Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka qeybgalay kulan qado sharaf ah uu u sameeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor .
Kulankaan qado sharafta ah ee lagu casuumay Madaxweynaha waxaa ka qeybgalay wafdiga Madaxweynaha oo ka koobnaa Wasiirro iyo lataliyaal iyadoo sidoo kale ay ka qeybgaleen masuuliyiin isugu jirtay labada gole ee Dowladda Puntland.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland casuumada uu u sameeyay isagoo sheegay in Dowladaha Hirshabeelle iyo Puntland uu ka dhaxeeyo xiriir iskaashi oo dhan walba ah.