukume Cabdiqani

      May 10, 2025

      Akhriso:-Maamulka Gobolka Banaadir oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay roobkii ka da’ay Muqdisho

      May 10, 2025

      DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

      May 10, 2025

      Akhriso:- Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

      May 10, 2025

      Akhriso:- Hindiya iyo Pakistan oo gaarey heshiis xabad joojin ah

      May 10, 2025

      Xiisadda u dhaxaysa Pakistan iyo Hindiya ayaa si xowli ah u korortay kadib

      May 10, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Itoobiya ayaa kamid noqotey Wadamada ugu kobaca dhaqaalaha

      May 5, 2025

      Muwadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

      April 25, 2025

      Guddoomiye Aadan Madoobe “Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay noqotay walaal karti badan oo nagu garab istaagtay Dowlad dhiska burburkii kadib”.

      November 2, 2024

      DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

      May 10, 2025

      DEG DEG Koox hubeysan ayaa caawa Afgooye waxaa ay ku dileen Maxamed Shariif

      May 10, 2025

      DEG DEG: Pakistan iyo Hindiya oo gaaray heshiis xabad joojin ah.

      May 10, 2025

      Taliska qeybta Booliska gobolka Mudug eePuntland ayaa ku guulaystey in ay Gacanta ku dhigaan Xukume Cabdiqani

      May 10, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Soomaaliya iyo xulka dhacdooyinka sanadkii 2023-ka

    Soomaaliya iyo xulka dhacdooyinka sanadkii 2023-ka

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 8, 20246 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Sanadkii dhammaaday ee 2023-ka Soomaaliya waxa ay u ahayd sanad ka duwan sannadihii hore, marka loo eego dhanka; horumarka dhaqaalaha, amniga iyo Siyaasadda, iyada oo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay gaartay guulo waaweyn.

    Dowladda oo dadaal ugu jirta sidii loogu gun gaari lahaa amniga dalka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu Muqdisho ku qaabilay madaxda waddamada dariska, iyada oo caasimadda ay soo gaareen Madaxweynayaasha dalalka Djibouti iyo Kenya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya.

    February 1, 2023-ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen madaxda, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed.

    Shirkan ayaa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo madaxdu ay falanqeeyeen hannaanka fulinta qorshaha Muqdisho ee ka soo baxay shirkii maalmo ka horreeyey ay yeesheen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalalka, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

    Shirka ka dib madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u jiheystay abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo xafiiskiisa shaqada ee ahaa Villa Somalia u wareejiyey furimaha dagaalka ee Dhuusamareeb, xilli uu halkaas ku sugnaa ku dhawaad laba bilood

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay kala wareegtay in ka badan 70 degmo iyo deegaanno ay Al-SHabaab ka talinayeen in ka badan 15 sano, iyada oo dowladda gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo horjeegayaal.

    Sanadkii 2023-ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay horyimid dadweynaha si ay u waydiiyaan waydiimo la xiriira shaqada uu u hayo, isaga oo kulamo dadweyne oo ka kala dhacay Muqdisho laba jeer ah iyo Dhuusamareeb kaga warceliyey waydiimo badi daarnaa amniga, dhaqaalaha, dib u heshiisiinta iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

    Villa Somalia ayaa ku guuleystay sanadka 2023-ka qabashada kulan u dhaxeeyey musharaxiinta mucaaradka iyo madaxda dowladda uu hoggaaminayo Madaxweynaha, xilli uu shirkaas socday laba maalin kaas oo ay musharaxiinta ku soo dhaweeyeen dagaalka ay dowladda kula jirta Al-Shabaab.

    Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay xeer dhigaya in caasimadda gudaheeda aan lagu dhex wadan Karin gawaarida gaashaaman iyo qoryaha culus, waxaa la xadiday tirada ilaalada u noqon karta madaxda dowladda iyo madaxdii hore, ka dib markii xukuumadda ay soo saartay amar ku saabsan in Mootada Bajaajta loo sameeyo sumadeen A iyo B oo ka dhigan in maalintiiba ay shaqeyso hal nuuc oo Mooto ah, u jeedka ayaa lagu sheegay sidii loo yareyn lahaa sawaxanka iyo ciriiriga waddooyinka caasimadda.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bartamihii sanadkaan sheegay in dowladdiisa ay la dagaalami doonta musuqmaasuqa, waxaana markii dambe xafiiska xeer ilaaliyaha uu soo xiray saraakiil ka tirsan dowladda kuwaas oo markii ugu horreysay ka soo hormuuqday maxkamadda gobolka Banaadir, iyaga oo lagu eedeeyey in ay lunsadeen lacag dhan 20 milyan oo dollar oo xafiiska Hantidhawrka uu sheegay in qasnadda dowladda laga waayey.

