Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      DEG-DEG: Qarax ka dhacay Godka Jilocow &

      October 4, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu ula kulmi laha Donald Trump.

      September 27, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      DEG-DEG: Qarax ka dhacay Godka Jilocow &

      October 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Sababta la rumeysan yahay in shalay loo weeraray Bakaaro

    Sababta la rumeysan yahay in shalay loo weeraray Bakaaro

    Liban QoonoBy Liban QoonoFebruary 7, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Qaraxyo ayaa salaaddii duhur kadib shalay laga maqlay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray goobo ganacsi.

    “Waxaan indhahayga ku arkayey toddoba qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca saddex kale,” ayuu yiri goobjooge diiday inaan magaciisa baahinno.

    Goobjoogahaan oo sidoo kale ah ganacsade tukaan ku leh suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in hal mar uu isbaddeley jawiga suuqa, gaar ahaan qaybta lagu iibiyo alaabta Electron-ga oo khasaaraha ugu badan uu gaaray.

    Waxa uu sheegay in dadkii ku sugnaa suuqa ay kala carareen iyadoo si dhaqsi leh loo xiray dukaamadii furnaa. 

    Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo gaaray suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in ujeedka uu ahaa beegsiga ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan suuqa weyn Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

    Maxay tahay sababta loo weeraray suuqa?

    Sida uu sheegay Axmed Cabdullaahi Kaboole, oo arimah ammaanka ka faallooda, caado ma ahayn in kooxaha dagaalka kula jira dawladda Soomaaliya, sida Al-Shabaab iyo Daacish ay weeraraan suuqa Bakaaraha, sababtoo ah waxay la macaamili jireen ganacsatada oo badankood ay ka qaadi jireen lacago baad ah. Tobankii sano ee u dambeeyay ayuu xaalku sidaas ahaa.

    “Waxaa laga yaabaa inay dad ku dhex dili jireen oo ama ha nooqto xubnaha dowlada ama kuwa sakawaadka diida,” ayuu yiri Kaboole.

    Dad badan ayaa u arka in weerarka Bakaaraha ee shalay uu yahay mid cusub.

    Kaboole, ayaa qaba in weerarkan lagu qaaday suuqa Bakaaraha ay ula muuqato in uu sababi karo sharciga la-dagaalanka argagixisada ee dowladda Soomaaliya ay soo saartay, kaas oo si adag u xadidaya cid kasta oo macaamil dhex maro kooxaha dowladu u aqoonsan tahay argagixisada, kaas oo si uun u naaqusiyay macaamiilkii dhex-mari jiray Al-Shabaab iyo ganacsatada qaar.

    “Tani waa jawaab ka timi al-Shabaab ayaan is leeyahay, sababtoo ah sharcigan adag ee dowladdu soo rogtay ayay doonayaan in ay u muujiyaan inay carqaladeynayaan,” ayuu yiri Axmed Kaboole. 

    Suuqa Baarakaha waa suuqa ganacsi ee ugu weyn Soomaaliya, halkaas oo xuddun u ah nolosha malaayiin Soomaali ah oo siyaabo kala duwan noloshoodu ugu tiirsan yahay.

    Axmed Cabdillaahi Kaboole ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay xaqiijiso ammaanka ganacstada, maadama ay hadda u muuqdaan hilib banaan yaal ay dhibaatadu gaarayso iyaga uun.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.