Close Menu
    What's Hot

    DEG-DEG: Soomaaliya oo yeelaneysa Maxkamad Gaar ah oo Ganacsi

    February 27, 2026

    DEG DEG Xaaladda Abaareed ee Soomaaliya oo Sii Xoogeysatay, Khasaare Nafeedna Sababtay

    February 27, 2026

    DEG DEG Dagaal xooggan oo ka dhex qarxay dalalka Pakistan iyo Afghanistan

    February 27, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG-DEG: Soomaaliya oo yeelaneysa Maxkamad Gaar ah oo Ganacsi

      February 27, 2026

      DEG DEG Xaaladda Abaareed ee Soomaaliya oo Sii Xoogeysatay, Khasaare Nafeedna Sababtay

      February 27, 2026

      DEG DEG Dagaal xooggan oo ka dhex qarxay dalalka Pakistan iyo Afghanistan

      February 27, 2026

      Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

      February 24, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      DEG-DEG: Soomaaliya oo yeelaneysa Maxkamad Gaar ah oo Ganacsi

      February 27, 2026

      DEG DEG Xaaladda Abaareed ee Soomaaliya oo Sii Xoogeysatay, Khasaare Nafeedna Sababtay

      February 27, 2026

      DEG DEG Dagaal xooggan oo ka dhex qarxay dalalka Pakistan iyo Afghanistan

      February 27, 2026

      Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

      February 24, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Sida ninkan 50 jirka ah iyo 42 lamaaneyaal loogu sameeyey guur wadareed ka dhacay Gaarisa

    Sida ninkan 50 jirka ah iyo 42 lamaaneyaal loogu sameeyey guur wadareed ka dhacay Gaarisa

    By radiohalgan.comFebruary 18, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Magaalada Gaarisa waxaa ka dhacday munaasabad guur wadareed loogu sameeyey in ka badan afartan lamaaneyaal oo ah dad danyar ah, oo doobab iyo gabdho isugu jiray, kuwaas oo laga soo xulay qaybaha kala duwan ee Ismaamulka Gaarisa.

    Sida ay BBC-da u sheegtay Xaawo Cabdi Sahal (Xaawo deggan) oo ah Madaxa xafiiska ismaamulka degmada Gaarisa u qaabilsan arrimaha jinsiga, dhaqanka, isboortiga, dhallinyarada iyo arrimaha bulshada, talaabadan ayey u qaadeen sidii loo caawin lahaa dadka duruufuhu u suuragalin waayeen inay guursadaan sababo dhanka kharashka ah.

    Dadka la isku daray ee guurkoodu sida wadajirka ah ugu dhacay Gaarisa, waxay isugu jireen dad da’doodu u dhaxayso labaatan sano jir ilaa 50 jir muddo doonayey inay guursadaan balse uu u hirgali waayey.

    “Howshan waxaa dhiraan dhirinta iyo qabsoomideeda lahaa Ismaamulka Gaarisa, kuwaas oo bixiyey kharashka doonista, kan guriga iyo ilaa shaqo galinta lamaanaha” sida ay BBC u sheegay Xaawo Cabdi.

    Xaawo, ma sheegin qiimaha rasmiga ee ku baxay aqal galka lamaanayaasha basle waxay xustay in wax kasta oo alaabta guriga ee arooska oo ka kooban jiif, fadhi iyo agab kalaba loo dhamaystiran qoysaska la isku daray.

    Mar BBC-du waydiisay Xaawo, in dadkan iyagu hore ay u lahaayeen xiriir iyo haasawe wadaag, ama inay iyagu ay isku raadiyeen ayey tiri β€œDadkan iyaga ayaa is calmaday oo muddo dheer soo sheekaysanayey kuwa dhowr sano ayey soo wada socdeen kuwa ugu yar ayaa ilaa sidded bilood ayey soo wada haasaawayeen, marka annagu kaliya waxaan ka caawinayney guurka, maadaama ay danyar ahaayeen”.

    • Wax ka ogow lacagta habeenkii ku baxda meydka lagu hayo qaboojiyaha ee Soomaaliya iyo sababta loogu hayoSaacad ka hor
    • Maxay Somaliland ka tiri inay Hargeysa joogaan Saraakiil Itoobiyaan ah oo diyaarinaya dhaqan galka heshiiska MoU4 Saacadood ka hor
    • Madaxweynihii Afrikaanka ahaa ee Addis Ababa uga badbaaday iskudayga dil xilli uu ku sii jeeday xarunta shirka Midowga Afrika7 Saacadood ka hor
    guur wadareedka ka dhacay Ismamulka Gaarisa
    Qoraalka sawirka,Barasaabka Ismaamulka Gaarisa oo ka qayb galay musaabada guur wadareedka

    Guur wadareedkan ayaa dadka uu dhex maray laga kala keenay tobanka degmo ee Ismaamulka Gaarisa, basle waxaa jiray shuruudo ku xirnaa dadka la isku darayey.

