Close Menu
    What's Hot

    Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    February 4, 2026

    ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

    February 4, 2026

    DEG DEG.Musharax Farxaan Jimcaale ”Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan

    February 4, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Doorashada Gudoomiyaha gudiga Xuquul insaanka ayaa ka socota Muqdisho.

      February 4, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐–๐ž๐ž๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐ž๐ž ๐ˆ๐ข๐ซ๐š๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฅ๐š๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

      February 4, 2026

      ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

      February 4, 2026

      DEG DEG.Musharax Farxaan Jimcaale ”Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan

      February 4, 2026

      Doorashada Gudoomiyaha gudiga Xuquul insaanka ayaa ka socota Muqdisho.

      February 4, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home ยป Maxay weli u shaqeynayaan baraha Al-Shabab kadib markii NISA ay sheegtay inay tirtirtay?

    Maxay weli u shaqeynayaan baraha Al-Shabab kadib markii NISA ay sheegtay inay tirtirtay?

    By radiohalgan.comFebruary 2, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Hayโ€™adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo bandhigtay ku dhawaad 20 Mareegood ama Website-yo ay sheegtay in ay ka xidhay kooxda Al-shabaab.

    Website-yada NISA ay soo bandhigtay ayaa ahaa kuwii ugu waa weynaa oo ay kooxda Al-shabaab ku faafin jirtay wararkeeda.

    Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala, ayaa ku soo qoray bartiisa Facebook ku soo qaray, โ€œin gabi ahaanba uusan jirin maanta bog ay leeyihiin Al-shabaab oo shaqaynayaโ€.

    Balse saacado uun ka dib markii ay dawladdu ku dhawaaqday xirista mareegahaas, ayaa waxa ay al Shabaab isticmaalayaan webiste-yo cusub oo wata isla magacyadii ay dawladdu sheegtay in ay xirtay.

    Waxay u muuqataa in ay halkaan ka socoto ciyaar ila meereyso ah oo ka dhaxaysa labada dhan.

    Hadaba xagee wax iska qaban laโ€™ yihiin?

    Sida uu sheegay wasiir kuxigeenka wasaradda warfaafinta dawladda fedaraalka ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala, dawladdu waxay Al-shabaab kula jirtaa โ€œdagaal aan kala hadh lahayn.โ€

    Mid ka mid ah dagaalkaasna waa in la joojiyo dacaayadaha iyo been abuurka ay dadka Soomaaliyeed ku marrin habaabiyaan ama ku cabsi geliyan ama ay maskaxdooda ku qaldaan,โ€ ayuu yiri wasiir Al-Cadaala oo la hadlayay BBC-da.

    Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in dawladdu ay qiyaastii sannad iyo bar ka hor bilowday โ€œhawlgalka lagu burburinayo joogitaankooda [Al-Shabaab] baraha bulshada iyo guud ahaan aaladaha warbaahineed ee ay isticmaalaanโ€ wuxuuna sheegay in tani ay hawlgalkaas ka mid ahayd.

    Mar la waydiiye wasiirka sida ay ugu suurta gashay in ay mareegaha iyo barahan bulshada ay ka xiraan dalal kale oo ka baxsan Soomaaliya ayaa wuxuu yiri: โ€œDabcan aduunka waxaa ka jira sharci iyo nidaam la isla yaqaano oo dawladaha caalamku ay ku wada shaqeeyaan oo ay ku wada xiriiraanโ€.

    Wuxuu intaa kusii daray in hayโ€™adaha dawladda Soomaaliyta ay mareen dariiqyada dawliga ah iyo kuwa caalamiga ah โ€œee loogu tala galay in lagu joojiyo argagixisanimadaโ€.

    Waxaan hor dhignay wasiirka sababta ay wali u sii shaqaynayaan website cusub oo ay leeyihiin Al-shabaab iyada oo saacado ka hor ay dawladdu sheegtay in ay hawada ka bixiyeen guud ahaan bogagii ay lahaayeen al Shabaab.

