Close Menu
    What's Hot

    Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani

    February 11, 2026

    Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid

    February 11, 2026

    Maxaa ka soo baxaya shirka Muqdisho?

    February 11, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani

      February 11, 2026

      Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid

      February 11, 2026

      Maxaa ka soo baxaya shirka Muqdisho?

      February 11, 2026

      DEG DEG Dagaal Xoogan oo ka socda Degaanka Yurkud

      February 11, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani

      February 11, 2026

      Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid

      February 11, 2026

      Maxaa ka soo baxaya shirka Muqdisho?

      February 11, 2026

      DEG DEG Dagaal Xoogan oo ka socda Degaanka Yurkud

      February 11, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Maxkamadda Turkiga oo xukun ku ridday wiilka madaxweynaha Soomaaliya

    Maxkamadda Turkiga oo xukun ku ridday wiilka madaxweynaha Soomaaliya

    By radiohalgan.comJanuary 16, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa maanta oo Talaado ah xukun ku ridday wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo lagu eedeeyay inuu dilay darawal mooto bajaaj ah, waxaana lagu xukumay 2 sano iyo bar xarig ah taas oo isla markiiba loo beddelay ganaax maxkamadeed oo u dhigma 27 kun liro oo lacagta dalkaasi ah, una dhiganta ku dhowaad kun doollarka Mareykanka ah, iyadoo la tixgalinayo shakhsiyaddiisa, xaaladdiisa bulsho iyo dhaqaale iyo qoomamo uu muujiyay intii ay dacwaddu socotay.

    Waxaa kale oo maxkamaddu go’aamisay in Maxamed Xassan laga celiyo laysinka darawalnimada muddo 6 bilood ah.

    Dhageysiga 1-aad ee dacwadda Maxamed Xasan Sheekh Maxmuud lagu soo oogay ayaa maanta lagu qabtay maxkamadda darajada koowaad ee 33-aad ee magaalada Istanbul.

    Maxamed Xasan sheekh ayaa toddobaadkii hore ku laabtay dalka Turkiga si uu u wajaho kiiska ka dhanka ah, waxaana maxkamaddu ka qaadday amarkii caalamiga ahaa ee lagu soo xirayay oo uu horey u soo saaray dacwad-oogaha Turkiga.

    Dacwad oogayaasha ayaa codsaday in lagu xukumo ilaa lix sano oo xarig ah.

    “Nolosha darawalka ma noqon karto 27 kun TL”

    🔴 "Karara itiraz edeceğiz"

    📌 Yunus Emre Göçer’in katili Somali cumhurbaşkanının oğlu Mohammed Hassan Sheikh Mohamud'a 27 bin 300 lira adli para cezası verildi

    🗣 Yunus Emre Göçer’in babası Metin Göçer'in Avukatı Tuğba Aydın karara itiraz edeceklerini belirtti.… pic.twitter.com/NpTOR7HRMy

    — dokuz8haber (@dokuz8haber) January 16, 2024

    Isagoo hadal ka jeedinaya afaafka hore ee maxkamada, gudoomiyaha ururka xuquuqul insaanka dalkaas, Mesut Çeki ayaa yiri, “Nolosha darwalka mootada ma noqon karto 27 kun TL, waxaa lagala wareegay laysinka darawalnimada wiilka madaxweynaha 6 bilood, hadda ma caddaalad baa dhacday? ayuu yiri.

    Çeki ayaa tilmaamay in xafiiska dacwad oogahu, ay siiyaay khaladkii dhacay boqolkiiba 75 Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud halka 25 boqolkiiba la siiyay Göçer oo ahaa darawalkii shilka ku geeriyooday.

    Qareenka aabbaha Göçer ayaa gudbiyay dacwad ka hor inta aan go’aanka la gaarin,waxaan xubnaha qoyska aya rabeen lagu xukumao 3 sano oo xabsi ah.

    🔴 Yunus Emre Göçer’in katili Somali cumhurbaşkanının oğlu Mohammed Hassan Sheikh Mohamud'a 27 bin 300 lira adli para cezası verildi

    TEHİS Sendikası Başkanı Kubilay Çelik:

    🗣"Bu ülkede bir insanın ölümünün bedeli 27 bin lira imiş biz bugün bunu öğrendik. Öldürülen, sakat kalan,… pic.twitter.com/HsqiEyUqSS

    — dokuz8haber (@dokuz8haber) January 16, 2024

    “Sannadkii hore 68 ka mid ah darawallada Mooto Bajaajta ayaa ku naf waayey shilal ay geysteen gaadiidka, haddii aan dadka naga dhinta aan laga dhigin kuwa macno leh, oo dadka lagu xukumo 27 kun oo Lira hal maalin aysan xabsi galin marka waxaan filayaa in taasi aysan cadaalad ahayn, shacabka ayaan u dhaafayaa inay go’aan ka gaaraan” ayuu yir Mesut Çeki.

    Madaxa ururka Shaqaalaha Adeegga iyo dalxiiska Turkiga Kubilay Celik ayaa dhankiisa sheegay in go,aanka maxkamadda ay casharo cusub ka barteen.

    “Qiimaha qofka ku dhintay dalkan waa 27 kun oo Liira, tan maanta ayaan barannay, tani maaha dhacdo gooni ah, halkan uma joogno oo kaliya saaxiibkeen Yunus Emre Göçer, waxaan halkan u joognaa dhammaan ururka mootalayda ee la dilay, waxaana sugeynaa in cadaalada, waxaan ku dadaali doonaa sidii aan halganka cadaaladda,”Waan sii wadi doonnaa inta aan awoodno.” Ayuu yir.

    Sidee ayuu u dhacay shilkan?

    Shilkaan ayaa 30 kii bishii November ee sanadkii hore ka dhacay meel u dhow waddada Eurasia Tunnel ee magaalada Istanbul.

    Yunus Emre Göçer oo ahaa darawal mooto ayaa ku dhaawcmay shilkaasi ,waxaan uu dhintay lix maalmood kadib sida uu duqa Istanbul shaaciayay.

    Muuqaallo lasii daayay oo ay duubeen kaamirooyinka CCTV ayuu duqa magalaadda Istanbul ku daabcay bogga uu ku leeyahay X oo horey loo oran jiray Twitter – waxay muujinayaan gaariga oo gadaal uga dhacay mootada, waddo mashquul badan.

    Wasiirka caddaaladda dalka Turkiga Yılmaz Tunç ayaa shilka kadib waxaa uu sheegay in qof kast oo shilkaasi ku lug lahaa uu cadaaladda mari doono.

    Waxaa xayiraad safar oo caalami ah lagu soo rogay Maxamed Xasan Sheekh, oo ah wiilka madaxweynaha Soomalaiya kaas oo ay dawladda Turkiga siidaysay kadib markii hakad oo kooban oo baaritaan ah lgau sameeyay.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani

    February 11, 2026

    Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid

    February 11, 2026

    Maxaa ka soo baxaya shirka Muqdisho?

    February 11, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani

    February 11, 2026

    Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid

    February 11, 2026

    Maxaa ka soo baxaya shirka Muqdisho?

    February 11, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.