Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Guddoomiye ku xigeynkii Hore Arimaha Bulshadda Degmadda jalalaqsi Ayaa Taladaan Soo jeediyay Abuukar Maxamed Cali Gaabow

    July 5, 2025

    War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

    July 4, 2025

    Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

    July 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Guddoomiye ku xigeynkii Hore Arimaha Bulshadda Degmadda jalalaqsi Ayaa Taladaan Soo jeediyay Abuukar Maxamed Cali Gaabow

      July 5, 2025

      Ra’iisul-wasaaraha JFS, Xamse Cabdi ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo

      June 30, 2025

      DEG DEG: Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Miir-Khaliifa

      June 29, 2025

      Hirshabelle oo Saaka Gaartay Barwaaqo La Sugaayey Muddo Dheer – Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Hoggaaminaya Waqti Taariikhi ah

      June 29, 2025

      War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

      July 4, 2025

      Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

      July 4, 2025

      Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

      June 30, 2025

      DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

      June 28, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Guddoomiye ku xigeynkii Hore Arimaha Bulshadda Degmadda jalalaqsi Ayaa Taladaan Soo jeediyay Abuukar Maxamed Cali Gaabow

      July 5, 2025

      War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

      July 4, 2025

      Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

      July 4, 2025

      Ra’iisul-wasaaraha JFS, Xamse Cabdi ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo

      June 30, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxkamadda Turkiga oo xukun ku ridday wiilka madaxweynaha Soomaaliya

    Maxkamadda Turkiga oo xukun ku ridday wiilka madaxweynaha Soomaaliya

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 16, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa maanta oo Talaado ah xukun ku ridday wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo lagu eedeeyay inuu dilay darawal mooto bajaaj ah, waxaana lagu xukumay 2 sano iyo bar xarig ah taas oo isla markiiba loo beddelay ganaax maxkamadeed oo u dhigma 27 kun liro oo lacagta dalkaasi ah, una dhiganta ku dhowaad kun doollarka Mareykanka ah, iyadoo la tixgalinayo shakhsiyaddiisa, xaaladdiisa bulsho iyo dhaqaale iyo qoomamo uu muujiyay intii ay dacwaddu socotay.

    Waxaa kale oo maxkamaddu go’aamisay in Maxamed Xassan laga celiyo laysinka darawalnimada muddo 6 bilood ah.

    Dhageysiga 1-aad ee dacwadda Maxamed Xasan Sheekh Maxmuud lagu soo oogay ayaa maanta lagu qabtay maxkamadda darajada koowaad ee 33-aad ee magaalada Istanbul.

    Maxamed Xasan sheekh ayaa toddobaadkii hore ku laabtay dalka Turkiga si uu u wajaho kiiska ka dhanka ah, waxaana maxkamaddu ka qaadday amarkii caalamiga ahaa ee lagu soo xirayay oo uu horey u soo saaray dacwad-oogaha Turkiga.

    Dacwad oogayaasha ayaa codsaday in lagu xukumo ilaa lix sano oo xarig ah.

    “Nolosha darawalka ma noqon karto 27 kun TL”

    🔴 "Karara itiraz edeceğiz"

    📌 Yunus Emre Göçer’in katili Somali cumhurbaşkanının oğlu Mohammed Hassan Sheikh Mohamud'a 27 bin 300 lira adli para cezası verildi

    🗣 Yunus Emre Göçer’in babası Metin Göçer'in Avukatı Tuğba Aydın karara itiraz edeceklerini belirtti.… pic.twitter.com/NpTOR7HRMy

    — dokuz8haber (@dokuz8haber) January 16, 2024

    Isagoo hadal ka jeedinaya afaafka hore ee maxkamada, gudoomiyaha ururka xuquuqul insaanka dalkaas, Mesut Çeki ayaa yiri, “Nolosha darwalka mootada ma noqon karto 27 kun TL, waxaa lagala wareegay laysinka darawalnimada wiilka madaxweynaha 6 bilood, hadda ma caddaalad baa dhacday? ayuu yiri.

