Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

    May 21, 2025

    DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

    May 21, 2025

    Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

    May 20, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

      May 21, 2025

      DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

      May 21, 2025

      Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

      May 20, 2025

      DEG DEG: Madaxweyne Deni oo gaaray Addis Ababa ee dalka Ethiopia

      May 20, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo dagaalka AS kala hadlay dhigiisa dalka Ciraaq

      May 18, 2025

      Weeraro aay fuliyeen ciidammadda Ruushka oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira

      May 17, 2025

      Maxay Soomaaliya ka baran kartaa Ciraaq oo ay isku xaalad iyo dagaal sokeeye soo wada mareen?

      May 17, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

      May 21, 2025

      DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

      May 21, 2025

      Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

      May 20, 2025

      DEG DEG: Madaxweyne Deni oo gaaray Addis Ababa ee dalka Ethiopia

      May 20, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxaan ka oganahay labada dhakhtar ee Cuban ka ah ee ‘ku dhintay’ dhulka ay gacanta ku hayaan Al-shabaab

    Maxaan ka oganahay labada dhakhtar ee Cuban ka ah ee ‘ku dhintay’ dhulka ay gacanta ku hayaan Al-shabaab

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 18, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Al shabaab ayaa baahisay in ay geeriyoodeen labo dhakhaatiir ah oo muddo sanado ah ay gacanta ku hayeen.

    Dhakhaatiirta oo u dhalatay dalka Cuba ayaa in kabadan afar sano kahor laga afduubtay gudaha dalka Kenya iyadoo markii danbe Al-shabaab ay sheegeen in ay gacanta ku hayaan.

    War ay soo saareen ayey ku sheegeen in duqeyn ka dhacday degmada Jilib ay ku geeriyoodeen labadan dhakhaatiirta ah, inkasta oo aysan jirin ka madaxbanaan kooxda oo xaqiijin kara sida ay wax u dhaceen.

    Warsaxaafadeed kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen degmada Jilib lagu dilay labadan dhakhaatiirta ah ee udhashay dalka Cuba.

    Al shabaab ayaa ku warrantay in habeenkii Khamiista ee lasoo dhaafay ay Maraykanku duqayn ku dileen kadib markii ay gantaallo ku dhufteen gurigii ay ku jireen oo ku yaalla degmada Jilib.

    Sawirrada meydadka dhakhaatiirta ayaa lagu baahiyay baraha bulshada ee ay kooxdu isticmaasho.

    Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Sabtidii sheegtay in 15 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgallada dhanka cirka ah ee ay ka fuliyeen gobollada Shabeellaha Hoose iyo Galguduud.

    “Diyaaradahan oo ay taageerayaan saaxiibo caalami ah ayaa lagu bartilmaameedsaday kooxda oo ku sugnaa Kuntu Waarey oo ka tirsan Shabeellaha Hoose iyo Galcad oo ka tirsan Galguduud” ayaa lagu yiri warka.

    “Duqeymahan ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab iyo hantida argagixisada” ayaa la sii raaciyaya hadalka wasaaradda.

    Xilliga uu dhacayay afduubka raggaan ayaa oo ahayd shan ka hor, lama aqoonsaneyn in Al shabaab ay ka danbeeyeen, iyadoo sidoo kale askari lagu dilay halka uu afduubku ka dhacay.

    Dhakhaatiirka ayaa afduubka kadib la xaqiijiyay in lala galay dhinaca Soomaaliya.

    Labada dhakhaatiir ee u dhashay Cuba
    Qoraalka sawirka,Labada dhakhaatiir ee u dhashay Cuba

    Senator Cali Roba, oo xilligaasi ahaa guddoomiyaha ismaamulka Mandheera, ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay “in gaariga kooxda afduubka geystay ay is hortaageen gaarigii ay wateen dhakhaatiirta “oo ay rasaas ku fureen ilaaladooda, mid kamida ilaaladana uu halkaa ku geeriyooday”.

    Labada dhakhtar ayaa lagu kala magacaabayay Dr Assel Herera Correa oo ah dhakhtar guud iyo Dr Landy Rodriguez oo ah dhakhtar ka howl geli jiray dhinaca qalliinnada.

    Afduubka kahor ayaa deganaayeen isbitaalka guud ee ismaamulka Mandheera iyagoo qeyb ka ahaa koox ka kooban 100 Cuban ah oo Kenya yimid sanadkii 2018-kii si ay gacan uga geystaan kor u qaadista adeegyada caafimaadka.

    Sanadkii 2020-kii ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in ragga gacanta ugu jira Al-shabaab lasii daayay iyadoo la sheegay in warkaasi uu kasoo baxay sarkaal katirsan dowladda Soomaaliya, hase yeeshee wasiirkii arrimaha dibadda ee xilligaas Dr Axmed Ciise Cawad oo la hadlay BBC-da ayaa beeniyay.

    “Dowladda Soomaaliya waxa ay waddaa dadaal, waxaana nagala shaqeyneysa dowladda Cuba, balse hadda ma aha war xaqiiq ah in lasii daayay dhakhaatiirtii ay Al-shabaab afduubteen, dowladda Cubana wey nalasoo xiriiraan waxana kawada hadalnaa halka ay wax maraan”, ayuu yiri wasiir Cawad.

    Duqeymaha Al-shabaab
    Qoraalka sawirka,Mareykanka

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Cuba ayaa Sabtidii sheegtay in aan la xaqiijin karin dhimashada la sheegay in lagu dilay labada dhakhtar ee Cuba u dhashay ee Assel Herrera Correa iyo Landy Rodríguez Hernandez.

    Magaalada Mandheera ayaa inta badan waxaa xilligaasi ka dhacayay weerarro ay ku dhinteen dad badan oo isugu jira rayid iyo ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka. Inta badan Al-Shabaab ayaa sheegata mas’uuliyadda.

    Bishii Nofembar sanadkii 2018-kii, weeraryahanno hubaysan ayaa dhaawacay shan qof oo ay ku jiraan laba carruur ah waxayna afduubteen samafale Talyaani ah oo ku sugneyd Chakama, oo ah magaalo yar oo u dhow xeebta Kenya iyo koonfurta xadka Soomaaliya. Haweeneydaas ayey markii dambe kooxdu sii daayeen iyadoo dib ugu noqotay Talyaaniga.

    Kooxdan ayaa weerarro dhowr ah ka geystay gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka ku yaalla xadka Soomaaliya, si ay cadaadis ugu saaraan dowladda Kenya in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    YouTuber caan ah oo mar sheegay in dalal ay Soomaaliya ka mid tahay uu ceelal ka qodayo oo dacwado loo heysto

    September 23, 2024

    Sida taleefan lagu dhex dafay London muddo yar ka dib loogu arkay dalka Shiinaha

    September 7, 2024

    Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare oo la shaaciyay iyo arday badan oo…

    August 27, 2024
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

    May 21, 2025

    DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

    May 21, 2025

    Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

    May 20, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.