Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Ra’iisul-wasaaraha JFS, Xamse Cabdi ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo

    June 30, 2025

    Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

    June 30, 2025

    DEG DEG: Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Miir-Khaliifa

    June 29, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Ra’iisul-wasaaraha JFS, Xamse Cabdi ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo

      June 30, 2025

      DEG DEG: Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Miir-Khaliifa

      June 29, 2025

      Hirshabelle oo Saaka Gaartay Barwaaqo La Sugaayey Muddo Dheer – Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Hoggaaminaya Waqti Taariikhi ah

      June 29, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Qadar

      June 28, 2025

      Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

      June 30, 2025

      DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

      June 28, 2025

      Ruushka oo 10 qodob ku soo koobay waxa Maraykanku ka faa’iiday weerarradii xalay Iraan

      June 22, 2025

      DEG DEG mareeykanka oo Duqeeyay Xaruumihii Nuyukleeyrka Iiraan

      June 22, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Ra’iisul-wasaaraha JFS, Xamse Cabdi ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo

      June 30, 2025

      Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

      June 30, 2025

      DEG DEG: Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Miir-Khaliifa

      June 29, 2025

      Hirshabelle oo Saaka Gaartay Barwaaqo La Sugaayey Muddo Dheer – Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Hoggaaminaya Waqti Taariikhi ah

      June 29, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxay Somaliland ka tiri inay Hargeysa joogaan Saraakiil Itoobiyaan ah oo diyaarinaya dhaqan galka heshiiska MoU

    Maxay Somaliland ka tiri inay Hargeysa joogaan Saraakiil Itoobiyaan ah oo diyaarinaya dhaqan galka heshiiska MoU

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 18, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo suxufiyiin kula hadlayey Addis Ababa ayaa sheegay in Itoobiya ay qiil u samaynayso heshiiskii ay la saxiixatay Somaliland isagoo ku eedeeyey Itoobiya “ inay doonayso inay qaadato dhul Soomaaliyeed”

    Wuxuu intaa ku daray madaxweynaha Soomaaliya “in wakhtigan ay saraakiil sare ku sugan yihiin Somaliland kuwaas oo wada diyaar garów ay halkaa ka wadaan” si heshiiska loo dhaqan galiyo, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay sii murjinayso xiisadda.

    Wasiirka Warfaafinta ee Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Cali Maxamed Xasan ‘Cali Mareexaan’ ayaa BBC-da u sheegay ‘in Somaliland soddonkii sano ee la soo dhaafayba ay Itoobiya kala hadlaysay arimo badan oo khuseeya labada dhinac.

    “Somaliland iyo Itoobiya waxay leeyihiin iskaashi ganacsi, mid amni iyo mid xiriir oo muddo soo jiray, wayna ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa arintaas” ayu yiri wasiir Cali.

    Wasiirka ayaa beeniyey in saraakiil sar sare oo Itoobiyan ah ay ku sugan yihiin Somaliland, balse wuxuu xusay inay jiraan saraakiil sare oo Somaliland oo ku sugan Addisa Ababa.

    Wuxuu sheegay in wafti uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa balse mar BBC-du ay wax ka weydiisay inuu sharraxo ujeeddada ay halkaa u joogaan inay la xiriirto heshiiskii is afgaradka ee ay bilowgii bishii janaayo ay la galeen Itoobiya ayuusan si cad u sheegin arintaasi.

    “ Horta wafdiyo Somaliland ah way ku kala maqan yihiin dunida, wax cusubna ma aha in wafdiyo Somaliland tagaan Kenya, Jabuuti, Maraykanka iyo Itoobiya, laakin waftiga wasiirka Arrimaha dibadda way joogaan Addis Ababa, waxay kala hadlayaan wax badan, waxay kala hadlayaan xiriirka labada dhinac balse maaha kaliya heshiiska sida dowlada Soomaaliya uun ay uga dhagan tahay ee wax badan ayaan dunida kala hadalnaa ” ayuu yiri Wasiir Cali.