    β€œMaamulada heer degmo ee Ismaamulka Gaarisa ayaa soo xulay dadkan una soo gudbiyey xafiiska Ismaamulka Gaarisa, Barasaabka ayaa hore u soo bandhigay qorshahan, dadkii u baahnaana markii ay maqleen iyaga ayaa banaanka is keenay” ayey BBC u sheegay Xaawo Cabdi Sahal oo ka tirsan masuuliyiinta Ismaamulka Gaarisa.

    Waxay intaas ku dartay in qodobada shuruudaha lagu xiray dadka loo sameeyey guur wadareedka ay ka mid ahaayeen β€œ in qofku dhallinyaro ahaado, iyo in qofku uusan waligiis guursan oo ay jiraan duruufo u diiday”.

    Xaawo Cabdi Sahal, waxaa kale oo BBC-da u sheegtay in gabdhaha waligoodu uu joogay goobta guur wadadreedku ka dhacayey ayna raali ka ahaayeen oo iyagu ay bixiyeen gabdhaha.

    Arinta xusida muddan ayey Xaawo ku sheegtay inay tahay in dhamaan afartan iyo saddexda lamaaneyaal oo guur wadareedkoodu dhacay loo sameeyey shaqo abuurid si noloshooda curdanka ay u maareeyaan.

    Dareenka Bashiir Deeqow

    Dadka guur wadareedka loo sameeyey ka faa’iidaystay waxaa ka mid ahaa Bashiir deeqow Ciilmooge oo da’diisu tahay 50 jir ka yimid deeganka Ijaara, wuxuuna BBC-da u sheegay inuu ku faraxsan yahay in loo fudeeyey guurka oo itaal dhaqaale uu u waayey.

    β€œAad ayaan u faraxsanahay, waana aqalgalayaa, waxaan u mahadcelinayaa Ismaamulka Gaarisa siday noo caawiyeen, dareenkaygana waa mid farxad leh, ilaah ayaan u mahadnaqayaa markasta” ayuu intaas raaciyey Caruus Bashiir.

    Isagoo dareenkiisa cabirayey ayuu sheegay β€œwaxaan la aqal galayaa gabar aniga iga yar soo haasaawayney muddo, in lay soo galbiyana waxay ii tahay maalin aan sugayey”.

    Intii Bashiir Deeqow nala hadlayey waxaa dhiniciisa ka baxaysay mashxarad ay samaynayeen haween ehelkiisa ah oo ku faraxsanaa aqal galkiisa.

    Xuseen waytaan

    Dabayaaqadii sannadkii hore ayaa dhalinyaro gaareysa illaa 50 ruux oo isugu jira wiilal iyo gabdho ah mar kaliya waxaa loogu sameeyay β€˜β€™guur Wadareed’’ magaalada Mandhera ee gobolka waqooyi bari Kenya.

    Guurkan ayaa ujeedadiisu aheyd in lagu kaalmeeyo dhalinyarada iyo dadka kale ee doonayay in ay qoys dhistaan balse u waayay awoodii dhaqaale sida uu sheegay xildhibaan Xuseen Waytaan oo laga soo doorto bariga magaalada Mandheera.

    Waxaa uu sheegay in tallaabadan ay tahay mid billow ah isla markaana uu ku fulinayo ballan qaad uu sameyay markii uu musharaxa ahaa ee kursiga uu doonayay.

    β€œArrinta waxaan ballan qaaday markii aan ku jiray ololaha doorashada waxaan u go’aansaday ka dib markii aan arkay dad badan oo niyad jabsan oo aan awoodin in ay guursadaan, hadii qofku uu guursan waayo waxaa suurtagal ah in uu sameeyo waxyaabo badan oo aan munaasab ahyen sida fal danbiyeed iyo anshax xumo kale” ayuu yiri xildhibaan Xuseen Waytaan oo BBC-da u warramay.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

    February 16, 2026

    Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

    February 10, 2026

    TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

    February 10, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG-DEG: Soomaaliya oo yeelaneysa Maxkamad Gaar ah oo Ganacsi

    February 27, 2026

    DEG DEG Xaaladda Abaareed ee Soomaaliya oo Sii Xoogeysatay, Khasaare Nafeedna Sababtay

    February 27, 2026

    DEG DEG Dagaal xooggan oo ka dhex qarxay dalalka Pakistan iyo Afghanistan

    February 27, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.