Close Menu
    What's Hot

    DEG-DEG: Soomaaliya oo yeelaneysa Maxkamad Gaar ah oo Ganacsi

    February 27, 2026

    DEG DEG Xaaladda Abaareed ee Soomaaliya oo Sii Xoogeysatay, Khasaare Nafeedna Sababtay

    February 27, 2026

    DEG DEG Dagaal xooggan oo ka dhex qarxay dalalka Pakistan iyo Afghanistan

    February 27, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG-DEG: Soomaaliya oo yeelaneysa Maxkamad Gaar ah oo Ganacsi

      February 27, 2026

      DEG DEG Xaaladda Abaareed ee Soomaaliya oo Sii Xoogeysatay, Khasaare Nafeedna Sababtay

      February 27, 2026

      DEG DEG Dagaal xooggan oo ka dhex qarxay dalalka Pakistan iyo Afghanistan

      February 27, 2026

      Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

      February 24, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      DEG-DEG: Soomaaliya oo yeelaneysa Maxkamad Gaar ah oo Ganacsi

      February 27, 2026

      DEG DEG Xaaladda Abaareed ee Soomaaliya oo Sii Xoogeysatay, Khasaare Nafeedna Sababtay

      February 27, 2026

      DEG DEG Dagaal xooggan oo ka dhex qarxay dalalka Pakistan iyo Afghanistan

      February 27, 2026

      Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

      February 24, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Muxuu heshiiska Itoobiya iyo Somaliland arrin weyn uga noqday Geeska Afrika?

    Muxuu heshiiska Itoobiya iyo Somaliland arrin weyn uga noqday Geeska Afrika?

    By radiohalgan.comJanuary 9, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa noqday wasiirkii ugu horreeyay ee is casila, kadib khilaafkii ka dhashay heshiiska muranka badan ka dhaliyay Geeska Afrika.

    Wasiirkii Gaashaandhigga ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa sheegay in uu is casilay, waxaana uu tilmaamay in ay ahayd in golaha wasiirrada lagala tashado heshiiska ay Somaliland la gashay Itoobiya oo ah dal daris ah oo aan bad lahayn.

    Soomaaliya oo u aragta Somaliland inay ka tirsan tahay dhulweynaha Soomaaliya ayaa si caro leh uga jawaabtay heshiiskii 1-dii Jannaayo, waxayna ku tilmaantay faragalin arrimaha gudaha Soomaaliya lagu sameeyay.

    Mareykanka iyo Midowga Afrika labaduba waxay taageereen midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxayna ku boorriyeen dhammaan dhinacyada inay qaboojiyaan xiisadda.

    Maxaa lagu heshiiyey?

    Si rasmi ah looma shaacin qodobbada heshiiska ay wada saxiixdeen madaxda Itoobiya iyo Somaliland, taasoo ah dhibaato jirta maaddaama ay ku kala duwan yihiin waxyaabaha ay tilmaameen in ay ku heshiiyeen labada dhinac.

    Heshiiska is-afgaradka ee labada dhinac ay hadda doonayaan in loo badello heshiis sharci ah, ayaa waxaa muuqata in Somaliland ay diyaar u tahay inay Itoobiya u oggolaato in ay badda ka dhisato dekad ganacsi.

    Somaliland waxaa kale oo ay sheegtay in dhul dhan 20 Km oo xeebaha ah ay ka kireyn doonto ciidamada badda ee Itoobiya, arrintaas oo ay Addis Ababa xaqiijisay.

    Taa beddelkeeda, Somaliland waxay saami ku yeelan doontaa shirkadda diyaaradda Ethiopian Airline, oo ah shirkad duullimaad oo dowladdu ay leedahay.

    Laakiin halka arrinta adag ay ka jirto ayaa ah in Itoobiya ay sheegtay in ay Somaliland u aqoonsanayso dal madax-bannaan, tallaabadaas oo aanay jirin waddan kale oo sameeyey 30-kii sannadood ee Somaliland ay tilmaantay in madax bannaanideeda ay Soomaaliya kala soo laabatay.

    Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maalintii saxiix heshiiska kadib khudbada uu jeediyay ku sheegay in Itoobiya ay aqoonsan doonto Somaliland dal madax-bannaan.

    Itoobiya ma aysan xaqiijin arrintan, balse waxaa ay caddaysay in heshiiska is-afgaradka, ay ku jiraan qodobbo β€œsharci oo ah in si qoto dheer loo qiimeeyo mowqifka ku aaddan dadaalka ay Somaliland ugu jirto aqoonsiga”.

    Maxay tahay sababta heshiiskan uu muranka badan u dhaliyaya?

    Soomaaliya waxaa ay u aragta Somaliland inay ka tirsan tahay Jamamuuriyadda Fadealka Soomaaliya, heshiis kast oo ay la gasho waddan kale uma aqoonsana in uu yahay mid sharci ah maaddaama uusan oggolaansho ka haysan Muqdisho.