    Maamul goboleedyada; Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa muddo kordhin hal sano wada sameestay taas oo hadal hayn badan ka dhalisay bulshada dhexdeeda wallow ay u muuqato in dowladda dhexe ogalaatay ku darsigaas, halka maamulka Puntland uu hirgaliyey doorasho qof iyo cod ah tan iyo markii dhidibada loo taagay maamulkaas, iyada oo doorashada deegaanka laga hirgaliyey saddex deegaan, inkasta uu Deni damaciisa ahaa doorashada guud uu ka dhigo qof iyo cod hase ahaate waxaa qaadacay mucaaradka iyo dhaqanka Puntland taas oo qasabtay in loo laabtoo nidaamkii soo jireenka ahaa ee lagu soo xuli jiray golaha wakiillada Puntland.

    Sanadka 2023-ka bulshada reer Laascaanood ayaa la kulmay dagaal ay ku dhinteen dad badan oo deegaanka ah ka gadaal markii magaalada ay ku dagaalameen ciidanka Somaliland iyo ciidan taabacsan dadka deegaanka kuwaas oo u jeedkoodu ahaa hirgalinta maamul u gooni ah kaas oo huwan magaca SSC-Khaatumo, waxaana muuqata in uu hirgalay damacaasi, ka dib markii aqoonsi ku meel gaar ah ay ka heleen dowladda dhexe ee Soomaaliya.

    Bilowga sanadkaan dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay digniino ku aaddan in ay ka da’ayaan qaar ka mid gobollada dalka roobab wata fatahaado iyo dabeylo, digniinahaas joogtada ahaa ayaa dhammaadka sanadka 2023 waxaa dalka ka da’ay roobab wata fatahaado kuwaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, burbur hantiyadeed, waxaana ku burburay qaar ka mid buundooyinka dalka, kuwaas oo dhaca gobolka Gedo.

    Sanadkii 2023 labada Aqal ee  Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyey hindise sharciyeedyadii ugu badnaa, iyada oo Hay’adda NISA ay yeelatay sharcigeedii ugu horreeyey tan iyo markii hay’adda la aas-aasay, si la mid ah Hantidhawrka guud ee Qaranka ayaa yeeshay sharci cusub si la mid ah sharciga Qaxootiga iyo kan diiwaangalinta muwaadiniinta ayaa markii ugu horreeyey la meel mariyey.

    Sidoo kale sanadkii tagay kulan wada jir ah ay yeesheen labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayey ku meelmariyeen miisaaniyadda dowladda sanadka 2024 oo gaareysa in ka badan hal Bilyan oo dollar, taas oo ka dhigan markii ugu horreysay in miisaaniyadda dowladda ay gaarto 1 Bilyan, si la mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa mishaarkooda kordhistay iyaga oo ka dhigtay $5,000, halka markii hore uu mushaarkoodu ahaa ku dhawaad $3,500 .

    Dowladda Soomaaliya ayaa dhammaadka sanadka 2023-ka hiigsatay himilo soo socday in ka badan sagaal sano, iyada oo dowladda Soomaaliya ku biirtay Bulshada Bariga Afrika oo ay ku jiraan badi waddamada geeska afrika, waxaana si rasmi ah Soomaaliya loogu aqoonsaday xubin ka tirsan bulshadaas.

    Bishii December Dowladda Soomaaliya ayaa laga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1991-kii ka gadaal markii ay burburtay dowladdii dhexe uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, guushaas Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay ayaa sheegay in maalmihii wacnaa ay soo socdaan, waxa uu sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay soo iibsashada hub cusub si loo qalabeeyo ciidamada Soomaaliya

    Silsiladda hiigsiga himilooyinka oo sii socda ayaa December 13, 2023-ka waxaa Soomaaliya laga cafiyey lacagtii deynta ee lagu lahaa, ka dib markii ay si wada jir ah ugu wada dhawaaqeen Hay’adda lacagta adduunka iyo Bankiga Adduunka oo ay sheegeen in Soomaaliya laga cafiyey badi lacagtii ayna ku hartay lacag yar oo ay qasab tahay in ay iska bixiso.

    Galinkii dambe ee 20 December 2023-ka war aan u rooneyn dhagaha shacabka Soomaaliyeed ayaa ka soo yeeray dalka Djibouti, ka gadaal markii laga soo wariyey qabarka sheegaya geerida Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo ahayd rugcaddaa Siyaasadeed, iyada oo saaxadda Siyaasadda Soomaaliya ku jirtay in ka badan 23 sano

    Ugu dambeyn dhammaadkii bisha December wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Djibouti, isaga oo halkaas kula kulmay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixi Cabdi.

    Kulanka labadaas mas’uul ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana soo dhaweeyey qaar ka mid ah dowladaha caalamka oo ay ugu horreyso  Boqortooyada Ingiriiska.

    Sanadkii 2023-ka maxaad ku xasuusataa?

    xigasho isha wararka Mustaqbal

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

    May 10, 2025

    DEG DEG Koox hubeysan ayaa caawa Afgooye waxaa ay ku dileen Maxamed Shariif

    May 10, 2025

    DEG DEG: Pakistan iyo Hindiya oo gaaray heshiis xabad joojin ah.

    May 10, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

    May 10, 2025

    DEG DEG Koox hubeysan ayaa caawa Afgooye waxaa ay ku dileen Maxamed Shariif

    May 10, 2025

    DEG DEG: Pakistan iyo Hindiya oo gaaray heshiis xabad joojin ah.

    May 10, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.