    Wasiirka warfaafinta ee Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu arrimaha heshiiskaas is afgaradka ahaa ee ay la galeen Itoobiya u saaray guddi ka kooban siddeed xubnood oo isgu jira waxgarad iyo aqoonyahanno, kuwaas oo hadda gacanta ku haya qorshaha dhamaystirka arintaasi.

    Mar BBC-du waydiisay in xubnahaas kuwo ka mid ah ay hadda joogaan Itoobiya iyo in kale ayuu yiri “ Maya ma joogaan, waxay hadda joogaan Hargeysa”.

    Isagoo ka hadlayey xiliga ay Somaliland rajaynayso in heshiiskii is afgaradka ahaa laga dhigo mid rasmi ah ayuu sheegay “ si fiican ayuu u socdaa, si dhaqso leh ayaa loo gaba gabayn doonaa dhawaan waxaana la hor gayn doonaa barlamaanka labada gole ee Somalland, sidaas ayuuna dhaqan gal ku noqon doonaa” ayuu intaas raaciyey wasiir Cali.

    Wuxuu sheegay inay Soomaaliya galaan heshiisyo sanad walba laakin ay hadda ku foogan yihiin kaliya heshiis kiro ah oo Somaliland la gashay Itoobiya, “waana dagaal qaawan oo ay dowlada Xasan Sheekh la galeen Somaliland” ayuu BBC-da u sheegay Wasiirka Cali Maxamed.

    Somaliland iyo Itoobiya

    SOMALILAND IYO ITOOBIYA

    Wasiirka Warfaafinta ee Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Cali Maxamed Xasan ayaa xusay inay jiraan dano dhaqaale kuwo amni iyo iskaashi oo ay la leeyihiin Itoobiya.

    “Magaalada Wajaale iyo Jigjiga waxay isku jiraan wax aan badnayn, ganacsiga ayaan la leenahay Itoobiya, amaanka xaduudaha ayaan ka wada leenahay wada shaqayn marka waa wax soo socday waana xoojinaynaa” ayuu yiri wasiirku.

    Bishii janaayo kowdeedii ayey Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo Itoobiya magaalada Addis Ababa ku wada gaareen heshiis is afgarad ah kaas oo saxiixiisa ka dib ay si weyn ugu carooratay dowlada Soomaaliya.

    Heshiiska is-afgaradka ee labada dhinac ay hadda doonayaan in loo beddelo heshiis sharci ah, ayaa waxaa muuqata in Somaliland ay diyaar u tahay inay Itoobiya u ogolaato in ay badda ka dhisato dekad ganacsi.

    Somaliland waxaa kale oo ay sheegtay in dhul dhan 20 Km oo xeebaha ah ay ka kireyn doonto ciidamada badda ee Itoobiya, arrintaas oo ay Addis Ababa xaqiijisay.

    Taa beddelkeeda waxay Somaliland doonaysaa in aqoonsi ay ka hesho Itoobiya.

    Heshiiskaas ayaa heerkii ugu xumaa gaarsiiyey xiriirka Soomaaliya iyo Itooobiya iyadoo Soomaaliya fagaarayaal caalami ah gaysay waxay ugu yeertay in “Itoobiya ay ku xad gudubtay qaranimada iyo madaxbananida dhuleed ee Soomaaliya”.

    Muddo bil iyo dheeraad ah oo ka soo wareegtay heshiiski is afgaradka ee Somaliland iyo Itoobiya wada galeen, wali si rasmi ah looguma baddalin heshiis toos ah, laakiin Somaliland ayaa sheegtay in ay arrintaasi dhawaan qabsoomi doonto.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Ra’iisul-wasaaraha JFS, Xamse Cabdi ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo

    June 30, 2025

    Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

    June 30, 2025

    DEG DEG: Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Miir-Khaliifa

    June 29, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Ra’iisul-wasaaraha JFS, Xamse Cabdi ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo

    June 30, 2025

    Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

    June 30, 2025

    DEG DEG: Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Miir-Khaliifa

    June 29, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.