Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

    July 7, 2025

    DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

    July 7, 2025

    DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

    July 7, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

      July 7, 2025

      DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

      July 7, 2025

      DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

      July 7, 2025

      DEG DEG Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Moqokori.

      July 7, 2025

      War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

      July 4, 2025

      Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

      July 4, 2025

      Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

      June 30, 2025

      DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

      June 28, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

      July 7, 2025

      DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

      July 7, 2025

      DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

      July 7, 2025

      DEG DEG Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Moqokori.

      July 7, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxay tahay heesta uu abaalmarinta caalamiga ah ku helay fannaanka Keynaan?

    Maxay tahay heesta uu abaalmarinta caalamiga ah ku helay fannaanka Keynaan?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 9, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Fannaankan asalkiisu Soomaaliga yahay ee heysta dhalashada Canada, Keynaan Cabdi Warsame, ayaa sanadkii hore soo saaray heesta “Qaxooti” taasoo uu ugu talogalay qaxootiga adduunka.

    Guddiga Recording Academy oo bixiya abaal-marinnada dhanka fanka ayaa u qoondeeyay abaalmarinta Special Merit Award, taasoo uu ku muteystay fankiisa ku wajahan isbeddelka bulshada.

    Sida ay qorayaan qaar ka mid ah warbaahinta Canada, Kenyaan ayaa loo magacaabay qofka sanadkan ku guuleystay Abaalmarinta Heesta ugu Wanaagsan ee Isbeddelka Bulshada, taasoo uu ku muteystay heestiisa Qaxooti ee sanadkii hore soo baxday.

    Abaalmarintan ayaa waxaa bixiya Recording Academy — waana isla guddiga xirfadleyaasha muusikada ee sanad walba bixiya abaalmarinta caalamiga ah ee GRAMMYs — taasoo qeyb ka ah abaalmarinnadooda Special Merit Awards. Dadka ku guuleystay ayaa xaflad loo dhigi doonaa 3-da Febraayo kahor habeenka GRAMMYs.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan YouTube Waxaa laga yaabaa inay ku jirta xayasiis

    Dhammaadka YouTube boggan

    Keynaan, oo ku soo caan-baxay heestiisa “Waving’ Flag,” ee uu ka qaaday Koobka Adduunka ee lagu qabtay Koofur Afrika ayaa mar walba fankiisa ku saleeya khibradihii shakhsiyadeed ee markii uu qaxootiga ahaa.

    Qoyskiisa ayaa tegay Waqooyiga Ameerika iyagoo Soomaaliya kasoo tegay, iyagoo ka baxsanayay dagaalladii sokeeye, markaasoo uu da’yaraa waana sanadkii 1991, wuxuuna markii hore tegay Mareykanka kahor inta uusan degin magaalada Toronto.

    Qiyaastii 10 sano kadib, oo uu fankiisa ka bilaabay Toronto, wuxuu ka qeyb galay munaasabadda sanad-guuradii 50-naad ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR, isagoo cambaareeyay sida aysan hay’addu wax weyn uga qaban Soomaaliya. Bandhiggaas kadib wuxuu Keynaan ku guuleystay abaalmarinno ay ka mid tahay The Dusty Foot Philosopher.

    Keynaan ayaa markaas kadib diiradda saaray mashaariic kale. Balse heesta Qaxooti ee sanadkii hore soo baxday wuxuu ugu talogalay malaayiinka qof ee dunida qaxootiga ku ah laguna qasbay inay guryahooda ka baxaan.

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram, markii uu heesta soo saaray, ayaa wuxuu Keynaan ku yiri: “Soomaali ahaan eraygu wuxuu la micno yahay qof hoy la’aan ah. Waxaan doonayay inaan sameeyo hees u muuqan karta mid hoy u ah kuweenna naga midka ah ee ay dagaalladu hoy la’aan dhigeen.”

    Heestan ayaa ah mid shakhsiyadeed iyo mid siyaasadeed intaba. Keynaan ayaa ku koray dhegeysiga gabayada qoyskiisa markii uu joogay Soomaaliya.

    UNHCR, ayaa xogtii ugu dambeysay ee qaxootiga ay kasoo saartay waxay muujineysaa in haatan ilaa 110 milyan oo qof si qasab ah looga barakiciyay guryahooda guud ahaan adduunka.

    Waxaa ka mid ah in ka badan 670,000 oo qaxooti kasoo jeeda Soomaaliya, halkaasoo dagaallada ka socda iyo abaaraha ba’an ee tobnaanka sano socday ay weli dadka ku qasbayaan inay guryahooda ka baxaan iyagoo raadinaya meelo ammaan ah oo ay ku noolaadaan.

    Mar uu ka hadlayay dhulkiisa hooyo, Keynaan wuxuu sheegay in “in geesinnimo iyo quus labadaba ay kugu qaadaneyso inaad kasoo tagto dhulkaaga aadna tagto meel aadan aqoon. Waxaad meel iska dhigeysaa wax walboo mar kaa dhigay qofka aad tahay, si aad ugu biirto bulsho kaa badan. Waxaan arkay hooyadey oo sidaa sameysay. Awooddeeda ayaa rajo i siisay. Sidoo kale waxay taasi jebisay qalbigeyga.”

    Heestan cusub ee Keynaan waxaa erayadeeda ka mid ah: “Haddii aan xor ahaanayo, waan beddeli lahaa magacayga. Momma ha dareemin ceeb. Qof baa iigu yeeray, Qaxooti….”

    Heestan “Qaxooti” ayaa laga heli karaa barta YouTube iyo dhammaanba meelaha kale ee waaweyn ee heesaha lagu soo bandhigo.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

    July 7, 2025

    DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

    July 7, 2025

    DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

    July 7, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

    July 7, 2025

    DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

    July 7, 2025

    DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

    July 7, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.