    โ€œWaxaa muhiim ahayd in nidaamka lagu joojinayo la dhamaystiro uuna shaqeeyo lana tijaabiyo waana shaaqeeyay waana la dhamaystiray, dad xirfadleyaal ah ayaa u xilsaaranโ€, ayuu wasiir Al-Cadaala u sheegay BBC-da.

    Sidee bay dawladuhu u xayiraan bogagga internet-ka?

    Weli waxaa shaqaynaya bogag ay internet ka ku leeyihiin Al-shabaab, waxaana laga yaabaa in ay furtaan kuwa kale marka laga xiro bogagga baraha bulshada iyo mareegaha internet-ka ee ay haatan ku adeeganayaan. Haddaba farsamo ahaan sidey dawladi u xakamayn kartaa ama u joojin kartaa mareegaha iyo baraha bulshada ee bartilmaameedka u ah?

    Suโ€™aashan waxaa weydiinay khabiir ku takhasusay arrimaha amniga internet-ka iyo teknoolajida oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

    โ€œMarka hore aan kala qaadno baraha bulshada iyo mareegaha kale. Baraha Bulshada sida Facebook, Twitter Tiktok iyo wixii la mid ah waxaa iska leh shirkado shisheeye oo leh sharciyo u gaar ah isla markaana waafaqa xeerarka caalamiga ah iyo kuwa dalalka laga leeyahayโ€ ayuu yiri khabiirku.

    Sidaas darteed waxa uu sheegay khabiirku marka ay dawladdu doonayso in ay xirto bog baro bulsheed ah, in ay ku qasban tahay in ay xiriir la samayso shirkadda iska leh bartaas bulsho kuna qanciso in boggaas uu mudan yahay in la joojiyo.

    โ€œShirkadaha baraha bulshada ayaa waxaa u yaala siyaasad iyo nidaam ay wax kaga qaban karaan bogagga lala xiriiriyo argagixisada iyo kooxaha kale ee dambiilayaasha ah, taas oo haddi ay wax ka qaban waayaan lagu dacweyn karo. Dhamaantoodna waxay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan maxaa yeelay horay ayey u dhacday in akoonno badan laga xiro kooxo noocaas oo kale ahโ€ ayuu yiri khabiirku.

    Si la mid ah, shirkadaha keydiya xogta mareegaha internet-ka ayaa iyaguna leh sharciyo ay kaga hor tagaan akoonada ay ku qancaan in ay yihiin kuwa argagixiso ama cid kale oo mudan in laga xiro, saas darteed dawladdu shirkadahaas ayey soo ogaataa kadibna xiriir la samaysaa.

    Balse waxaas oo dhan waxaa ka muhiimsan oo wasiir Al cadaala iyo khabiirkuba isku raaceen in lacagaha khidmada ee mareegaha loo adeegsado kaarar bangi taas oo wasiirku sheegay in ay noqon karto si dhib oo looga hortago mareegahaas.

    Dawladaha horumaray sida uu khabiirku sheegay waxay leeyihiin hal mee loo laga xakameeyo guud ahaan internet-ka taas oo u fududeynaysain laga war hayo tilaabana laga qaado bogagga iyo mareegaha noocaas oo kale ah, hase yeeshee wuxuu khabiirku shaki ka muujiyey in dawladda Soomaaliya ay haysato nidaamka noocaas ah ee hormarsan.

    Balse sida muuqata wali waxaa shaqaynaya bogag ay leedahay kooxda Al-shabaab, guud ahaan talaabooyinkaasina waxay u muuqdaan kuwa aan ku guuleysan xakameynta internet ee Al-shabaab.

    Isha: BBC

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    February 4, 2026

    ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

    February 4, 2026

    DEG DEG.Musharax Farxaan Jimcaale ”Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan

    February 4, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    February 4, 2026

    ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

    February 4, 2026

    DEG DEG.Musharax Farxaan Jimcaale ”Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan

    February 4, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.