Close Menu
    What's Hot

    Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani

    February 11, 2026

    Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid

    February 11, 2026

    Maxaa ka soo baxaya shirka Muqdisho?

    February 11, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani

      February 11, 2026

      Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid

      February 11, 2026

      Maxaa ka soo baxaya shirka Muqdisho?

      February 11, 2026

      DEG DEG Dagaal Xoogan oo ka socda Degaanka Yurkud

      February 11, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani

      February 11, 2026

      Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid

      February 11, 2026

      Maxaa ka soo baxaya shirka Muqdisho?

      February 11, 2026

      DEG DEG Dagaal Xoogan oo ka socda Degaanka Yurkud

      February 11, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Sababta la rumeysan yahay in shalay loo weeraray Bakaaro

    Sababta la rumeysan yahay in shalay loo weeraray Bakaaro

    By Liban QoonoFebruary 7, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Qaraxyo ayaa salaaddii duhur kadib shalay laga maqlay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray goobo ganacsi.

    β€œWaxaan indhahayga ku arkayey toddoba qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca saddex kale,” ayuu yiri goobjooge diiday inaan magaciisa baahinno.

    Goobjoogahaan oo sidoo kale ah ganacsade tukaan ku leh suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in hal mar uu isbaddeley jawiga suuqa, gaar ahaan qaybta lagu iibiyo alaabta Electron-ga oo khasaaraha ugu badan uu gaaray.

    Waxa uu sheegay in dadkii ku sugnaa suuqa ay kala carareen iyadoo si dhaqsi leh loo xiray dukaamadii furnaa. 

    Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo gaaray suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in ujeedka uu ahaa beegsiga ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan suuqa weyn Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

    Maxay tahay sababta loo weeraray suuqa?

    Sida uu sheegay Axmed Cabdullaahi Kaboole, oo arimah ammaanka ka faallooda, caado ma ahayn in kooxaha dagaalka kula jira dawladda Soomaaliya, sida Al-Shabaab iyo Daacish ay weeraraan suuqa Bakaaraha, sababtoo ah waxay la macaamili jireen ganacsatada oo badankood ay ka qaadi jireen lacago baad ah. Tobankii sano ee u dambeeyay ayuu xaalku sidaas ahaa.

    β€œWaxaa laga yaabaa inay dad ku dhex dili jireen oo ama ha nooqto xubnaha dowlada ama kuwa sakawaadka diida,” ayuu yiri Kaboole.

    Dad badan ayaa u arka in weerarka Bakaaraha ee shalay uu yahay mid cusub.

    Kaboole, ayaa qaba in weerarkan lagu qaaday suuqa Bakaaraha ay ula muuqato in uu sababi karo sharciga la-dagaalanka argagixisada ee dowladda Soomaaliya ay soo saartay, kaas oo si adag u xadidaya cid kasta oo macaamil dhex maro kooxaha dowladu u aqoonsan tahay argagixisada, kaas oo si uun u naaqusiyay macaamiilkii dhex-mari jiray Al-Shabaab iyo ganacsatada qaar.

    β€œTani waa jawaab ka timi al-Shabaab ayaan is leeyahay, sababtoo ah sharcigan adag ee dowladdu soo rogtay ayay doonayaan in ay u muujiyaan inay carqaladeynayaan,” ayuu yiri Axmed Kaboole. 

    Suuqa Baarakaha waa suuqa ganacsi ee ugu weyn Soomaaliya, halkaas oo xuddun u ah nolosha malaayiin Soomaali ah oo siyaabo kala duwan noloshoodu ugu tiirsan yahay.

    Axmed Cabdillaahi Kaboole ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay xaqiijiso ammaanka ganacstada, maadama ay hadda u muuqdaan hilib banaan yaal ay dhibaatadu gaarayso iyaga uun.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani

    February 11, 2026

    Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid

    February 11, 2026

    Maxaa ka soo baxaya shirka Muqdisho?

    February 11, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani

    February 11, 2026

    Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid

    February 11, 2026

    Maxaa ka soo baxaya shirka Muqdisho?

    February 11, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.