    Çeki ayaa tilmaamay in xafiiska dacwad oogahu, ay siiyaay khaladkii dhacay boqolkiiba 75 Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud halka 25 boqolkiiba la siiyay Göçer oo ahaa darawalkii shilka ku geeriyooday.

    Qareenka aabbaha Göçer ayaa gudbiyay dacwad ka hor inta aan go’aanka la gaarin,waxaan xubnaha qoyska aya rabeen lagu xukumao 3 sano oo xabsi ah.

    🔴 Yunus Emre Göçer’in katili Somali cumhurbaşkanının oğlu Mohammed Hassan Sheikh Mohamud'a 27 bin 300 lira adli para cezası verildi

    TEHİS Sendikası Başkanı Kubilay Çelik:

    🗣"Bu ülkede bir insanın ölümünün bedeli 27 bin lira imiş biz bugün bunu öğrendik. Öldürülen, sakat kalan,… pic.twitter.com/HsqiEyUqSS

    — dokuz8haber (@dokuz8haber) January 16, 2024

    “Sannadkii hore 68 ka mid ah darawallada Mooto Bajaajta ayaa ku naf waayey shilal ay geysteen gaadiidka, haddii aan dadka naga dhinta aan laga dhigin kuwa macno leh, oo dadka lagu xukumo 27 kun oo Lira hal maalin aysan xabsi galin marka waxaan filayaa in taasi aysan cadaalad ahayn, shacabka ayaan u dhaafayaa inay go’aan ka gaaraan” ayuu yir Mesut Çeki.

    Madaxa ururka Shaqaalaha Adeegga iyo dalxiiska Turkiga Kubilay Celik ayaa dhankiisa sheegay in go,aanka maxkamadda ay casharo cusub ka barteen.

    “Qiimaha qofka ku dhintay dalkan waa 27 kun oo Liira, tan maanta ayaan barannay, tani maaha dhacdo gooni ah, halkan uma joogno oo kaliya saaxiibkeen Yunus Emre Göçer, waxaan halkan u joognaa dhammaan ururka mootalayda ee la dilay, waxaana sugeynaa in cadaalada, waxaan ku dadaali doonaa sidii aan halganka cadaaladda,”Waan sii wadi doonnaa inta aan awoodno.” Ayuu yir.

    Sidee ayuu u dhacay shilkan?

    Shilkaan ayaa 30 kii bishii November ee sanadkii hore ka dhacay meel u dhow waddada Eurasia Tunnel ee magaalada Istanbul.

    Yunus Emre Göçer oo ahaa darawal mooto ayaa ku dhaawcmay shilkaasi ,waxaan uu dhintay lix maalmood kadib sida uu duqa Istanbul shaaciayay.

    Muuqaallo lasii daayay oo ay duubeen kaamirooyinka CCTV ayuu duqa magalaadda Istanbul ku daabcay bogga uu ku leeyahay X oo horey loo oran jiray Twitter – waxay muujinayaan gaariga oo gadaal uga dhacay mootada, waddo mashquul badan.

    Wasiirka caddaaladda dalka Turkiga Yılmaz Tunç ayaa shilka kadib waxaa uu sheegay in qof kast oo shilkaasi ku lug lahaa uu cadaaladda mari doono.

    Waxaa xayiraad safar oo caalami ah lagu soo rogay Maxamed Xasan Sheekh, oo ah wiilka madaxweynaha Soomalaiya kaas oo ay dawladda Turkiga siidaysay kadib markii hakad oo kooban oo baaritaan ah lgau sameeyay.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Guddoomiye ku xigeynkii Hore Arimaha Bulshadda Degmadda jalalaqsi Ayaa Taladaan Soo jeediyay Abuukar Maxamed Cali Gaabow

    July 5, 2025

    War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

    July 4, 2025

    Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

    July 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Guddoomiye ku xigeynkii Hore Arimaha Bulshadda Degmadda jalalaqsi Ayaa Taladaan Soo jeediyay Abuukar Maxamed Cali Gaabow

    July 5, 2025

    War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

    July 4, 2025

    Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

    July 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.