    Maalin ka dib markii la saxiixay is-afgaradka, Soomaaliya waxay heshiiska ku tilmaantay fal “gardarro” ah oo “caqabad ku ah nabadda iyo xasiloonida”. Waxaa kale oo ay u yeedhay safiirkeedii joogay Addis Ababa.

    Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo horey u caddeeyay mowqifkiisa ayaa mar kale yiri “dalkeenna waan difaaci doonnaa, waxaan ku difaaci doonnaa wax kasta oo lagama maarmaan ah, taageero ayaan weydiisan doonnaa cid kasta oo gacan naga siinaysa.”

    Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada β€œinay u diyaar garoobaan difaaca dalka”.

    Toddobaadkii hore waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo heshiiska iyadoo tobnaan kun ay isugu soo baxeen si ay uga soo horjeestaan.

    Waa sidee meeqaamka Somaliland?

    Somaliland oo hore uu uga talin jiray gumeystihii Ingiriiska, ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, waxaana ay leedahay dhammaan hannaankii dowladadeeda sida nidaam siyaasadeed oo shaqaynaya, doorashooyin joogto ah, boolis iyo lacag u gaar ah.

    Tobannaankii sano ee la soo dhaafay waxa ay sidoo kale ka badbaadday in dagaalladii iyo fowdadii ka jirtay koonfurta Soomaaliya, laakiin ilaa iyo hadda ma jiro hal dal oo wali aqoonsaday.

    Haddii ay Itoobiya aqoonsato, waxay saamayn weyn ku yeelanaysaa gobolka Geeska Afrika.

    Itoobiya maxay ka tiri arrinta?

    Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sanadkii hore ku tilmaamay helitaanka badda mid ku xiran jirtaanka Itoobiya.

    Itoobiya waxay lumisay dekeddeeda markii ay Eritrea ka goosatay horraantii sagaashamaadkii, waa dalka ugu dadka badan adduunka oo aan bad lahayn waxaana lagu qiyaasaa in Itoobiya ay ku nool yihiin in ka badan 100 milyan oo qof.

    Hadalka Abiy ayaa kor u qaaday cabsida laga qabo in Itoobiya ay isku daydo inay xoog ku gaarto hadafkeeda ah helitanka badda .

    Waxa ay heshiiska Somaliland la gashay ku tilmaantay mid taariikhi ah, ujeeddadiisu tahay mid nabadeed.

    “Mawqifka ay dowladdu ku dhawaaqday wuxuu salka ku hayaa rabitaanka ah inaan cidna dagaal lala gelin,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska isgaarsiinta ee Itoobiya

    Laakiin isaga oo tixraacaya muranka, Abiy wuxuu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X in “haddii arrimuhu ay u dhacaan si ka baxsan sidii aan filaynay wax walb ay dhici karaan oo la gudboon”.

    Maxay dadka kale ka dhaheen khilaafka labada dal ?

    Qariirada

    Taariikhdu markii ay ahayd 3-dii Jannaayo, guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ku baaqay in arrinta la dejiyo “si loo qaboojiyo xiisadda sii huraysa” ee u dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya.

    Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Matthew Miller ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu ka walaacsan yahay wararka sheegaya in Itoobiya ay aqoonsan doonto madax-banaanida Somaliland.

    “Waxaan si la mid ah saaxiibbada kale muujiinaynaa walaaca halista ah iyo sidoo kale xiisadda ka dhalatay Geeska Afrika,” ayuu ku daray hadalkiisa.

    Turkiga oo kaalin mug leh ku leh Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

    Masar sidoo kale ballan-qaadday inay taageerti doonto Soomaaliya, Madaxweyne Abdul Fattah al-Sisi ayaa u sheegay dhiggiisa Soomaaliya in Masar ay garab taagan tahay Soomaaliya ayna ka taageerti doonto β€œamniga iyo xasilloonida”.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG-DEG: Soomaaliya oo yeelaneysa Maxkamad Gaar ah oo Ganacsi

    February 27, 2026

    DEG DEG Xaaladda Abaareed ee Soomaaliya oo Sii Xoogeysatay, Khasaare Nafeedna Sababtay

    February 27, 2026

    DEG DEG Dagaal xooggan oo ka dhex qarxay dalalka Pakistan iyo Afghanistan

    February 27, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG-DEG: Soomaaliya oo yeelaneysa Maxkamad Gaar ah oo Ganacsi

    February 27, 2026

    DEG DEG Xaaladda Abaareed ee Soomaaliya oo Sii Xoogeysatay, Khasaare Nafeedna Sababtay

    February 27, 2026

    DEG DEG Dagaal xooggan oo ka dhex qarxay dalalka Pakistan iyo Afghanistan

    February 27, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.