Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

    May 21, 2025

    DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

    May 21, 2025

    Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

    May 20, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

      May 21, 2025

      DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

      May 21, 2025

      Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

      May 20, 2025

      DEG DEG: Madaxweyne Deni oo gaaray Addis Ababa ee dalka Ethiopia

      May 20, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo dagaalka AS kala hadlay dhigiisa dalka Ciraaq

      May 18, 2025

      Weeraro aay fuliyeen ciidammadda Ruushka oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira

      May 17, 2025

      Maxay Soomaaliya ka baran kartaa Ciraaq oo ay isku xaalad iyo dagaal sokeeye soo wada mareen?

      May 17, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

      May 21, 2025

      DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

      May 21, 2025

      Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

      May 20, 2025

      DEG DEG: Madaxweyne Deni oo gaaray Addis Ababa ee dalka Ethiopia

      May 20, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Muxuu yahay heshiiska ay Sacuudi Carabiya ay daneynayso inay Israa’iil la gasho dagaalka Qasa ka dib

    Muxuu yahay heshiiska ay Sacuudi Carabiya ay daneynayso inay Israa’iil la gasho dagaalka Qasa ka dib

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 11, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Safiirka Sacuudiga u fadhiya UK ayaa sheegay in ay daneynayaan in la caadiyeeyo xiriirka kala dhaxeeya Israa’iil kadib dagaalka Qasa, balse heshiis kasta waa in uu horseedaa abuuritaanka dowlad Falastiini ah.

    Amiir Khalid bin Bandar ayaa BBC-da u sheegay in heshiisku “soo dhowaa” markii ay boqortooyadu hakisay wadahadaladii uu Maraykanku garwadeenka ka ahaa ka dib weeraradii dhimashada badnaa ee Xamaas ay ku qaaday Israa’iil 7-dii October.

    Sacuudi Carabiya ayaa wali aaminsan in ay xiriir la sameysato Israa’iil in kasta oo Qasa uu ka jiro “khasaare baaxad leh”, ayuu yiri,

    Safiirka ayaa sidoo kale ka digay in ay jirto “guul darro dhanka bini’aadantinimada” ee Gaza, iyada oo beesha caalamku aysan ku filneyn joojinta dagaalka.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in uu jeclaan lahaa in uu arko “mowqifka UK oo dhex dhexaad ka ah xaaladda sida waddamada kalana ula dhaqanto Israa’iil “. “Iska indha tirka arrinta Israa’iil waa dhibaato dhab ah,” ayuu raaciyay.

    Sacuudi Carabiya waa hogaamiyaha wadamada Carabta iyo Islaamka. Weligeed si rasmi ah uma aqoonsan Israa’iil tan iyo markii la aasaasay 1948-kii, marka in heshiis caadi ah oo xidhiidhkooda lagu hagaajinayo uu dhaco waxa uu ka dhigan yahay horumar weyn oo u soo hoyday Israa’iil.

    Sacuudi Carabiya waa hogaamiyaha wadamada Carabta iyo Islaamka. Weligeed si rasmi ah uma aqoonsan Israa’iil tan iyo markii la aasaasay 1948-kii

    Dabayaaqadii Sebtembar, hogaamiyaha dhabta ah ee Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay wareysi uu siiyay telefishinka Mareykanka in “maalin walba aan soo dhowaaneyno” heshiis.

    Halka Dhaxalsugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan uu sheegay in arrinta Falastiin ay tahay “mid aad muhiim u ah”, heshiis kastana uu yahay inuu “ fududeeyo nolosha Falastiiniyiinta”, ma uusan shaacinin inay ku xiran tahay horumarka laga gaarayo abuuritaanka dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah.

    Mar la weydiiyay sida ay Sacuudi Carabiya u aragto Xamaas – oo ay Israa’iil, Mareykanka, UK iyo dalal kale oo reer galbeed ah u aqoonsan yihiin urur argagixiso – inay qayb ka tahay dowladda mustaqbalka ee Falastiin, ayuu yiri Amiir Khalid “waxay u baahan tahay fikir badan”.

    “Mar walba waxaa jira boos isbedel ah haddii aad leedahay yididiilo iyo rajo, laakiin marka uu khilaaf dhaco waxa ugu horreeya ee aad u baahan tahay inaad ogaato waa in labada dhinacba ay guul-darreeysteen,” ayuu raaciyay.

    Mawqifka guud ee hogaamiyayaasha falastiiniyiinta ayaa ah in ay si cad u diidi doonaan heshiis hadii aanay ka bixin dawlad, laakiin horaantii bishan ayay masuuliyiintu sheegeen in ay si gaar ah u dalbanayeen lacag kordhin iyo gacan ku haynta dhulka Daanta Galbeed ee la haysto si ay ula falgalaan hannaanka Sucuudiga iyo Israa’iil ee uu Maraykanku taageero.

    Saraakiisha Sucuudiga ayaa la sheegay in ay Maraykanka ka codsadeen in uu hakiyo wadahadalka saddex geesoodka ah dhowr maalmood kadib weeraradii 7-dii October, kaas oo ku dhawaad 1,300 oo qof lagu dilay 240 kalena ay qafaasheen boqollaal dabley ah oo Xamaas ka tirsan kuwaas oo gudaha u galay Israa’iil.

    Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in in ka badan 23,200 oo qof lagu dilay dhulkaas intii lagu jiray ololihii millatari ee ay Israa’iil markii dambe qaadday, ujeeddadeeduna ahayd burburinta Xamaas.

    Ka dib markii uu la kulmay Dhaxalsugaha Boqortooyada Mohammed Isniintii, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa u sheegay suxufiyiinta inuu keenay mowduuca caadi ka dhigista.

    “Waxaa jirta dan cad si halkan looga sii wado,” ayuu yiri. “Laakiin waxay u baahan doontaa in colaadda Gaza ku dhammaato, waxayna sidoo kale si cad u baahan doontaa in la helo waddo wax ku ool ah oo loo maro dowlad Falastiin ah.”

    Safiirka Sacuudiga ee London oo wareysi siinayay barnaamijka maanta ee BBC-da Talaadadii, ayaa xaqiijiyay in “dhab ahaantii ay jirto daneynta” madaxda dalkiisa ee heshiiskaas.

    “[Heshiiska] wuxuu ahaa mid dhow, ma jirto wax su’aal ah oo ka taagan. Anaga ahaan, halka ugu dambeeya ayaa hubaal ah in aan ka mid ahaanayn wax ka yar dawlad madax-bannaan oo Falastiin ah,” ayuu yiri Amiir Khalid.

    Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan ku dhownahay inaan caadiyeyno xiriirka yaga, sidaas darteed waxaan sidaas ugu ku dhownahay in la dhiso dowlad Falastiin ah. Labadaasna waa ay isku xiran yihiin.”

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

    May 18, 2025

    Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo dagaalka AS kala hadlay dhigiisa dalka Ciraaq

    May 18, 2025

    Weeraro aay fuliyeen ciidammadda Ruushka oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira

    May 17, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

    May 21, 2025

    DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

    May 21, 2025

    Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

    May 20, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.